Ku noqo

Soomaali

صومالي

Casharo Muhiim Ah

1 fiidyowyo
PDF

Qubulad

3 fiidyowyo
Description of Wudu
0:00 / 0:00
How to Perform Wudu
0:00 / 0:00
Wudu Affairs
0:00 / 0:00

Salaad

3 fiidyowyo
Description of Prayer
0:00 / 0:00
Salah with Duaa
0:00 / 0:00
How to Perform Prayer
0:00 / 0:00

Su'aalo muhiim ah

279 su'aalo
Qaybta Caqiidada:42

Su'aal1: Waa kuma Rabbigaa?

Jawaab: Rabbigay waa Allaah oo ah kan i barbaariyey oo ku barbaariyey uunka oo idil Nicmaddiisa, waana Midka aan caabudo ma lihi mana jiro la caabude kale oo xaq ah oo aan Isaga aheyn, waana Abuuraha, Arsaaqaha, Maamulaha waxa uunka jira oo dhan.
Waxaana u daliil ah Qowlka Alle Kor ahaaye:
"Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uunka". [Suuradda Al-Faatixah: 2].

S2: Waa maxay diintaadu?

J: Diinteydu waa Islaam, waana in Alle la Is ku dhiibo adigoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada, la adeeco, loo hoggaansamo, lagana dheeraado shirkiga iyo cidda ku dhaqantaba.
Alle wuxuu yidhi:
"Diinta Xaqa ahi Alle agtiisa waa Islaamka". [Suuradda Aala-Cimraan: 19].

S3: Waa kuma Nabigaagu?

J: Waa Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.
Alle Kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Muxammad waa Rasuulka Alle". [Suuradda Al-Fatax: 29].

S4: Sheeg weedha Tawxiidka, waa maxay macnaheedu?

J- Weedha Towxiidku waa "laa ilaaha Illallaah" macnaheeduna waxa weeye : Ma jiro la caabude xaq ah oo aan aheyn Allaah.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
{Waxaan qirayaa in ilaah xaq lagu caabudo uusan jirin Alle ma ahee}. [Suuradda Muxammad:19].
- Wuxuu kaloo yidhi Alle, Isagaa xumaan ka hufane: "Arrinkaasi waa in Alle uu yahay Xaq, iyo in waxay baryaan (caabudaan) sokadii uu yahay Baadil, iyo in Alle yahay Sarreeyaha Weyn" . [Suuradda Al-Xaj: 62].

S5: Xagguu jiraa Alle Weyne Sharafta iyo Haybadda Badan?

J-Allaah wuxuu jiraa samada Carshigiisha dushiisa, ka Kor yahay wuxuu abuuray oo dhan, Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa)" [Suuradda Daahaa:5].
Wuxuu kaloo yidhi kor ahaaye:
"(Alle) waa Awood Badanaha Muquuniya (daalimiinta iyo isla weynayaasha) ee ka korreeya addoomahiisa, waana Xakiimka, Xog Ogaalka ah" [Suuradda Al-Ancaam: 18].

S6: Waa maxay ka marag kaca in Muxammad yahay Rasuulka Alle?

J: Macnaheedu waxaa weeye in Alle u soo diray dadka iyo jinka bishaareeye iyo dige ahaan.
Waxaana waajib ah:

1. In lagu addeeco wuxuu amro.
2- In la rumeysto wuxuu sheegay.
3- Inaan lagu caasiyoobin (laga hor imaan).
4- Inaan Alle lagu caabudin waxaan aheyn wuxuu sharciyeeyey, waana in la raaco Sunnada oo laga tago bidcada.
Alle Kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Qofkii addeeca (hoggaansama) Rasuulka (Nabi Muxammad), wuxuu Addeecay Allaah". [Suuradda An-Nisaa: 80].
Wuxuu kaloo Alle yidhi Isagaa xumaan ka hufane:
"Ma ku hadlo (Nabigu) hawadiisa (waxay naftiisu doonto)" 3 "Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday" 4 [Suuradda An-Najam: 3,4],
Wuxuu kaloo Alle yidhi:
"Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan oo uu raaco qof kastoo danaynaya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan". [Suuradda Al-Axzaab:21].

S7: Muxuu Alle kor ahaaye noo abuuray?

J: Wuxuu noo abuuray inaan caabudno Keligii oo aannu cidna u shariig yeelin oo la wadaajin cibaadada.
Nooma abuurin dheel iyo ciyaar iyo ujeeddo la’aan.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Uma aan abuurin jinka iyo insiga waxaan aheyn iney i caabudaan (macnaha Alle Keliya caabudaan iyagoon cidna wax la wadaajin cibaadada)". [Suuradda Ad-Daariyaat: 56].

S8: Waa maxay cibaadadu?

J- Waa magac kulmiya wax kasta oo Alle jecel yahay kana raalli yahay oo leh odhaahyada iyo camallada qarsoon iyo kuwa muuqdaba.
- Kuwa muuqda: Sida ku xusidda Ilaahay carrabka ee leh subxaanaleysi, Alla ammaan, takbiir, salaadda iyo xajka.
- Kuwa qarsoon: Sida tala saarashada Alle, ka cabsashada Alle iyo ka rajeyntiisa kheyr (wanaag ).

S9: Waa maxay waajib na saaran kan ugu weyn?

J- Waajibka ugu weyn ee na saaran waa in Alle kor ahaaye loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Allaah keligii iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan". [Suuradda Al-Bayyinah: 8].

S10: Waa maxay noocyada Tawxiidku?

J: 1. Waa Towxiidka u gaar iyo gooni yeelidda Alle Rabbinnimada: Waana rumeynta inuu Alle yahay Abuuraha, Irzaaqaha, Maamulaha uunka, Keligii mana laha wax shariig ah oo wax la wadaaga.
2. Towxiidka Illaahnimada: Waana ku Keli iyo gaar yeelidda Alle cibaadada, waa inaan la caabudin cidna Allaah ma’ahee
3- Towxiidka Magacyada iyo tilmaamaha Alle: Waana rumeynta Magacyada iyo Tilmaamaha Alle kor ahaaye ee ku soo arooray Kitaabka  Qur’aanka iyo Sunnada, iyagoo aan waxna lala mid dhigin, oo lagu shabbihin, waana inaan la diidin magacyada iyo tilmaamahaa ama la macno doorin.
Waxaana u caddeyn ah noocyada Towxiidka ee seddexda ah:
Qowlka Alle Kor ahaaye: Qowlka Alle kor ahaaye: "(Alle) Waa Rabbiga samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya ee caabud Isagoo Keliya oo u samir yeelo cibaadadiisa. Miyaad garan wax la mid ah oo la Magac iyo Tilmaan ah?". [Suuradda Maryam: 65].

S11: Denbi maxaa u weyn?

J: U shariig yeelidda Alle kor ahaaye oo cibaadada lala wadaajiyo cid kale.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Alle ma dhaafo denbiga ah in loo shariig yeelo, wuu se u dhaafaa waxa aan denbigaa oo kale aheyn qofkuu doono; qofka Alle wax la wadaajiya cibaadada, wuxuu been abuurtay denbi weyn." [Suuradda An-Nisaa:48].

S12: Sheeg shirkiga iyo noocyadiisa?

J: Shirkigu: Waa qofka oo u yeela Alle wax la mid ah oo u dhigma; xagga cibaadada ama Rabbinnimada ama Magacyadiisa iyo Tilmaamahiisa.
Waxaana ka mid ah shirkiga in wax laga siiyo wax uun ka mid ah noocyada cibaadada, cid kale aan ahayn Alle Weyne kor ahaaye.
Noocyada shirkiga:

- Shirki weyn; sida: baryada cidaan Alle aheyn kor ahaaye, ama in loo sujuudo cidaan Alle aheyn, ama wax loo gowraco cidaan Allaha Sharafa iyo Haybadda Badan aheyn.
- Shirki yar; oo aan looga bixin diinta laguna gaaloobin ahse denbi weyn sida: ku dhaarashada cidaan aheyn Alle kor ahaaye, ama xirashada xirsiyo (qardhaas) waana waxyaalaha la  xidho ama meel la surto si dheef loo helo ama dhib looga badbaado. Waxaa kaloo ka mid ah is tuska yar, sida inuu qofku wanaajiyo salaadda markay dadku eegayaan.

S13: Ma cid baa jirta ogsoon Ghaybka (arrimaha qarsoon aan muuqan) aan aheyn Allaah kor ahaaye?

J: Ma jirto cid og Ghaybka (wax qarsoon aan muuqan) Alle Keliya mooyee.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Cidna ma oga Ghaybka (arrimaha qarsoon aan muuqan) Alle oo keliya moyee, mana ay oga goorta la soo bixin geeri kaddib - Qiyaamaha". [Suuradda An-Namal:65].

S14: Waa immisa tiirarka Iimaanku?

J: Tiirarka Iimaanku waa lix:
1. Rumeynta Alle kor ahaaye.
2. Malaa’igtiisa.
3. Kutubtiisa.
4. Rusushiisa.
5. Maalinta Aakhiro (Qiyaamaha).
6. Qaddarka Alle kheyrkiisa iyo sharkiisaba.
Waxaa caddeyn u ah intaasba, Xasiidka Jibriil, ee Muslim soo wariyay, oo Jibriil uu ku leeyahay Nabiga- sallallaahu calayhi wasalam: "Ii sheeg Iimaanka, wuxuu yidhi: Waa inaad rumeyso Allaah, malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Aakhiro ee Qiyaamaha, oo aad rumeyso Qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisaba.

S15: Waa maxay macnaha tiirarka Iimaanku?

J: Rumeynta Alle kor ahaaye: Waa inaad rumeyso inuu Alle ku abuuray oo ku arsaaqo (ku quudiyo), waana Isaga Kan iska leh ee maamula Keligii uunkiisa uu abuuray dhammaantood. Waana la caabudaha, ma jiro mid xaq lagu caabudo oo aan Isaga aheyn, Isagaa leh uunka dhammaan iyo amarkaba iyo xukunka iyo sharci dejinta Keligii mana leh shariig iyo cid wax la wadaagta.
Waana Sharaflaha Weyn dhammeystiran oo leh ammaan iyo mahad naq oo dhan, wuxuu leeyahay Magacyada wanaagsan ee Quruxda badan iyo Tilmaamaha sare, ma jiraan wax la mid ah oo u dhigma, mana jiro wax uu u eg yahay Isagaa Alle nusqaan ka hufane.
Rumeynta malaa’igta:
Waana kuwo uu Alle ka abuuray nuur, wuxuu u abuuray iney caabudaan oo u hoggaan samaan si dhan Amarkiisa.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Waase addoomo (malaa’igta) la sharfay Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan". [Al-Anbiyaa (26-27].
- Nabigu sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Waxaa laga abuuray malaa’igta nuur" Waxaa soo weriyey Muslim.
- Waxaa ka mid ah malaa'igta Jibriil oo ku soo dejiya Waxyiga anbiyada kaddib amarka Alle. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Qur’aankani waa Waxyi ka soo degay xagga (Alle)
Rabbiga uumanka oo dhan abuuray". Waxaa ku soo dejiyey Qur'aanka kaddib amar Alle Ruuxul-amiin (Jibriil), Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto digayaasha "Rususha Alle". Waana af Carabi faseex ah "Qur’aanka". [Ash-Shucuraa (192-195].
Rumeynta Kutubta Alle:
Waana Kutubta uu Alle ku soo dejiyey Rusushiisa.
- Sida Qur’aanka lagu soo dejiyey Nabi Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.
- Injiil oo lagu soo dejiyey Nabi Ciise calayhi salaam.
- Towraadda oo lagu soo dejiyey Nabi Muuse calayhi salaam.
- Az-Zabuur oo lagu soo dejiyey Nabi Daawuud calayhi salaam.
- Suxuftii Ibraahiim iyo Muuse: ee lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Muuse calayhima-salaam.
Rumeynta Rususha Alle:
Waa kuwa uu Alle u soo diray addoomahiisa si ay wax u baraan, oo ugu bishaareeyaan khayrka iyo Jannada oo uga digaan sharka iyo Naarta.
Waxaana ugu fadli badan:
kuwa leh go’aanka adag (ulul-cazmi)
waana kuwan:
- Nuux calayhi salaam.
- Ibraahiim calayhi salaam.
- Muuse calayhi salaam.
- Ciise calayhi salaam.
- Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.
Rumeynta Maalinta Aakhiro:
Waa geerida kaddib qabriga gudihiisa, Maalinta Qiyaamada, Maalinta iska soo bixinta qubuuraha iyo Xisaabta Aakhiro iyo u kala garsoorka dadka markaasay ku sugnaan kuwo hoygoodu yahay Jannada meesha ku habboon deegaankooda, kuwa hoygoodu yahay Naartuna u hoyan Naarta.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Naf walba waxay dhadhamin dhimashada, waxaa la idiin dhammeystiri ajarkiinna Maalinta Qiyaamaha. Ee qofkii laga fogeeyo Naarta ee la geliyo Jannada wuu liibaanay. Mana aha nolosha adduunku waxaan aheyn raaxo lagu dagmo". [Suuradda Aala-Cimraan:185].
Rumeynta Qaddarka khayrkiisa iyo sharkiisaba:

- Qaddarku: Waa rumeynta inuu Alle og yahay wax kastoo ka dhaca caalamka, wuxuuna ku qoray wax walboo dhici Looxa Maxfuudka, Isagaana doonay jirtaankooda oo abuuray.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Waxaan ku abuurnay wax kasta Qaddar (billowgiisa iyo dhammaadkiisa ayaan go'aaminnay)". [Suuradda Al-Qamar: 9].
- Waana afar heer:
Midka hore: Cilmiga Alle kor ahaaye, waxaana ka mid ah Ogaanshahiisa hore ee wax walba, ka hor intayna dhicin iyo kaddib dhiciddooda.
Waxaa u daliil ah:
Qowlka Alle Kor ahaaye: "Alle Keliya ayaa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada. Nafina ma oga waxay mudan berri, nafina ma oga dhulkee bey ku dhiman. Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah". [Suuradda Luqmaan: 34].
Midda labaad:
In Alle ku qoray arrinkaasi Looxa Maxfuudka, wax kastoo dhacay ama dhici doona waxay ku qoran yihiin agtiisa Kitaab.
Waxaana u daliil ah:

Qowlka Alle kor ahaaye: "Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khasnadaha qarsoon, ma jirto cid ogsoon oo aan Isaga aheyn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin (midho) taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka)". [Suuradda Al-Ancaam: 59].
Midda seddexaad:
oo ah in wax waliba ay ku dhacaan Doonista Alle, waxbana kama dhacaan ama kuwa uu abuuray kama dhacaan illaa waxay ku dhacaan Doonistiisa. Qofkuna wuxuu leeyahay doorasho iyo rabitaan iyo doonis, laakiinse rabitaankan iyo doonistan ma dhacaan inuu Alle doono ma’ahee.
Waxaana u daliil ah:
Qowlka Alle kor ahaaye: "Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa). Oo waxna ma dooni kartaan aan ahayn wuxuu Alle doono mooyee, Rabbiga caalamka". [Suuradda At-Takwiir: 28, 29].
Midda afraad:
Rumaynta in waxa caalamka jira oo idil abuurane yihiin. Waxaa abuuray Alle, oo abuuray nafahooda iyo tilmaamahooda iyo dhaqdhaqaaqooda iyo wax kastoo ku sugan uunka.
Waxaana u daliil ah:
Qowlka Alle kor ahaaye:Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba? "Allaah baa idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba". [Suuradda As-Saaffaat: 96].

S16: Waa maxay Qur’aanku?

J: Waa hadalka Alle kor ahaaye, ma aha wax la abuuray.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Hadduu qof ka mid ahi mushrikiinta ku weydiisto magan gelyo, magan geli si uu u maqlo hadalka Alle (Qur’aanka)". [Suuradda At-Tawbah: 6].
Waxaa lagu soo wariyey Xadiis:
"Fadliga hadalka Alle dheer yahay hadallada kale waa sida Fadliga uu Alle dheer yahay uunkiisa." Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.

S17: Waa maxay Sunnadu?

J: Waa hadal kasta ama ficil ama qiritaan ama tilmaan abuuris ama dabeecad ah uu leeyahay Nabiga sallallaahu calayhi wasallam.

S18: Waa maxay bidcadu miyaanse aqbalnaa?

J: Waa wax walba oo ay dadku diinta ku soo daraan aan horay u jirin waagii Nabiga sallallaahu calayhi wasallam iyo asxaabtiisa.
- Ma oggolaaneyno weynuna diidi oo ku celin qofkeeda.
Tixraac Qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam. (Bidco walba waa habow) Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
- Iyo odhaahdiisi Nabiga -sallallaahu calayhi wasallam: "Qofkii fala camal uu cibaado ula jeedo aan ku saleysneyn Amarkayaga waa mid la diidi aan laga oggolaaneyn". Waxaa soo weriyey Muslim.
Haddaan tusaale ka bixinno:
Waa sida in wax lagu daro cibadada, sida kordhinta weysada dhaqitaan afraad, iyo sida u dabaal degidda, dhalashada Nabiga, kama sugnaan Nabiga sallallaahu calayhi wasallam iyo asxaabtiisa.

S19: Waa maxay aaminsanaanta sokeeye ka yeelashada mu'miniinta iyo ka barii ahaanshaha gaalada?

J: Sokeeye ka yeelashadu: Waa jeclaanta mu'miniinta iyo u hiillintooda.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Kuwa Alle rumeeyey ee xaqa ku toosay rag iyo haweenba, waa u xigaalo iyo sokeeye midba midka kale". [Suuradda At-Tawbah: 71].
Barii ahaanshuhu:
Waa necbaanta gaalada iyo colaadintooda.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Annagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Alle sokadii, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb joogto ah ah baa ahaaday dhexdeenna annaga iyo idinka jeer aad rumaysaan Allaah keligii". [Suuradda Al-Mumtaxinah 4].

S20: Alle miyuu oggolaani waxaan aheyn Islaamka diin iyo hab dhaqan ahaan?

J: Alle ma aqbalo waxaan aheyn Islaamka diin iyo dhaqan ahaan.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Qofkii doona waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama oggolaanayo, wuxuuna Aakhiro ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha". [Suuradda Aal-Cimraan: 85].

S21:Gaalnimadu waxay noqon kartaa hadal iyo camal-fal iyo aaminsanaanba maxaa u tusaale ah?

J: Tusaalaha hadalka: Waa adigoo af lagaaddeeya Alle Subxaanah ama Rasuulkiisa sallallaahu calayhi wasallam.
Tusaalaha ficilka:
Waa adigoo liida Musxafka ama u sujuuda wax aan Alle ahayn.
Tusaalaha rumeynta:
Waa adigoo rumeya inuu jiro cid mudan cibaado oo Alle aheyn ama inuu jiro khaaliq kale oo wax la abuura Alle.

S22: Waa maxay nifaaqu (laba wajiile ahaanta) iyo noocyadiisu?

J: 1. Nifaaqa weyn: Waa adigoo qarsada gaalnimo oo muujiya rumeyn aan uurka jirin.
Waxaana lagaga baxaa Islaamka oo waa gaalnimo weyn.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Munaafiqiintu waxay ahaan halka u hooseeya Naarta; umana heli doontid gargaare". [Suuradda An-Nisaa:145].
2. Nifaaqa yar: Sida: Been sheegidda, ballan ka baxa, iyo ammaano darrada.
Lagaga ma baxo Islaamka, wuxuuse ka mid yahay denbiyada, qofkaana halis wuxuu u yahay Ciqaab Alle.
Rasuulkii Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: " Calaamadda munaafiqu waa seddex: Hadduu wax sheego been buu sheegaa, hadduu ballan galo wuu ka baxaa, haddii wax lagu aamino wuu khiyaamaa". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S23: Waa kuma kan lagu khatimay ee u dambeeya anbiyada iyo Rususha Alle?

J: Waa Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Muxammad ma aha aabbaha qof ka mid ah raggiina, waase Rasuul Alle iyo kan u dambeeya ee lagu khatimay Nabiyada". [Suuradda Al-Axzaab 40[.
Rasuulkii Alle -Sallallaahu calahi wasallam- wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay kan lagu khatimay Nabiyada, mana jiro Nabi gadaashay iman"Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, At-Tirmidi iyo kuwo kale.

S24:
Waa maxay Mucjiso?

J- Mucjizo: Waa wax walba oo Alle siiyey anbiyadiisa ee caadooyinka ka baxsan ee muujinaya runtooda, sida: "Anigu waxaan ahay kan lagu khatimay Nabiyada, mana jiro Nabi gadaashay iman" Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi iyo kuwo kale.

S24: Waa maxay Mucjiso?

J: Mucjizo: Waa wax walba oo Alle siiyey anbiyadiisa ee caadooyinka ka baxsan ee muujinaya runtooda, sida:
- Kala dhanbalidda/ kala dillaacii dayaxa waqtigii Nabiga sallallaahu calayhi wasallam. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Saacadda (Qiyaame) wey soo dhowaatay, dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal, Hadday (gaaladu) arkaan mucjiso (xag Alle ah) waxay u jeestaan dhinac oo yidhaahdaan: Waa sixir is daba taxan. Waxayna beeniyeen Xaqa oo raaceen hawadooda. Arrin kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado". [Suuradda Al-Qamar: 1-3].
- Kala dhanbalidda badda waqtigii Muuse caleyhi salaam, iyo harqinta (ku hafintii badda) Fircoon iyo askartiisa.. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "(Xus) markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan ku rogney biyihii badda qolodii Fircoon idinkoo arkaya". [Suuradda Al-Baqarah: 50].

S25: Waa kuwee saxaabadu? Ma inaan jeclaadaa?

J: Saxaabi: Waa qofkii la kulmay Nabiga s.c.w. isagoo rumeysan oo ku dhintay Islaamnimo.
- Waa inaynu jecel nahay oo ku dayannaa, waana kuwa u kheyr badan oo u wanaagsan dadka anbiyada kaddib.
Waxaana ugu fadli badan afarta khulafo (u taliyey ummada kadib geeridii Nabiga sallallaahu caleyhi wasallam):
Abuu Bakar Allaha ka raalli ahaadee.
Cumar Allaha ka raalli ahaadee
Cuthmaan Allaha ka raalli ahaadee.
Cali Allaha ka raalli ahaadee.
Alle kor ahaaye wuxuu ka yidhi saxaabada Allaha ka raalli noqdee dhammaan:
"Kuwase u hormaray (iimaanka iyo camallada san), ee horreeyey oo ka mid ah Muhaajiriinta iyo Ansaarta iyo kuwa ku raacay wanaagga. Alle raalli buu ka yahay, iyana raalli bay ka yihiin. Wuxuuna u diyaariyey beero (Jannooyin) ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku dhex waari weligood. Kaas baa ah Guusha Weyn. [Suuradda At-Tawbah: 100].

S26: Waa kuwee hooyooyinka mu’miniintu?

J- Waa xaasaskii Nabiga sallallaahu calayhi wasallam.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Nabigu isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda, xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale)". [Suuradda Al-Axzaab: 6].

S27: Waa maxay xaqa ay nagu leeyihiin qarabadii islaamtey ee Nabiga sallallaahu calayhi wasallam.?

J: Waa inaan jeclaanno ehlu beytka Nabiga oo ka yeelanno sokeeye oo nacno ciddii neceb, waana inaan la gaarsiin heer la caabudo, ehlu beytka Nabigana waa xaasaskiisa iyo ubadkiisa iyo ilmo Haashim iyo ilmo Al-Muddalib kuwooda mu'miniinta ah.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Alle wuxuu rabaa uun inuu idinka fogeeyo fadarada (denbiga, xumaanta) Ehlu baytkow, iyo inuu idin daahiriyo daahirin dhan). [Suuradda Al-Axzaab 33].
Waxaana ku soo arooray xadiiska Nabiga sallallaahu calayhi wasallam inuu yidhi:
"Waxaan idin xusuusin inaad Alle uga cabsataan ehlu beytkayga (ha dhibaateynina), waxaan idin xusuusin inaad Alle uga cabsataan ehlu beytkayga, waxaan idin xusuusin inaad Alle uga cabsataan ehlu beytkayga". Waxaa soo weriyey Muslim.

S28: Waa maxay waajibka naga saaran madaxda talada u haya muslimiinta?

J: Waxaa nagu waajib ah: in la ixtiraamo, la maqlo oo la addeeco wixii aan macsi aheyn mooyee, iyo in loo duceeyo oo la waaniyo sir ahaan oo aan laga bixin taladooda, inay la yimaadaan gaalnimo cad mahee.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Addeeca Alle oo addeeca Rasuulka (Nabi Muxammad sallallaahu calayhi wasallam), iyo kuwa idinka mid ah ee idiin haya talada. Haddaad wax isku qabataanna, u celiya Alle iyo Rasuulka, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro. Arrinkani baa khayr badan oo cidhib wanaagsan". [Suuradda An-Nisaa: (59].

S29: Waa maxay Daarta lagu abaal marin mu’miniinta?

J- Waa Jannada, Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Alle wuxuu gelin kuwa (xaqa) rumeeyey ee fala samaha beero (Jannooyin) ay hoos qul-qulaan webiyo". [Suuradda Muxammad:12].

S30: Waa maxay Daarta lagu abaal marin gaalada?

J: Waa Naarta, Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Iska jira Naarta lagu hurinaayo dad iyo dhagaxaan, ee loo diyaarshay gaalada". [Suuradda Al-Baqarah: 24].

S31: Waa maxay cabsidu? Waana maxay rajadu? Maxaana u daliil ah?

J- Cabsidu: Waa inaad ka baqdo Alle iyo Ciqaabkiisa.
Rajadu:
Waa inaad rajeyso abaalgudka Alle, denbi dhaaf iyo Naxariistiisa.
Daliilku:
Waa Qowlka Alle kor ahaaye: "Kuwaas ay baryayaan (caabudayaan), iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood– koodii ugu dhowaansho badan - waxayna rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabkiisa. Cadaabka Rabbigaana waa wax laga digtoonaado". [Suurada Al-israa: 57].
Wuxuu kaloo Alle kor ahaaye yidhi:
"Ogeysii addoomahayga inaan Anigu (waa Alle'e) ahay Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Iyo in Cadaabkaygu uu yahay cadaabka xanuunka badan". [Suuradda Al-Xijr: 49-50].

S32: Sheeg qaar ka mid ah Magacyada iyo Tilmaamaha Alle kor ahaaye?.

J: Allaah, waa Rabbiga, Naxariistaha, Maqlid Badanaha, Arkid Badanaha, Ogsoonaha wax walba, arsaaqaha, Noolaha daa'inka ah, Weynaha, Xakiimka ...waxuu kaloo leeyahay Magacyada aan la koobi karin ee wanaagga iyo quruxda badan iyo Tilmaamaha sare.

S33: Sharax Magacyadan.

J: Allaah: Macnahiisuna waxaa weeye Illaaha macbuudka Xaq lagu caabudo ah, waa Keligii ma leh wax shariig ah.
- Ar-Rabb: Waa Abuuraha, Maalika (wax kasta iska leh), arsaaqaha Maamula uunka oo dhan Keligii, nusqaan iyo xumaan ka hufane.
- As-Samiic: Waa kan wax walba maqla, maqla codadka kala duwan iyo noocyadoodaba.
- Al-Basiir: Kan wax walba Arka, u jeeda wax walba ha yaraadeen ama ha weynaadeene.
- Al-Caliim: Waa kan wax walba ku koobay Cilmigiisa, wax tagey, wax markaa jooga, iyo wax soo socda ee dhici doona.
- Ar-Raxmaan: Kan Naxariistiisu ay gaadho oo deeqdo noole walba, dhammaan addoomada iyo kuwuu abuurey oo dhammi waxay ku jiraan Naxariistiisa.
- Ar-Razzaaq: Kan arsaaqa dhammaan kuwuu abuuray oo dhan oo ay ka mid yihiin dad iyo jin iyo dhammaan nafleyda.
Al-Xay: Waa Noolaha  aan dhiman, dhammaan wuxuu abuuray way dhimanayaan.
- Al-Cadiim: Waa Kan leh Kamaalka (dhameystirnaan) oo dhan, Weyni oo dhan waxay ku jirtaa Magacyadiisa iyo Tilmaamihiisa iyo falalkiisa.
- Al-Xakiim: waa Kan xukmey wax walba oo uu abuuray oo habeeyey wanaajiyeyna abuurkooda, waxaana ku jira Xikmad wax kastoo uu abuuray iyo Amarkiisaba.
- Xikmadduna waa dhigidda wax kasta meeshiisa ku habboon, iyo dejinta wax walba meelahooda ku habboon.

S34: Waa maxay xilka naga saaran culimada muslimiinta?

J: Waannu jecelnahay, oo weydiinnaa mas'alooyinka shareecada, mana ku sheegno waxaan aheyn wanaag, qofkii ku sheegana waxaan sidaasi aheyn; kaasu wuxuu ku taagan yahay dhabbo aan toosaneyn.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Allaah wuxuu kor u qaadi kuwiinna idin ka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey, iyo kuwa cilmiga la siiyeyba darajooyin aad u sarreeya, Alle waa u Xog Ogaal waxaad falaysaan". [Suuradda Al-Mujaadalah: 11].

S35: Waa kuwee awliyada Alle kor ahaaye?

J- Waa Mu'miniinta Alle ka cabsada ee ku dhaqma sunnada Nabiga s.c w.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Awliyada Alle ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan. Waa kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale). [Suuradda Yuunus: 62-63].

S36: Iimaanku ma waxaa weeye qowl (hadal) iyo camal/fal (sameyn)?

J-Iimaanku waa qowl (hadal) iyo camal (sameyn) iyo rumeyn.
- Waa hadal lagaga dhawaaqo carrabka, lagana rumeysan yahay qalbiga oo lagaga dhaqmo xubnaha jidhka oo dhan.
Waxaa laga soo weriyey Abuu Hureyra oo ka soo weriyey Nabiga sallallaahu calayhi wasallam. inuu yidhi: "Iimaanku (rumeynta Alle) waa dhowr iyo toddobaatan qeybood - ama: dhowr iyo lixdan qeybood, waxaa ugu fadli badan odhaahda: Laa ilaaha illal Laah, waxaana ka mid ah sidoo kale oo soo geli jidka oo laga qaado waxa dadka waxyeelaya, xishoodkuna waa qeyb ka mid ah Iimaanka". Waxaa soo weriyey Muslim.

S37: Iimaanku ma kordhaa oo yaraadaa ?

J: Iimaanku (rumeynta Alle) wuxuu ku kordhaa daacada (u hoggaansanaanta Alle) wuxuuna ku yaraadaa macsida (sameynta xumaha Alle reebey).
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Mu'miniinta dhabta ah waa kuwa marka Alle la Xuso ay gasho cabsi quluubtooda, marka loo Akhriyo Aayadahiisana ay Iimaan u kordhiso, Rabbigood uun tala saarta". [Suuradda Al-Anfaal: 2].

S38: Waa maxay Ixsaanku?

J: Waa inaad Allaah u caabuddo sida inaad arkeyso, haddaadan arkeyn, Isagaa ku arkaya.

S39: Goormaa la aqbalaa acmaasha Alle xaggiisa subxaanahu?

J: Acmaasha waxaa la oggolaan hadday leedahay labo shardi:
1. Markay dar Alle tahay oo aad ku dooneyso Wejiga Alle kor ahaaye.
2. Oo ay ku saleysan tahay Sunnada Rasuulkiisa sallallaahu calayhi wasallam.

S40: Waa maxay tawakulka (talo saarasho Alle)?

J: Waa ku kalsoonaanta Alle iyo isku halleyntiisa iyo tala saarashadiisa xagga raadinta waxa wax tar kuu leh iyo ka magan galka waxa wax kuu dhimi, adigoo sameynaya oo la iman asbaabta.
Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Qofkii talo saarta Alle oo isku halleeya, Alle ayaa la jira oo ku filan". [Suuradda Ad-Dalaaq: 3].
(Wuu ku filan yahay): Macnaha wuu kaafin.

S41: Waa maxay waajibka faridda dadka wanaagga iyo reebidda munkarka (xumaanta)?

J: Wanaagga: Waa in la is amro daacadda Alle Cazza Wajalla, Munkarkuna: waa in layska reebo ku caasinta Alle Cazza Wajalla.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Waxaad tihiin (Muslimiineey) ummadda ugu kheyrka badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle." [Suuradda Aala-Cimraan: 110].

S42: Waa kuwee ahlu Sunna wa jamaaca?

J: Waa kuwa ku sugan dhabbihii uu ku sugnaa Nabigu sallallaahu caleyhi wasallam iyo asxaabtiisa xagga odhaahda iyo camalka (wax qabadka) iyo rumeyntaba.
- Waxaana loogu magacaabay ahlu Sunnah iney raaceen darteed Sunnaha Nabiga sallallaahu calayhi wasallam., iyo ka tegitaanka bidcada (ku kordhinta diinta waxaan sax aheyn).
- Jamaacana (guuto midowdey): Waayo waxay ku midoobeen Xaqa, kumana kala tegin.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Reer banii Israa’iil waxay u kala bexeen labo iyo toddobaatan dariiqo/kooxood oo diin ah, ummadeyduna waxay u kala bixi seddex iyo toddobaatan dariiqo oo diin ah. Dhammaan waxay geli Naar hal dariiqo maahee. Waxay weydiiyeen: Waa tee Rasuulka Allow? Wuxuu yidhi: Waa tan heysat  a dariiqa aan ku sugannahay aniga iyo asxaabteydu". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.

Qaybta Fiqiga48

S1: Waa maxay dahaaradu?

J- Dahaaradu waa in layska daahiriyo xadaska (xadas waa wax kasta oo kaa jebin kara weysada iyo salaaddaba) sida kaadida, saxarada, neefta gadaal ka soo baxda iyo nijaasooyinka oo la iska nadiifiyo, waxa xun ee ku diidaya salaadda
Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Furaha salaaddu waa is daahirinta." Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
Iska daahirinta nijaasada:
Waa inuu qofka Muslimka ahi iska nadiifiyo waxa ku dhaca nijaaso jirkiisa, ama maryihiisa, ama halka uu ku tukan.
Iska daahirinta xadasku:
(xadas waa waxa kaa jebiya weysada iyo salaaddaba) waa midda ay kaaga filan tahay weyseysi ama qubeysi adigoo is- ticmaalaya biyo nadiif ah, ama ay kaaga filan tahay gabagabeysiga (booreysiga) qofkii waaya biyo ama sabab macquul ah u isticmaali kari waaya biyaha.

S2: Sidee baad isaga daahirin halka ay kaa gaadho najaas?

J: biyo baa lagu dhaqi ilaa uu daahiroobo. Waxase uu afka la galo ey; waxaa la dhiqi toddobo jeer midda hore carro tahay.
Abuu Hurayra Allah ka raalli noqdee  wuxuu yidhi:
Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi:  "Wuxuu ku daahiroobi weelka midkiin hadduu afka la galo ey inuu dhaqo toddobo jeer oo midda hore tahay carro." Waxaa soo weriyey Muslim.

S3: Waa maxay fadliga weysada?

Nabigu sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Markuu weyseysto qofka muslimka ah ama mu’minka oo dhaqo wejigiisa; waxaa ka baxa wejigiisa wax kasta oo denbi ah uu ku eegay labadiisa indhood, waxayna la baxaan biyaha ama dhibicda u dambeysa biyaha" - markuu dhaqo labadiisa gacmood; waxaa ka baxa labadiisa gacmood denbi kasta uu ku geystay labadiisa gacmood, waxayna la baxaan biyaha ama dhibicda u dambeysa biyaha"- markuu dhaqo labadiisa lugood; waxaa la baxa biyaha denbi kasta  oo ay u socdeen lugihiisa, waxay la baxaan biyaha ama dhibicda u dambeysa biyaha"- ilaa uu ka daahir noqdo dunuubta. Waxaa soo weriyey Muslim.

S4: Sidee baad u weyseysan?

J- Meyridda labada sacabbood seddex jeer. Waad luq-luqan oo san daarsan oo fiifsan seddx jeer.
- Luq-luqashadu: Waa inaad biyo afka gudihiisa galiso oo ku luq-luqato oo soo saartid biyaha.

Tixraac xadiiska:
(Inuu Nabigu sallallaahu calayhi wasallam arkay nin tukanaya, dhabarka cagtiisana ay tahay meel cad oo qaddar Dirham le'eg aanay gaarin biyuhu, markaasuu Nabigu amray inuu ku soo celiyo weysada. Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
- San daarsigu: Waa inaad san daarsato adoo ku soo qaadan biyaha midigtaada.
Fiifsiga:
Waa inaad ka soo saarto biyaha sanka kaddib markaad san daarsatay adigoo adeegsanaya gacantaada bidix.
- Haddana wuxuu dhaqi wejiga seddex jeer.
- Haddana waxuu dhaqi labada gacmood ilaa xusullada seddex jeer.
- Haddana wuxuu masaxi madaxa isagoo ka billaabi foodda ilaa jeegada/qadaadka kaddibna jeegada ilaa foodda ku soo celin, waxaadna masixi labada dhegood.
- Haddana waxaad meyri labada lugood ilaa anqawyada seddex jeer.
Sidaasaa ah sida u kaamilsan (dhammeystiran weysada)
, waxayna kaga sugnaadeen Nabiga sallallaahu calayhi wasallam axaadiis ku yaal Al-Bukhaari, Muslim, oo ay ka soo weriyeen Cusmaan bin Caffaan, Cabdullaahi bin Zayd iyo kuwo kale.
Waxaa sidoo kale ka sugnaaday oo ku yaal Al-Bukhaari iyo kutub kale: "Inuu meyray xubnaha weysada hal hal mar, iyo inuu meyray labo labo mar" macnaha wuxuu meyray xubin kasta oo ka mid ah xubnaha weysada hal mar ama labo mar.

S5: Waa maxay faraa'idda/waajibyada weysada, waana intee tiro ahaan?

J- Waa ta aanay ansaxeyn weysada Muslimku hadduu ka tago mid ka mid ah.
1. Meyridda wejiga waxaana soo galaya luqluqashada iyo san daarsiga.
2. Meyridda labada gacmood ilaa xusullada.
3. Masaxidda madaxa, waxaana soo galaya labada dhegood.
4- Meyridda labada lugood ilaa anqawyada/kuraamaha.
5. Isku xijinta siday u kala horreeyaan waaxyaha jidhku, inuu meyro wejiga, haddana labada gacmood, haddana masaxo madaxa, kaddibna meyro labada lugood.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad u kacdaan salaad meyra wajiyaddiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna (meyrana) lugahiinna ilaa canqawyada". [Suuradda Al-Maa'idah: 6].
6- In weysaysiga la xiriiriyo oo aan la kala goyn: Waana inuu u weyseysto qofka si xiriir ah oo aan kala go' laheyn si aanay biyuhu uga engagin xubnaha weysada qaarkood. Sida inuu weyseysto weyso bar xubnaha, oo dhammeystiro waqti kale xubnaha kale, ma ansaxeyso markaa weysadiisaasi.
Tixraac xadiiska:

In Nabigu s c.w arkay nin tukan oo cagtiisa dusheed qaddar dhan dirham ay biyuhu gaarin, markaasuu wuxuu amray inuu dib u soo weyseysto oo tukado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud. "Inuu Nabigu sallallaahu calayhi wasallam arkay nin tukanaya, dhabarka cagtiisana ay tahay meel cad oo qaddar Dirham le'eg aanay gaarin biyuhu, markaasuu Nabigu amray inuu ku soo celiyo weysada iyo salaadda". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

S6: Waa maxay sunanka (aan waajibka ahayn) ee weysada iyo tiradoodu?

J: Sunanka weysadu: Waa sunnaha hadduu qofku weyseysto weyso dhan leeyahay ajar iyo abaalgud ziyaado ah, hadduu ka tagana uusan denbi lahayn, weysadiisuna sax tahay. Sunnooyinka weysada waa:
1. Ku billaabidda weysada bisinka Alle: Bismillaah. Sunanka weysadu: Waa sunnaha hadduu qofku weyseysto weyso dhan leeyahay ajar iyo abaalgud ziyaado ah, hadduu ka tagana uusan denbi lahayn, weysadiisuna sax tahay.
Tixraac xadiiska:

 xadiis Nabiga ka sugnaaday:(Ma dhamma weysadiisu qofkii aan ku xusin oo ku billaabin Magaca Alle) Waxaa soo weriyey abuu Daawuud. "Ma dhamma weysadiisu qofkii aan ku xusin oo ku billaabin Magaca Alle". Weeso uma jirto qofkaan ku billaaban weesada bisinka Alle. Waxaa soo weriyey abuu Daawuud.
2- Cadayashada. Tixraac xadiiska:Haddaanan ka cabsan inay ku cuslaato ummaddeyda waxaan amri lahaa inay cadaydaan markastoo ay weyseystaan. Waxaa soo weriyey Axmad. "Haddaanan ka cabsan inay ku cuslaato ummaddeyda waxaan amri lahaa inay cadaydaan markastoo ay weyseystaan". Waxaa soo weriyey Axmad.
3. Meyridda labada sacab (gacmaha).
4. Meyridda faraha dhexdooda. Tixraac xadiiska: "Dhammeystir weysada, oo meyr faraha dhexdooda, gaarsiina meel fog sandaarsiga, inaad sooman tahay mooyee. Waxaa soo weriyey ahlu sunanka (Abuu Daawuud, At-Tirmidhi, An-Nisaa'i iyo Ibnu Maajah).
5- Meyridda labaad iyo seddexaad ee xubnaha weysada.
6. Ku billaabidda midigta. Tixraac xadiiska: Hooyadii mu'miniinta Caa'ishah a.k.r. waxay tidhi: "Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu jeclaa oo cajabin jirey inuu hormariyo dhanka midig markuu gashanayo kabaha, markuu shanleysanayo, markuu weysay- sanayo iyo arrimihiisa oo dhan". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
7. Alla xuska weysada kaddib: "Ash-hadu al laa ilaaha illal Laah, waxdahu laa shariika lahu, wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu"
Oo macnaheedu yahay:

“Waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, ma jirto cid wax la wadaagta, waxaana qirayaa oo kale in Nabi Muxammad sallallaahu calayhi wasallam yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa". Waxaa soo weriyey Muslim.
8. Tukashada labo rakcadood oo sunno ah weysada kaddib. Tixraac xadiiska: "Qofkii weyseysta weysadayda oo kale markaa tukada labo rakcadood oo sunno ah uusan wax kula hadlin naftiisa, waa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo denbi ah". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S7: Maxaa buriya weysada?

J: Wixii ka soo baxa labada jid horay (xubinta taranka) iyo gadaal (dabada) ee leh kaadi, ama saxaro ama neef.
- Hurdo, ama waalli ama suuxdin. Tixraac xadiiska: "Ishu waa guntinta xidha dabada (inay wax ka soo baxaan sida neef, iwm) ee qofkii seexda ha weyseysto". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.
- Cunista hilibka geela. Nin baa wuxuu weydiiyey Nabiga sallallaahu calayhi wasallam: Miyaan ka weyso qaataa hilibka geela? Wuxuu yidhi: "Haa". Waxaa soo weriyey Muslim.
- Ku taabashada cawrada (xubinta taranka) ama dabada gacanta iyadoon waxba kaa xigin. Tixraac xadiiska: "Qofkii taabta laboodkiisa (cowradiisa) ha weyseysto" Waxaa soo weriyey abuu Daawuud, At-Tirmidhi iyo kuwo kale.

S8: Waa maxay booreysigu/gabagabeysigu (tayamumka)?

J: Tayamumku: Waa isticmaalidda carrada iwm oo ciidda daahirka ah, markii la waayo biyo ama suuroobi weydo in la isticmaalo
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Haddaydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan". Haddaydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan". (Suuradda An-Nisaa 43).

S9: Sidee baad u booreysan/ u gabagabeysan?

J: Waxaad baabbacada ku dhufan carrada hal mar, oo aad ku masixi wejiga iyo labada sacab ee gacanta xagga dusha sare.
 Tixraac hadalkii Nabiga sallallaahu calayhi wasallam uu ku yidhi Cammaar bin Yaasir Allaha ka raalli ahaadee. "Waxaa kugu filleyd inaad yeesho sidatan". Markaasuu Nabigu sallallaahu calayhi wasallam ku dhuftay labadiisa sacab dhulka oo afuufay, kaddib ku masaxay wejigiisa iyo dhabarka labadiisa sacab. Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S10: Maxaa buriya gaba-gabeysiga (booreysiga)?

J: - Waxaa buriya wax kasta oo weysada buriya.
- Haddii biyo la helo.

S11: Waa maxay khufku (kabo ka sameysan harag) iyo iskaalsaha (shuraabaad), mase la masaxayaa dushooda?

J: - Khufku: Waa wax uu qofku xidho sida kabaha oo kale, kana sameysan harag.
- Labada iskaalsho (shuraab) waa wax laga hor xidho kabaha oo maro ka sameysan.
Waxaana bannaan in la masaxo khufka ama iskaalshaha (shuraabaada) dushooda halkii meyridda labada lugood.
- Tixraac xadiiska Al-Mughiirah bin Shucbah, in Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam uu weyseystay, kaddibna masaxay iskaalshaha dushooda halkii  meyriydda labada lugood. Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, At-Tirmidi iyo kuwo kale.
Al-Bukhaari iyo Muslimna waxaa ku soo arooray: Markaasuu weyseystay, oo masaxay labad buud.

S12: Waa maxay xikmadda ku jirta masaxidda labada buud?

J: U fududeyn iyo khafiifin addoomaha, gaar ahaan waqtiyada qaboobaha, jiilaalka, iyo safarka, markaasoo ay adag tahay in la saaro buudadka la gashan yahay iyo iskaalsooyinka. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Alle wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays". (Suuradda Al-Baqarah 185).

S13: Waa maxay shuruudda ay ku ansaxeyso masaxidda buudadka?

J: 1. Inuu gashado shurabaadka isagoo dahaara qaba weyseysi kaddib,
 Tixraac xadiiska Al-Mughiirah Allaha ka raali noqdee oo yidhi: Waxaan ku wehliyey Nabiga sallallaahu calayhi wasallam safar, markaasaan u foorarsaday si aan u soo siibo labadiisa buud, markaasuu yidhi: " "Iska daa waxaan gashaday iyagoo daahir ah". Markaasuu masaxay. Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
2. Waa inuu shurabaadku daahir yahay, oo ma bannaana in la masaxo wax najaaso leh.
3. Waa in kabaha buudka asturaa halka ay tahay in la meyro weyseysiga oo kabo aan astureyn ma aha in la masaxo.
4. In masaxiddu dhacdo muddada la oggol yahay dhexdeeda, qofka aan safarka ku jirin waa maalin iyo habeen, qofka socdaalka ku jirana waa seddex maalmood iyo habeennadood.
Tixraac xadiiska Cali a.k.r.: Wuxuu ka yeeley Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam muddada uu masaxayo qofku buudka, seddex maalmood iyo habeennadooda musaafirka, iyo habeen iyo maalin qofka degaankiisa jooga. Waxaa soo weriyey Muslim.

S14: Waa sidee sida loo masaxo shurabaadku?

J: Sida loo masaxayo waa inuu saaro faraha labadiisa gacmood oo ku qoyan biyo faraha labadiisa lugood kaddibna mariyo ilaa jeenigiisa, wuxuu ku masaxi lugtiisa midig gacantiisa midig, lugta bidixdana gacanta bidix, wuxuuna kala bixin farahiisa markuu masaxayo mana ku cel-celineyo oo waa hal mar oo keliya.

S15: Maxaa buriya masaxidda shurabaadka?

J: 1. Inay dhammaato muddada masaxidda, ma bannaana masaxidda buudku markay dhammaato muddada uu sharcigu dhigay, habeen iyo maalin qofka jooga degaankiisa, iyo seddex maalmood iyo habeen nadooda ka musaafirka ah.
2. Siibidda labada kabood ee buudka ah ama middood masixitaan kaddib wuu buray masixaatnkii oo saaritaankaasuu ku jabay ama ku buray.

S17: Waa maxay macnaha salaaddu?

J: Salaaddu: Waa Alle oo loogu dhowaado odhaahyo iyo camallo gaar ah, lagu billabo Allaahu akbar, loogana baxo tasliim (assalaamu caleykum).

S18: Waa maxay xukunka salaaddu?

J: Salaaddu waa faral ku waajib ah qof kastoo Muslim ah.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Salaaddu waxay ku tahay mu’miniinta waajib leh waqtiyo go’an". [Suuradda An-Nisaa: 103].

S19: Waa maxay xukunka salaaddoo laga tago?

J: Ka tegidda salaaddu waa gaalnimo, Nabigu -Sallallaahu calyhi wasallam- wuxuu yidhi: "Ballanta noo dhexaysa innaga iyo iyaga waa salaadda, qofkii ka taga waa qof gaaloobay" Waxaa soo weriyey Axmad, At-Tirmidhi iyo qaar kale.

S20: Immisa salaad ayaa ku waajib ah qof kastoo Muslim ah habeen iyo maalin? Waa immisa tirada rakcadaha salaad kasta?

J: Shan salaadood maalin iyo habeen kasta.
- Salaadda fajriga: waa labo rakcadood.
- Salaadda duhurka: Waa afar rakcadood.
- Salaadda casarka: Waa afar rakcadood.
- Salaadda maqribka: Waa seddex rakcadood.
- Salaadda cishaha: Waa afar rakcadood.

S21: Waa maxay shuruudda salaaddu?

J: 1. Islaam, ma ka ansaxeyso salaadi gaal, waayo camalka san wuxuu ku buraa shirkiga iyo gaalnimada.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Haddaad Alle cid kale la wadaajiso cibaadada waxaa hubaal ah inuu buri camalkaagu oo aad khasaari”. "Haddaad Alle cid kale la wadaajiso cibaadada waxaa hubaal ah inuu buri camalkaagu". [Suuradda Az-Zumar: 65].
2. Caqli: Kama ansaxeyso salaad qof waalan.
3. Garaad uu wax ku kala sooco: Kama ansaxeyso salaad ilmo yar oo aan laheyn garasho uu wax ku kala sooco.
Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam:
"Waa laga kor qaaday qalinka seddex oo denbi looma qoro: Qofka hurda jeer uu soo tooso, ilmaha yar jeer ay qaan gaaraan, iyo qofka waalan jeer uu caqliyeysto ama miyirsado." Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, At-Tirmidi, An-Nisaa'i iyo Ibnu Maajah.
4. Niyada.
Tixraac xadiiska:
"Camallada waxaa aasaas u ah oo loo eegaa niyooyinka, qof walbana waa hadba sida ay niyadiisu tahay iyo waxa uu ugala jeedo camalkiisa." Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
5. Soo gelitaanka waqtiga. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Salaaddu waa xil saaran mu’miniinta leh waqtiyo go’an". "Salaaddu waa xil saaran mu’miniinta, leh waqtiyo go’an". [Suuradda An-Nisaa: 103].

Tixraac xadiiska
6. Iska daahirinta, kaadida, saxarada, neef ur ah ee xagga dambe, Tixraac xadiiska: "Alle ma aqbalo salaadda midkiin hadduu kaadsho ama saxaroodo ama neef ur ah ka soo baxdo gadaal jeer uu weyseysto". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
7- Iska daahirinta najaasada. Tixraac qowlka Alle kor ahaaye: "Maryahaagana daahiri". [Suuradda Al-Muddathir: 4].
8. Asturidda cawrada. Alle kor ahaayr wuxuu yidhi:
Ilma Aadamoow, qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar nadiif ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta (meel salaad)", "Ilma Aadamoow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar nadiif ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta (meel salaad)", [Suuradda Al-Acraaf: 31].

 
9. U jeesiga qibladda. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Ee u jeedi wajigaaga dhanka Masjidka xurmadda gaarka ah leh (ee Makkah), meel kasta oo aad joogtaan, u jeediya wejiyadiinna xaggiisa". [Suuradda Al-Baqarah: 144].

S22: Waa maxay tiirarka salaaddu?

J: Waa afar iyo toban tiir, ee kala ah sidan soo socota:
- Middood: Waa ku tukashada taagni salaadda faralka qofkii awooda. Tixraac Xadiiska uu Cimraan bin Xusayn ka soo weriyey Nabiga sallallaahu calayhi wasallam: "Ku tuko taagni, haddaad kari weydo ku tuko fadhi, haddaad kari weydidna tuko adigoo dhinac u jiifa". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Takbiiratul- ixraamka, waa hadalka: "Allaahu Akbar".  Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam: "Markaad u istaagto salaad takbiirso macnaha ku gal salaadda Allaahu Akbar". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Akhrinta Faatixada. 

Tixraac xadiiska Nabiga s.c.w.  Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam: "Uma jirto salaadi qofkaan ku akhrin Faatixada Kitaabka". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Rukuuca, isagoo simi dhabarkiisa, wuxuuna ku aaddin madaxiisa.
Ka soo kicidda rukuuca.
- Qumanaan istaagidda. Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam: "Kaddib rukuuc adigoo ku xasili rukuucda, kaddibna kor u soo qaad madaxaaga ilaa aad qummaati u istaagto". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Sujuudda, iyo inuu dhigo dhulka foolkiisa (wejiga), sankiisa, sacabbadiisa, jilbihiisa, iyo faraha cagahiisa halka sujuuddiisa.
- Kor uga soo kicidda sujuudda.
Fadhiisiga labada sujuudood dhexdooda.  Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam: "Kaddib sujuud ilaa aad ku xasisho sujuudda, kaddibna kor u soo qaad madaxaaga ilaa aad ku xasisho fadhiga". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Sunnaduna waa:
inuu qofku fadhiisto isagoo ku goglay lugtiisa bidix dhulka, wuxuuna qotomin midigta, oo u jeedin xagga qiblada. Tixraac xadiiska hooyadii mu'miniinta Caa'isha Allaha ka raalli noqdee: "Wuxuuna ku gogli jirey lugtiisa bidix dhulka, oo qotomin jirey lugtiisa midig". Waxaa soo weriyey Muslim.
Degganaanta, waana ku xasilidda tiir walba si dhan.
- Tashahudka dambe (waa attaxiyaadka dambe).  Tixraac xadiiska ibnu Mascuud Allaha ka raalli noqdee ee yidhi: Waxaanu odhan jirney intaan la faral yeelin tashahudka. Waxaa soo weriyey An-Nisaa'i asalkiisuna wuxuu ku yaal saxiixeynka (Al-Bukhaari iyo Muslim).
- U fadhiisiga tashahudka.
- Labada salaamo naqsi, waana inuu qofku labo jeer yidhaahdo: Assalaamu caleykum waraxmatullaah" Tixraac xadiiska: "Wuxuu u salaamo naqsan jirey midigtiisa iyo xagga bidixdiisa: Assalaamu caleykum waraxmatullaah, Assalaamu caleykum waraxmatullaah" Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo kuwo kale.
- Isku xijinta tiirarka - sidaan u soo xusnay, hadduu tusaale ahaan sujuudo ka hor rukuuca si ku tala gal ah way burtay salaaddu, hadduuse hilmaam kaga dhaco waa inuu laabto si uu u rukuuco, kaddibna wuu sujuudi.

S23: Waa maxay waajibyada salaaddu?

J: Waajibyada salaaddu waa siddeed, sida soo socota ah:
1. Takbiirooyinka marka laga reebo takbiirada ixraamka (Allahu akbarta lagu galo salaadda).
2. Qowlka: "Samicallaahu liman xamidah" waxaa odhan iimaamka iyo qofka keligi tukan.
3. Qowlka: "Rabbanaa walakal xamdu".
4. Qowlka: "Subxaana Rabbiyal Cadiim: mar keliya rukuucda.
5. Qowlka: "Subxaana Rabbiyal Aclaa" mar keliya sujuudda.
6. Qowlka: "Rabbiqfir lii" lala yimaado fadhiga labada sujuudood dhexdooda.
7- Tashahudka (Attaxiyaadka) hore.
8. U fadhiisiga tashahudka hore.

S24: Waa maxay sunanka (waxaan waajib aheyn) salaadda gudaheeda?

J: Waa kow iyo toban sunne, sida soo socota ah:
1. Odhaahdiisa takbiirada ixraamka kaddib ee ah: "Subxaanakal laahumma wabixamdika, watabaaraka Ismuka, watacaalaa jadduk, wa laa ilaaha qeyruk, waxaana la yidhaahdaa ducada istiftaaxa (lagu furto oo lagu billowdo salaadda).
2. Cuudubilleysiga.
3. Akhrinta bisinka.
4. Odhaahda: Aamiin.
5. Akhrinta suurad ama Aayado Faatixada kaddib.
6- Kor u qaadidda akhrinta uu akhriyo Iimaamka.
7. Odhaahda lala yimaado xamdi naqa kaddib: "Mil'a samaawati, wa mil'al ard, wa mil'a maa shi'ta min shay'in bacdu". "Mugga samooyinka iyo mugga dhulka iyo intaa kadib mugga waxaad doonto"
8. Wixii ka badan hal mar tasbiixda rukuucda. Waa tasbiixda labaad iyo seddexaad iyo wixii ka badanba.
9. Wixii ka badan hal mar tasbiixda sujuudda.
10. Wixii ka badan hal mar odhaahda qofka labada sujuud dhexdooda: "Rabbiqfir lii".
11. Ku sallinta Nabiga sallallaahu calayhi wasallam. tashahudka dambe iyo ehelkiisa iyo u weydiinta in la barakeeyo isaga iyo iyagaba, iyo ducada ka dambeysa.
Sunanka falalka ah, waxaa sidoo kale la yidhaahdaa qaababka salaadda:
1. Kor u qaadidda labada gacmood markaad ku dhawaaqayso takbiirada ixraamka.
2. Iyo markaad rukuuceyso.
3- Iyo markaad ka soo kaceyso rukuucda.
4- Iyo dhigiddoda intaa kaddib.
5. Gacanta midig oo la kor saaro gacanta bidix.
6. Eegidda halka aad ku sujuudi.
7. Inuu kala saaro labadiisa cagood isagoo taagan.
8. Inuu ku qabto jilbihiisa labadiisa gacmood iyagoo ay fidsan yihiin farahiisa markuu rukuucayo, oo fidiyo dhabarkiisa madaxiisana la simo.
9. Inuu ku xasiliyo xubnaha sujuuda dhulka, oo ay taabtaan halka uu ku sujuudayo.
10. Ka fogeynta cuddadiisa labadiisa dhinac, calooshiisana bowdadiisa, iy bowdooyinkiisana labadiisa lugood, iyo kala fogeynta labadiisa jilib, iyo toosinta cagihiisa, oo farahiisa dhulka ku taago iyagoo kala baxsan, oo gacmihiisa ku aaddiyo garbihiisa iyagoo farahiisu fidsan yihiin oo isku dhegsan yihiin.
11. Goglashada (ku fadhiisiga lugta bidix iyo midigta oo loo dhigo si toosan fadhiga labada sujuudood dhexdooda ah, iyo tashahudka hore, iyo tawaruka tashahudka (Attaxiyaadka) dambe.
12. Saaridda labada gacmood bowdada iyagoo fidsan oo faruhu isku qabsan yihiin fadhiga labada sujuudood dhexdooda, waana sidaa oo kale tashahudka hase ahaatee wuxuu isku qaban midigta far yarada, tan xigta oo suulka saari far dhexeda oo ku tilmaami waxdaaniyada Alle farta murugsatada (murdiso) markuu Alle xusayo.
13. U jeesiga midigta iyo bidixda markuu salaama naqsanayo.

S25: Waa maxay waxyaalaha buriya salaadda?

J: 1. Ka tegitaanka tiir ama shardi ka mid ah shuruudda salaadda.
2. Hadalka kaska ah iyo ku talo galka.
3. Cunidda ama Cabidda salaadda dhexdeeda.
4. Dhaqdhaqaaqa badan ee is xiga.
5. Ka tegitaanka waajib ka mid ah waajibyada salaadda si kas ah iyo ula kac.

S26: Sidee buu u tukan qofka Muslimka ah?

J: Sida loo tukado:
1. Inuu u jeesto qibladda oo ku qaabilo oogadiisa (jidhkiisa) oo dhan, weecasho iyo milicsi la'aan.
2. Kaddib wuxuu ka niyeysan salaadda uu dooni inuu tukado qalbigiisa isagoon ku dhawaaqeyn niyadda.
3. Kaddib wuxuu la iman takbiirada lagu galo salaadda (takbiirada ixraamka) oo odhan: (Allaahu akbar), wuxuuna kor u qaadi labadiisa gacmood oo uu la simi garbahiisa markuu takbiiran.
4. Kaddib wuxuu saari sacabka gacantiisa midig dhabarka sacabka gacantiisa bidix oo saari laabtiisa.
5. Kaddib wuxuu ku furan salaadda ducadan, oo dhihi: "Allaahumma baacid baynii wa bayna khadaayaaya kamaa baacadta baynal mashriqi wal-maqrib, Allaahumma iqsilnii min khadaayaaya bi-thalji wal-maa'i, wal-barad". "Allow na kala fogee aniga iyo gafafkayga sida aad u kala fogaysay qorrax ka soo baxa iyo qorrax u dhaca, Allow iga daahiri (sifee) gafafkayga sida looga sifeeyo marada cad wasakhda, Allow igaga dhaq denbiyadayda baraf, biyo, iyo dhedo".
Ama wuxuu odhan:
"Subxaanakallaahumma wa bixamdika, wa tabaarakasmuka, wa tacaalaa jadduka, walaa ilaaha qeyruka" "Allow adigaa ka hufan xumaan, ammaan oo idil iyo mahadna leh, Magacaaguna barako badnaaday, sharaftaaduna (awooddaada) kor ahaatay, ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan Adiga aheyn".
6. Kaddibna wuu cuudubilleysan oo odhan: "Acuudu billaahi minashaydaanir rajiim".
"Waxaan Alle ka magan gali shaydaanka deyrada ah ee naxariista Alle laga fogeeyey".
7. Kaddibna bisinkuu qabsan oo akhrin Faatixada wuxuuna odhan: 1. "Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Naxariistaha, Naxariista Badan". 2. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga wax kasta Isagu abuuray. 3. Naxariistaha Naxariista guud iyo ta gaar ahaaneedba Naxariista. 4. Boqorka Maalinta abaal marinta (Qiyaamada) ee leh wax walba. 5. Adigoo Keliya beynu (Alloow)ku caabudi, oo Adigoo Keliya beynu ku weydiisan kaalmo. 6. Ee nagu hanuuni (oo nagu sug) Jidka Toosan. 7. Jidka kuwaad u Nicmeysay, ee aadan u cadhoonin, ee aan lumin . [Suuradda Al-Faatixah: 1-7].
Kaddib waxuu odhan:
"Aamiin" macnaha: Allow naga aqbal.
8. Kaddibna wuxuu akhrin wixii u fududaada oo Qur’aan ah, wuxuuna dheereyn akhrinta salaadda subax.
9. Kaddib wuu rukuuci, macnaha soo godi dhabarkiisa weyneyn Alle, wuuna takbiiran markuu rukuucayo, oo kor u qaadi gacmahiisa oo geyn meel la siman garbahiisa. Sunnadana waa inuu simo dhabarkiisa, oo uu la simo madaxiisa, oo saaro sacabbaddiisa farahiisa oo furan labadiisa jilbood dushooda.
10. Wuxuuna ku odhan rukuuciisa: "Subxaana Rabbiyal Cadiim" seddex jeer, hadduu ku darana: "Subxaanakalaahumma wa bixamdika, Allaahumaqfir lii" "Allow Adigaa ka hufan xumaan, oo ammaan oo idil iyo mahadna leh, Allow ii denbi dhaaf". Waa hagaag.
11. Kaddib wuxuu ka soo qaadi madaxiisa rukuuca isagoo leh: "Samicallaahu liman xamidah" "Alle wuu maqlaa qofkii ku mahdiya", wuxuuna kor u soo qaadi markaa gacmahiisa oo uu la simi garbahiisa. Qofkase ma'muumka ah ma odhanayo: "Samicallaahu liman xamidah", wuxuuse odhanayaa beddelkeed: "Rabbanaa walakal xamdu" Rabbigayagoow waxaa kuu sugan ammaan iyo mahad oo dhan".
12. Kaddib wuxuu odhan markuu ka soo kaco rukuuca: "Rabbanaa walakal xamd, Mil'a samaawaati wal ardi, wa mil'a maa shi'ta min shay-in bacd". "Allow waxaan ku mahdineyaa in dhan mugga cirarka iyo dhulka, iyo waxa u dhaxeeya iyo mugga waxaad doonto kaddib".
13 Kaddib wuu sujuudi sujuudda koowaad, wuxuuna odhan markuu sujuudayo: "Allaahu akbar" wuxuuna ku sujuudi toddobadiisa xubnood: foolka (wejiga), sanka, labada sacabbo, labada jilbood, foodaha cagaha farahooda, wuxuuna ka fogeyn cuddadiisa dhinacyadiisa, mana ku fidinayo dhudhumahiisa dhulka, wuxuuna u jeedin foodaha farahiisa qibladda.
14. Wuxuuna ku odhan sujuuddiisa: "Subxaana Rabbiyal Aclaa" seddex jeer, hadduu ku darana: "Subxaanaka Allaahumma Rabbanaa wa bixamdika, Allaahum maqfir lii" "Allow adigaa ka hufan xumaan, Rabbigayagow ammaan oo idil iyo mahadna leh, Allow ii denbi dhaaf" waa hagaag.
15. Kaddib wuxuu ka soo qaadi madaxiisa sujuudda isagoo leh: "Allaahu akbar".
16. Kaddib wuxuu fariisan labada sajdadood dhexdooda isagoo ku fariisan cagtiisa bidix, wuxuuna toosin cagtiisa midig, wuxuuna saari gacmahiisa bowdyadiisa dushood iyo jilbahiisa.
17. Wuxuuna ku odhan Fadhigiisa labada sajdadood dhexdooda: "Rabbigayoow ii denbi dhaaf,oo ii naxariiso, oo i hanuuni, oo i arsaaq, oo i kab,
oo i caafi".
18. Kaddib wuxuu sujuudi sajdada labaad sida tii hore oo odhan wuxuu yidhi oo kale oo sameyn wuxuu tii hore sameeyey, wuuna takbiiran markuu sujuudayo.
19 Kaddib wuxuu ka kici sajdada labaad isagoo leh:
(Allaahu akbar" wuxuuna tukan rakcadda labaad sidii middii koowaad odhanna waxa lagu yidhaahdo oo la falo, mase la imanayo ducada lagu furto salaadda.
20. Kaddib wuu fadhiisan markuu bogo (dhammeeyo)
rakcadda labaad isagoo odhan: "Allaahu akbar" wuxuuna u fariisan si la mid ah fadhgii labada sajdadood dhexdooda.
21. Wuxuuna ku akhrin tashahudka (attaxiyaadka) fadhigan oo odhan:" "Attaxiyyaatu lillaahi, wassalawaatu, waddayibaatu, assalaamu calayka ayyuhan Nabiyyu, wa raxmatullaahi wabarakaatuh, assalaamu calaynaa wa calaa cibaadil laahi saalixiina. Ash-hadu al laa ilaaha Illallaahu wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu Allaahumma salli calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammadin, kamaa sallayta calaa ibraahiima, wacalaa aali Ibraahiima, wa baarik calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammadin, kamaa baarakta calaa Ibraahiima wa calaa aali ibraahiima, innaka Xamiidun Majiid. Acuudu Billaahi min cadaabi jahannama, wa min cadaabil-qabri, wa min fitnati al-maxyaa wal mamaati, wa min fitnatil masiixiddajaal".  Macnaha: Salaam, salaad iyo wanaag oo dhan Alle ayey u sugnaadeen, nabad galyo korkaaga ha ahaato Nabiyahow, naxariista Alle iyo barakooyinkiisa, ha ahaadeen korkaaga. salaan korkayaga ha ahaato iyo korka adoomaha Alle ee wanaagsan, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, waxaan kaloo qirayaa in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa. Allow ku salli Muxammad, iyo reer Muxammad, sidaad ugu salliday ibraahiim, iyo reer ibraahiim, adigu waxaad tahay (Allow) ammaan Badane Sharaf Badan. Allow barakee Muxammad Iyo reer Muxammad sidaad u barakeysay Ibraahiim iyo reer ibraahiim, waxaad Adigu tahay ammaan Badane Sharaf Badan. Allow anigu waxaan kaa magan galayaa cadaabka Jahannama iyo cadaabka qabriga iyo fitnada nolosha iyo ta geerida iyo fidnada masiixid dajaal (dajaal cawar)". Kaddib wuxuu ku duceysan oo Alle ka baryi wuxuu doono oo khayr adduunyo iyo Aakhiro ah.
22. Kaddib wuxuu u jeesan midigtiisa waxaanu odhan "As-salaamu caleykum waraxmatullaah", sidoo kale bidixda ayuu u jeesan oo odhan sidaa so kale.
23. Hadday salaaddu ka kooban tahay seddex rakcadood ama afar rakcadood wuu istaagi markuu gaaro weedha tashahudka oo ah: "Ash-hadu an laa ilaaha illalaahu wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu".
24. Kaddibna wuu kici isagoo leh: "Allaahu akbar" wuxuuna kor u qaadi markaas labadiisa gacmood oo la simi garbahiisa.
25. Kaddibna wuxuu u tukan inta ka hartay salaaddiisa sidii rakcadda labaad, wuxuuse ku gaabsan akhrinta Faatixada.
26. Kaddibna wuxuu u fariisan hab fadhi sugan ah, isagoo toosin cagtiisa midig, oo ka soo saari cagtiisa bidix jeenigiisa midig hoostiisa, wuxuuna salka dhigan dhulka, wuxuuna saari labadiisa gacmood bowdadiisa dushooda sidii tashahudka oo kale.
27- Wuxuuna ku akhrin fadhigan tashahudka oo dhan.
28. Kaddibna wuxuu u salaama naqsan xagga midigtiisa isagoo leh: "Assalaamu caleykum waraxmatullaah" bidixdiisana sidoo kale.

S27: Waa maxay Adkaarta aad la imanayso marka laga baxo salaadda salaama naqsiga kaddib?

J: "Astaqfirullaah" "Alle ayaan denbi dhaaf weydiisan" waxaad dhihi seddex jeer.
"Allaahumma anta salaam wa minka salaam tabaarakta yaa dal jalaali wal-ikraam".
"Allow Adigaa nabad ah, xaggaagana weeye nabaddu, waad barako badan tahay, Weynaan iyo maamuusna Adigaa leh".
"Laa ilaaha illal Laahu waxdahuu laa shariika lahu, lahul mulku wa lahul xamdu, wa huwa calaa kulli shay-in qadiir, Allaahumma laa maanica limaa acdayta, walaa mucdiya limaa manacta, walaa yanfacu dal jaddu minkal-jad" .
Ma jiro ilaah xaq lagu caabudo Alle keligii mooyee, ma laha cid wax la wadaagta, waxaa u sugnaaday boqortooyada runta ah iyo ammaan iyo mahad idilkeed, isagaa wax walba Awooda, Allow lama diidi karo waxaad bixiso, lamana bixin karo waxaad diido, mana anfacayso ka deeqda lihi deeqdiisu agtaada, Adigaa leh Deeq oo idil".
"Laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir. Laa xawla walaa quwwata illaa billaahi,laa ilaaha illallaahu, walaa nacbudu illaa iyyaahu, lahunnicmatu wa lahul-fadlu wa lahuthanaa'ul xasan, laa ilaaha illallaahu mukhlisiina lahuddiina wa law karihal kaafiruun".
Ma jiro ilaah xaq lagu caabudo Alle keligii mooyee, ma laha cid wax la wadaagta, wuxuu leeyahay boqortooyada runta ah iyo ammaan iyo mahad idilkeed, wax walbana wuu karaa, ma jiraan xeelad iyo awood ta laga helo ilaahay mooyee, ilaah ma jiro xaq lagu caabudo Alle mooyee, mana caabudayno isaga mooyee, waxaa u sugan nimcadda, fadliga (dheeraadka) iyo ammaanta fiican, ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Alle mooyee, annagoo uu gaar yeeleyna Ilaahay diinta, haba diideen oo ha dhibsadeen gaaladuye.
"Subxaanallaah" waxaad odhan soddon iyo seddex jeer.
"Alxamdu lillaah" soddon iyo seddex jeer.
"Allaahu Akbar" soddon iyo seddex jeer.
Kaddibna wuxuu kaga dhigi boqol inuu yidhaahdo:
"Laa ilaaha illallaahu waxdahu laa shariika lahu, lahul mulku walahul xamdu wa huwa calaa kulli shay-in qadiir".
Waxaad akhrisaa salaad walba kaddib suuradahan:
(qul-huwwallaahu) (qul acuudu birabbil falaq) (qul acuudu birabbinnaas)
Akhri mid walbaa seddex jeer salaadaha maghribka iyo subaxa kaddib, iyo mar keliya salaadaha kale.
Waxaad sidoo kale akhrisaa Aayatul- kursi hal mar salaad walba oo faral ah kaddib.

S28: Waa maxay sunanka rawaatibta ee joogtada loo tukado? Waa maxay Fadligeeda?

J: Waa labo rakcadood fajarka ka hor.
- Afar rakcadood duhurka ka hor.
- Labo rakcadood duhurka kaddib.
- Labo rakcadood maqribka kaddib.
- Labo rakcadood cishaha kaddib.
Fadligeeda:
Nabigu salla llaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi: "Qofkii tukada maalin iyo habeen walba labo iyo toban rakcadood oo sunne ah waxaa looga dhisaa guri Jannada". Waxaa soo weriyey Muslim iyo Axmad iyo kuwo kale.

S29: Maalintee baa ugu wanaagsan maalmaha asbuuca?

 Maalinta Jumcaha, Nabigu salla llaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi: "Waxaa maalmahiinna ugu fiican Maalinta Jumcaha, maalintaa baa la abuuray Aadam oo la oofsaday oo afuufka buunka dhici oo dadku argagax la dhici suuxdin oo dhiman, ee badiya salligeyga aniga maalintaa, waayo salligaad igu salliyeysaan waa la ii soo bandhigi. Waxay yidhaahdeen: Rasuul Alloow, sidee baa laguugu soo bandhigi salligaan kugu sallineyno adigoo lafo noqday ama baaliyoobay -wuxuu yidhi: "Alle Weyne Kor ahaaye wuu ka xaaraanshay dhulku inuu cuno jidhka anbiyada". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo kuwo kale.

S30: Waa maxay xukunka salaadda Jumcaha?

J: Waa faral ku waajib ah Muslim kasta lab ah qaan gaar ah caaqil ah, ku sugan degaankiisa.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Kuwa (Xaqa) rumeeyow,  marka la isugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha, aada xusidda Alle oo ka taga ganacsiga, (arrin)kani baa idiin kheyr badan, haddaad ogtihiin”. [Suuradda Al-Jumca: 9].

S31: Waa immisa tirada rakcadaha salaadda Jumcaha?

J. Tirada rakcadaha salaadda Jumcaha waa labo rakcadood oo kor ugu qaadayo imaamku akhrinta Qur’aanka, waxaana ka horreeya salaadda Jumcaha labo khudbadood oo la yaqaan.

S32: Ma bannaan tahay in laga haro salaadda Jumcaha?

J: Ma bannaana in laga haro oo dib looga dhaco salaadda Jumcaha cudur daar sharci ah la'aan, waxaana ka sugnaaday Nabiga sallallaahu calayhi wasallam inuu yidhi: "Qofkii ka taga seddex salaadood oo Jumca ah dhayalsi darteed wuxuu Alle ka daboolaa qalbigiisa (kheyrka iyo hanuunka". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo kuwo kale.

S32: Sheeg sunnaha Maalinta Jumcaha

J:1. Qubeyska. Tixraac qowlka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam: "Qubeyska Maalinta Jumcaha waa waajib saaran nin walboo qaan gaar ah". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
2. Barafuun marsiga. Tixraac xadiiska: " Waa xaq iyo xil saaran muslimiinta inay meyrtaan Maalinta Jumcaha, oo soo marsadaan midkood walba barafuunka (udug, cadar) reerkiisa". Waxaa soo weriyey Axmad iyo At-TirmidI.
3. Xirashada dharka midka u fiican. Tixraac xadiiska: " Muxuusan u yeelin midkiin hadduu Alle deeqtoonsiiyo inuu yeesho labo joog oo dhar ah oo ugu tala galay Jumcadiisa aan aheyn dharka shaqadiisa". Waxaa soo weriyey ibnu Maajah iyo Maalik oo ku sheegay kitaabka Muwadda'a.
4. Horay u aadista Masjidka.
5. Ku aadista Masjidka lug. Tixraac xadiiska: "Qofkii qubeysta Maalinta Jumcaha oo dhaqa madaxiisa iyo oogadiisa oo dhan oo u kallaha horayna u aada Masjidka oo xaadira khudbadda billowgeeda oo ka ag dhowaada Iimaamka oo dhageysta khudbadda oo dhegta u raariciya isagoo aamusan, waxaa loogu qoraa tallaabo kasta uu qaado ajar sano soonkeed iyo salaatu leylkeed". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo An-Nisaa'i.
6. Badinta ku sallinta Nabiga salla llaahu calayhi wasallam. Nabigu s.c w. wuxuu yidhi: "Badiya igu sallinteyda Maalinta Jumcaha waa maalin la soo xaadiro ay soo xaadiraan malaa’igta, mana jiro cid igu sallida aan la ii soo bandhigin salligooda ilaa uu ka bogo". Waxaa soo weriyey ibnu Maajah.
7. Akhrinta Suuradda Al-Kahaf. Tixraac xadiiska: "Qofkii akhriya Suuradda Al-Kahaf Maalinta Jumcaha waxaa loo ifiyaa nuur labada jimco dhexdooda". Waxaa soo weriyey Al-Xaakim iyo qeyrki.
8. Doonista saacadda ijaabada ducada. Tixraac  xadiiska Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee. waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam xusay Maalinta Jumcaha, wuxuuna yidhi: "Waxaa ku jirta Jumcaha saacad hadduu waafaqo qof Muslim ah isagoo taagan oo tukan Alle wax ka baryi waa la siiyaa waxa uu dooni oo uu ka baryi Alle". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S34: Waa maxay Fadliga salaadda jamaacada?

J: Cabdullaah ibnu Cumar Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam yidhi:
Salaadda jamaacada waxay ka fadli iyo ajar badan tahay salaadda uu qofku keligii tukado todoobo iyo labaatan darajo". Waxaa soo weriyey Muslim.

S34:
Waa maxay ku khushuuca salaaddu?

J- Waa qalbiga oo jooga xaadir ah iyo xubnaha oo ku xasila salaadda.

Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:

﴿قَدۡ أَفۡلَحَ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ١ ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي صَلَاتِهِمۡ خَٰشِعُونَ ٢﴾ [المؤمنون: 1-2]

“Waxaa liibaanay mu'miniinta ee ah kuwa salaaddooda ku khushuuca”, (Suuradda Al-mu'minuun: 1,2). "Salaadda jamaacada waxay ka fadli iyo ajar badan tahay salaadda uu qofku keligii tukado toddobo iyo labaatan darajo". Waxaa soo weriyey Muslim.

S35: Waa maxay ku khushuuca salaaddu?

J: Waa qalbiga oo jooga aan maahsaneyn iyo xubnaha oo ku xasila salaadda.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
1. Waxaa liibaanay mu'miniinta, 2. Ee ah kuwa salaaddooda ku khushuuca, [Suuradda Al-mu'minuun: 1,2].

S36: Waa maxay sakadu?

S35: Waa maxay sakadu?
J: Waa xaq ku waajib ah maal gaar ah ay leeyihiin qolo gaar ah waqti gaar ah.

- Waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, iyo sadaqo waajib ah laga qaado hodanka la siiyo faqiirka.

Alle kor ahaaye wixuu yidhi:

﴿وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ ٤٣﴾ [البقرة: 43]

(Oo bixiya Sakada).
Waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka, iyo sadaqo waajib ah in laga qaado hodanka oo la siiyo faqiirka.
Alle kor ahaaye wixuu yidhi:
(Bixiya Sakada). [Suuradda Al-Baqarah: 43].

S37: Waa maxay sadaqada la isku boorriyey ee wanaagsan?

J: Waa waxaan sakada aheyn, sida: Ku sadaqeysiga wuxuun wejiyada kheyrka goor ay ahaataba.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Wax ku bixiya Jidka Alle). S36: Waa maxay sadaqada la isku boorriyey (dhiiri galiyey) ee wanaagsan?

J- Waa waxaan sakada aheyn, sida: Ku sadaqeysiga wuxuun wejiyada kheyrka goor ay ahaataba.

Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:


﴿وَأَنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ١٩٥﴾ [البقرة: 195]
(Wax ku bixiya Jidka Alle). (Suuradda Al-Baqarah: 195).

[Suuradda Al-Baqarah: 195].

S38: Waa maxay soon?

J: Waa cibaadeysi dar Ilaahay ah lagaga joogayo waxyaabaha lagu afuro laga billaabo waaberiga ilaa gabbal dhaca ay niyeysi kuu wehliso, waana labo nooc:
S35: Waa maxay sakadu?
1. Soon waajib ah: Sida soonka bisha Ramadaan, waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
{kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka bisha Ramadaan sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhowrsataan}. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:

﴿يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ كُتِبَ عَلَيۡكُمُ ٱلصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ١٨٣﴾ [البقرة: 183]
(Kuwa Xaqa rumeeyoow, waxaa la idinku waajibiyey soon sidii loogu waajabiyey ummadahii idinka horreeyey si aad u dhowrtaan amarrada Alle oo isaga jirtaan xumaha). ( [Suuradda Al-Baqarah: 183].
2. Iyo soon aan waajib aheyn: sida soonka maalmaha isniinta iyo khamiista asbuuc kasta, iyo ka soomidda seddex maalmood bil walba, waxaana u fiican ayaamaha caddaanka (13, 14, 15)
bil dayaxeed walba.

S39: Waa maxay fadliga bisha Ramadaan?

J: Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam yidhi: "Qofka u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar weydiisi, waa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo denbi ah". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S40: Waa maxay fadliga soomidda soon sunno ah bil aan Ramadaan ahayn?

J: Abuu saciid Al-Khudri Allaha ka raalli noqdee wuxuu yidhi: Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Addoonkii sooma maalin Alle darti wuxuu Alle uga fogeeyaa maalintaa wejigiisa Naarta masaafo toddobaatan xagaa loo socdo". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Macnaha toddobaatan xagaa waa toddobaatan sano. "Addoonkii sooma maalin Alle darti wuxuu Alle uga fogeeyaa maalintaa wejigiisa Naarta masaafo toddobaatan Xagaa loo socdo". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Macnaha toddobaatan Xagaa waa toddobaatan sano.

S41: Maxaa buriya soonka?

S40 : Maxaa buriya soonka?
J: Cunidda iyo cabidda kaska ah.

2- Matagga kaska ah (is matajin).

3- Riddada oo ah ka bixitaanka Islaamka.
2- Matagga kaska ah (is matajin) iyo asbaabo kale.

S42: Waa maxay sunnooyinka soonka?

S41: Waa maxay sunnooyinka soonka?
J: 1. Dedejinta afurka.
2. Suxuurashada iyo dib u dhigidda suxuurta.
3. Badinta acmaasha kheyrka iyo cibaadada.
4. Odhaahda qofka sooman marka la aflagaaddeeyo inuu yidhaahdo anigu waan soomanahay.
5. Duceysiga marka la afurayo.

6- Ku afuridda timir cusub oo xasiid ah ama timir caadi ah, qofkaan timir helin, waa inuu ku afuro biyo.
6. Ku afuridda timir cusub oo xasiid ah ama timir caadi ah, qofkaan timir helin, waa inuu ku afuro biyo.

S43: Waa maxay Xaj?

S42 : Waa maxay Xaj?
J- Xajku: Waa cibaadeysi Alle dartii ah, adigoo u qasdaya beytkiisa ka caaggan xumaha si loogu guto howlo gaar ah waqti gaar ah.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Alle wuxuu ku leeyahay dadka inay u soo xajiyaan beytka (Kacbada) waa xil saaran, qof kasta oo awood u leh inuu u socdaalo xaggiisa Beytka, qofkiina beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle waa ka Deeqtoon yahay uunkiisa. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:

﴿ۗ وَلِلَّهِ عَلَى ٱلنَّاسِ حِجُّ ٱلۡبَيۡتِ مَنِ ٱسۡتَطَاعَ إِلَيۡهِ سَبِيلٗاۚ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ عَنِ ٱلۡعَٰلَمِينَ ٩٧﴾ [آل عمران: 97]

(Alle wuxuu ku leeyahay dadka inay u soo xajiyaan beytka (Kacbada) waa xil saaran, qof kasta oo awood u leh inuu u socdaalo xaggiisa Beytka, qofkiina beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle waa ka Deeqtoon yahay uumanka).
[Suuradda Aal-Cimraan: 97].

S44: Waa maxay tiirarka Xajka?

S43: Waa maxay tiirarka Xajka?
J: 1. Ixraamka. waa niyeysiga Xajka xidhashada dharka ixraamka kaddib.
2. Istaagidda Carafah.
3. Dawaafka Ifaadaha.
4. Sacyiga (ruc leynta) Safa iyo Marwah dhexdooda.

S45: Waa maxay fadliga Xajka?

S44: Waa maxay fadliga Xajka?
J: Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee. wuxuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam oo leh:
:"Qofka u xajiya Alle dartii ee aan la iman rafath (galmood xaaskiisa iyo waxyaalaha hor dhaca u ah galmada), aan gelin muran iyo macsi midna, wuxuu ka soo laabtaa Xajka isagoo sidii maalintii ay dhashay hooyadi ah". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo qeyrki.
- "Sida maalintay dhashay hooyadii": waa denbi la'aan ah. "Qofkii u xajiya Alle dartii ee aan la iman aflagaaddo, muran iyo macsi midna, wuxuu ka soo laabtaa Xajka isagoo sidii maalintii ay dhashay hooyadi ah". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo qeyrki.
- "Sida maalintay dhashay hooyadii": waa denbi la'aan ah.

S46: Waa maxay cumro?

S45: Waa maxay cumro?
J: Cumradu: Waa cibaadeysi Alle kor ahaaye dartii ah adigoo u qasdi beytkiisa ka caaggan xumaha si aad ula timaaddo howlo gaar ah waqti waliba.

S47: Waa maxay tiirarka cumradu?

J: 1. Ixraamka. waa niyeysiga Xajka xidhashada dharka ixraamka kaddib.
2. Ku dawaafka (ku wareegida) beytka (Kacbada).
3- Sacyiga (rucla socodka) Safa iyo Marwah dhexdooda.

S48: Waa maxay u jihaaddida Jidka Alle?

J: Waa dadaal lagu bixiyo iyo wixii la awoodi karo ee dadaal fidinta Islaamka ah iyo in la difaaco Islaamka iyo dadkiisa, ama la dagaallanka cadowga Islaamka iyo dadka nabad diidka ah (diiddan Xaqa iyo ehelkiisa).
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Oo kula jihaada maalkiinna iyo nafihiinnaba Jidka Alle. Arrinkan baa idiin kheyr badan, haddaad og tihiin". [Suuradda At-Towbah: 41].
*******

S16: Waa maxay fadliga salaadda?

J: Abuu Hurayra Allaha raalli ka noqdee, wuxuu ka soo weriyey Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam inuu yidhi: "Ka warrama haddii midkiin albaabkiisa uu marayo webi uu ku meyrto maalin kasta shan jeer, ma waxaa ka haraya wasakhdiisii shey. waxay yidhaahdeen: Maya, ka hadhi maayo wasakhdiisi wax, Wuxuu yidhi: "Waa sidaas salaadaha shanta, wuxuu Alle ku tiraa denbiyada". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Daran: Waa wasakhda.

Qaybta Siirada Nabiga sallallaahu calayhi wasallam.32

S1: Waa maxay abtirsiga Nabigeenna Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.? J- Waa Muxammad bin Cabdullaah bin Haashim, Haashimna waa Qursysh, Qurayshna waa Carab, Carabna waa ubadka Ismaaciil ibn Ibraahiim nabad iyo naxariis Alle dushooda ha ahaato dhammaantood.

J: Waa Muxammad bin Cabdullaah bin Haashim, Haashimna waa Qursysh, Qurayshna waa Carab, Carabna waa ubadka Ismaaciil ibn Ibraahiim nabad iyo naxariis Alle dushooda ha ahaato dhammaantood.

S2: Waa maxay magaca hooyada Nabigeenna s.c.w.?

J: Aaminah bint Wahab.

S3: Goormuu dhintay aabbihii?

J: Wuxuu ku dhintay aabbihi Madiinah isagoo (Rasuulku) lagu sido uurka hooyadii, oo aan weli dhalan sallallaahu calayhi wasallam.

S4: Goormuu dhashay Nabiga sallallaahu calayhi wasallam.?

J: Sannadkii Maroodiga, maalin Isniin ah bisha Rabiicul awal.

S5: Magaaladee buu ku dhashay?

J: Wuxuu ku dhashay Makkah.

S6; Yaa nuujiyey oo wax ka soo koriyey aan hooyadi ahayn?

J: Addoontii aabbihii Ummu Ayman.
-Addoontii adeerki Abuu Lahab, Thuweybah.
- Xaliimah Sacdiya.

S7: Goormay dhimatay hooyadii?

J: Waxay dhimatay hooyadii isagoo lix jir ah, waxaana kafaala qaaday awowgii Cabdul Muddalib.

S8: Yaa kafaala qaaday kaddib dhimashadii awowgii Cabdul Muddalib?

J: Wuxuu dhintay awowgii Cabdul Muddalib isagoo Nabigu siddeed jir ah, waxaana kafaala qaaday adeerkii Abuu Daalib.

S9: Goormuu ula dhoofay adeerkii xagga Shaam (Suuriya).

J- wuxuu ula dhoofay adeerkii xagga Shaam isagoo labo iyo toban jir ah.

S10: Goormuu ahaa safarkiisii labaad?

J: Safarkiisii labaad wuxuu ganacsi ugu aaday maal ay laheyd Khadiijah Allaha ka raalli noqdee, markuu ka soo laabtayna wuu guursaday sallallaahu calayhi wasallam, isagoo shan iyo labaatan jir ah.

S11: Goormay Quraysh dib u dhistay Kacbada?

J: Waxay Quraysh dib u dhistay Kacbada, isagoo Nabigu sallallaahu calayhi wasallam. soddon iyo shan jir ah.
Waxayna isula gar dhigteen Nabiga sallallaahu calayhi wasallam markay isku khilaafeen yaa dhigaya dhagaxa madow, markaasuu Nabigu sallallaahu calayhi wasallam saaray maro, oo amray qabiil kasta inuu qabto dacal ka mid ah marada, waxayna ahaayeen afar qabiil, markay kor ugu soo qaadeen halkii la dhigi lahaa, wuxuu ku dhigay gacantiisa sallallaahu calayhi wasallam.

S12: Immisa jir buu ahaa Nabigu maalintii la soo diray? Yaana loo soo diray?

J: Wuxuu jiray afartan sano, waxaana loo diray dadka oo dhan inuu u bishaareeyo una digo.

S13: Muxuu ahaa wixii ugu horreeyey ee ku soo dega Nabiga sallallaahu calayhi wasallam waxyi ahaan.

J: Riyada dhabowda, ma jirin riyo uu arko aanu run u arkin oo soo bixin sida waaberiga.

S14: Sidee buu ahaa xaalka Nabiga sallallaahu calyhi wasallam Waxyiga ka hor? Goormuuna ku soo degay Waxyiga kolkii u horreysey?

J: Wuxuu ku cibaadeysan jirey gebiga Xiraa oo u sahay qaadan jirey arrinkaa.
Wuxuuna ku soo degay Waxyigu, isagoo ku sugan gebigaa oo ku cibaadeysta.

S15: Waa maxay wixii u horreeyey ee ku soo dega oo Qur’aan ah?

J: Waa qowlka Alle kor ahaaye: 1. Ku akhri Magaca (Alle) Rabbigaa, ee abuuray (wax waliba). 2. Ka abuuray aadmiga xinjir. 3. Akhri, Rabbigaana waa Sharaf Badnaha, 4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka. 5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon. [Suuradda Al-Calaq: 1-5].

S16: Yaa ugu horreeyey oo rumeeyey Dhambaalka iyo Farriinta uu ka keenay xagga Alle?.

J: - Xagga ragga: Abuu Bakar As-Siddiiq.
- Xagga haweenka: Khadiijah bint Khuweylid.
- Xagga dhallaanka yar: Cali bin abii Daalib.
Xagga mawaalida (adeegayaasha): Zayd bin Xaarithah.
Xagga kuwii al addoonsanayey:
Bilaal Al-Xabashi
Allaha ka raalli noqdee.

S17: Sidee buu ahaa baaqa Islaamku?

J: Wuxuu baaqa Islaamku ahaa sir seddex sano, kaddibna waxaa la amray Nabiga sallallaahu calayhi wasallam inuu caddeeyo baaqa Islaamka oo daaha ka qaado.

S18: Muxuu ahaa xaalka Nabiga iyo intii rumeysay kaddib caddeynta iyo daah ka qaadidda baaqa Islaamka?

J: Waxay ku fogaadeen gaaladu dhibaataynta Nabiga sallallaahu calayhi wasallam iyo dhibaataynta muslimiinta ilaa loo oggolaadey iyadoo amar ah, mu'miniinta inay u haajiraan Najaashi oo ka talineyey dhulka Xabashida.
Waxayna isku raaceen gaalada mushrikiinta ahayd dhibka iyo dilka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam, waxaase ka xafiday Alle oo ku gadaamay (kaga joojiyey) adeerkii abuu Daalib si uu uga dhowro.

S19: Yaa dhintay sannadkii tobnaad ee soo diritaanka Nabiga sallallaahu calayhi wasalam.?

J: Waxaa dhintay adeerkii Abuu Daalib iyo xaaskiisii Khadiijah Allaha ka raalli noqdee.

S20: Goormuu ahaa Israha iyo Micraajku?

J: Wuxuu ahaa markuu Nabigu sallallaahu calayhi wasallam konton jirsaday, waxaana lagu faral yeelay shanta salaadood.
- Al-Israa: Waa ka guureyntii Masjidka Xaramka ee Makkah iyo tegistiisii Masjidka Al-Aqsaa.
- Micraajkuna: Wuxuu ahaa ka tegistiisii Masjidka Al-Aqsaa iyo aadistiisii samada ilaa meesha ugu sarreysa (geedka gobka ee Jannada agteeda ah).

S21: Sidee buu ahaa baaqa Nabiga sallallaahu calayhi wasallam uu ugu yeerayey dadka Islaamka Makkah debeddeeda?

J: Wuxuu ugu yeedhay Islaamka reer Daa'if, oo u bandhigayey dadka naftiisa iyo inay taageeraan munaasabadaha iyo kulannada dadka, ilaa ay yimaadeen reer Madiina oo ka mid ah Ansaarta, wayna rumeeyeen Nabiga sallallaahu calayhi wasallam, oo ballan kula galeen inay u hiiliyaan oo difaacaan.

S22: Immisa sano ayuu Nabigu sallallaahu calayhi wasallam joogay Makkah isagoo dadka ugu baaqaya diinta Islaamka?

J: Wuxuu joogay seddex iyo toban sano.

S23: Xaggee buu u haajiray Nabigu sallallaahu calayhi wasallam?

J: Wuxuu ka haajiray Makkah oo u haajiray Madiina.

S24: Immisa sano ayuu joogay Madiina?

J: Wuxuu joogay toban sano.

S25: Maxaa lagu faral yeelay intuu joogay Madiina oo sharciyo Islaam ah?

J: Waxaa lagu faral yeelay Sakada, Soonka, Xajka, Jihaadka, Aadaanka, iyo inta kale ee sharciyada Islaamka ah.

S26: Sheeg duullaamadii ugu muhumsinaa ee Nabigu sallallaahu calayhi wasallam galay?

J: Duulaankii Badar ee weynaa sannadkii labaad ee hijrada.
- Duullaankii Uxud ee ahaa Sannadkii seddexaad ee hijrada.
- Duullaankii Al-Axzaab ee ahaa Sannadkii shanaad ee hijrada.
- Duullaankii furashada Makkah ee ahaa sannadkii siddeedaad ee hijrada.

S27: Maxaa u dambeeyey wax soo dega oo Qur’aan ah?

J: Qowlka Alle kor ahaaye: "Iska jira Maalin (Qiyaamada) ee la idiin soo celin xagga Alle. Markaas naf walba loogu oofin si buuxda waxay kasbatay (kheyr ama shar) iyagoo aan la dulmineyn". [Suuradda Al-Baqarah: 28].

S28: Goormuu geeriyooday Nabigu sallallaahu calayhi wasallam? Immisa jir buuna ku geeriyooday?

J: Wuxuu geeriyooday bishii Rabiicul Awal, sannadkii kow iyo tobnaad ee hijrada, isagoo lixdan iyo seddex jir ah.

S29: Sheeg xaasaskii Nabiga sallallaahu calayhi wasallam.?

J: 1. Khadiijah bint Khuweylid Allaha ka raalli noqdee.
2. Sawdah bint Zamcah Allaha ka raalli noqdee.
3. Caa'ishah bint Abii Bakar As-Siddiiq Allaha raalli ka noqdee.
4. Xafsah bint Cumar Allaha ka raalli noqdee.
5. Zaynab bint Khuzeymah Allaha ka raalli noqdee.
6. Ummu Salamah Hind bint abii Umayyah Allaha ka raalli noqdee.
7. Ummu Xabiibah Ramlah bint abii Sufyaan Allaha ka raalli noqdee.
8. Juweyriyah bint Al-Xaarith Allaha ka raalli noqdee.
9. Maymuunah bint Al-Xaarith Allaha ka raalli noqdee.
10. Safiyah bint Xuyay Allaha ka raalli noqdee.
11. Zaynab bint Jaxash Allaha ka raalli noqdee.

S30: Waa kuwee alwaadda Nabiga s.c.w.?

J: Wiilashu waa seddex:
Al-Qaasim, Isagaana lagu naynaasay.
- Iyo Cabdullaah.
- Iyo Ibraahiim.
Gabdhahana:

- Faadimah.
- Ruqayyah.
- Ummu Kul-thuum.
- Zaynab.
Ubadkiisa waxaa u dhashay Khadiijah Allaha ka raalli noqdee marka laga reebo Ibraahiim oy u dhashay Maariyah Al-Qibdiyah, dhammaan ubadkiisii waxay dhinteen Nabiga hortii Faadimah maahee oo dhimatay isaga kaddib lix bilood.

S31: Sheeg qaar ka mid ah tilmaamaha Nabiga sallallaahu calayhi wasallam ee abuurka ah?

J: Nabigu sallallaahu calayhi wasallam wuxuu ahaa meel dhexaad ma dheereyn mana gaabneyn, wuxuu ahaa caddaan uu casaan yar ku jiro s.c.w., wuxuu lahaa gar weyn indho waasic ah oo aad u qurxoon, af qurxoon, timo madow badan, garbo waaweyn, caraf badan iyo tilmaamo kale oo wanaagsan sallallaahu calayhi wasallam.

S31 : Muxuu uga tagey Nabiga s.c.w. ummaddiisa ?

J: Wuxuu uga tegey ummaddiisa xujo cad, oo habeenkeedu yahay sida maalinteeda oo kale, uusan ka weecan qof hoogay maahee, ma jiro kheyr uusan tusin ummaddiisa iyo shar uusan uga digin.
**********
Fiiro gaar ah:
Qeybtani waa in la xafido Aayadaha oo la fahmo macnahooda.

Qaybta Tafsiirka.17

S1: Akhri Suuradda Faatixada oo fasir.

J: Suuradda Al- Faatixah iyo tafsiirkeeda:
🎧 1.Waxaan Ku billaabi Magaca Alle ee naxariista guud iyo naxariista gaarka ah ba leh. 🎧 2. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uunka oo idil. 🎧 3. Naxariistaha Naxariista guud iyo Naxariista gaar ahaaneedba. 🎧 4. Boqorka Maalinta abaal marinta (Qiyaamada) ee leh wax walba. 🎧 5. Adigoo Keliya (Allow) ayaan ku caabudaynaa, oo Adigoo Keliya ayaan ku weydiisanaynaa kaalmo. 🎧 6. Nagu hanuuni (oo nagu sug) Jidka Toosan. 🎧 7. Jidka kuwaad u Nicmaysay, ee aan aheyn 'jidka' kuwa cadho Alle qabeenka ah, iyo 'jidka' kuwa lunsan midna. [Suuradda Al-Faatixah:1-7].
Tafsiirka:

Waxaa loogu bixiyey Suuradda Al-Faatixah, waayo waxaa lagu billaabay Kitaabka Alle Suuraddani.
1. Magaca Alle ayaan ku billaabayaa akhrinta Qur'aanka, anigoo kaalmeysanaya Alle Weyne kor ahaaye oo barakaysan xusidda Magaciisa.
- "Allaah" Waa: Kan lagu caabudo xaq, mana lagu magacaabo magacaa midaan Isaga aheyn.
- "Ar-Raxmaan" waa:  leh Naxariista Ballaaran, Naxariistaasoo gaadha oo deeqda wax iyo cid walba.
- "Ar-Raxiim" waa: U Naxariis Badan mu'miniinta.
2- "i Waa ammaan iyo mahad oo dhan waxaa leh Alle oo keliya.
3. "Ar-Raxmaani Raxiim": Waa: Ee leh Naxariista Ballaadhan Naxariistaasoo deeqda wax walba, U Naxariista Badan mu'miniinta.
4. Waa Maalinta Qiyaamada.
5 Macnaha waa:
Waxaan ku caabudi Adigoo Keliya oo ku kaalmeysan Adiga Keligaa.
6. Waa ku hanuunidda Islaamka iyo Sunnada.
7. Macnaha waa Nagu toosi jidka addoomaha Alle ee wanaagsan ay ka mid yihiin Anbiyada iyo kuwa raaca, oo aan aheyn jidka Nasaarada iyo Yuhuudda iyo cid kasta oo aan Alle rumeyn.
- Waxaa sunne ah inuu qofku yidhaahdo akhrinteeda kaddib: (Aamiin) macnaha: waa Allow naga aqbal.

S2: Akhri Suuradda Az-Zalzalah oo fasir.

J: Suuradda Az-Zalzalah iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Marka dhulka la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada). 🎧 2. Oo arladu soo saarto culeysyadeeda (wixii ku aasnaa), 🎧 3. Aadmiguna yidhaahdo: Maxaa ku dhacay? 🎧 4. Maalintaas waxay ka warrami wararkeeda. 🎧 5. Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed. 🎧 6. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri si kala firdhisan si loo tuso (jasaha) acmaashooda (camalkii ay shaqeysteen dunida dusheeda). 🎧 7. Ee qofkii fala camal san oo le’eg saxar wuu arki. 🎧 8. Qofkii fala camal xun oo le’eg saxar wuu arki. [Suuradda Az-Zalzalah: 1-8].
Tafsiirka:

1.Marka arlada la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada). Marka la gilgilo dhulka gilgilid daran oo ku dhacaya Maalinta Qiyaamaha.
2. Oo ay soo saarto arlada (dhulku) waxa ku jira uurkeeda oo leh kuwo dhintey iyo wax ka duwan.
3. Oo yidhaahdo qofku isagoo yaabban: Maxaa ku dhacay dhulkii oo la dhaq dhaqaaqeysaa oo la gilgilan?!
4. Maalintaas weyn waxay arladu ka warrami waxa lagu sameeyey dusheeda oo kheyr iyo sharba leh.
5. Waayo Alle baa ogeysiiyey oo ku amray arrinkan.
6. Maalintaa weyn ay gariireyso dhulku waxay iman dadku goobta xisaabta iyagoo cabsi ka buuxdo oo ururro ah; si ay u arkaan acmaashoodii ay ku faleen adduunka.
7. Qofkii fala wax saxar le'eg ama quraanjo yar oo kheyr iyo samo ah wuxuu ka arki hortiisa.
8. Qofkiise falaa wax le'eg miizaan ahaan wax aad u yar oo falal xun ah wuxuu ka arki hortiisa.

S3: Akhri Suuradda Al-Caadiyaat oo fasir.

J: Suuradda Al-Caadiyaat iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba iska leh.
🎧 1. Wuxuu ku dhaartay Alle fardaha orodka dheereeya iyagoo hiinraagi (fardaha dagaalka, iwm). 🎧 2. Iyo fardaha kiciya dhimbilaha dabka markay qoobkooda dhagaxa la dhacayaan xilliga ay weerarka ku yihiin cadowga. 🎧 3. Iyo fardaha cadowga weerara subaxa hore, 🎧 4. Markaas boorka kiciya, 🎧 5. fardaha badhtanka u gala guutooyinka cadowga marka dagaalka lagula jiro cadowga. 🎧 6. Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah) kuna keni adag yahay. 🎧 7. Isagaana taasi ka markhaati ah. 🎧 8. Oo waa ku daran yahay Jaceylka maalka. 🎧 9. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo. 🎧 10. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo(bannaanka la keeno). 🎧 11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan). [Suuradda Al-Caadiyaat: 1-11].
Tafsiirka:

1. Alle wuxuu ku dhaartay fardaha orda ee laga maqlo hiinraagga xoogga leh orod badni darteed.
2. Alle Wuxuu kaloo ku dhaartay fardaha ku shida qoobabkooda dab sida madagta oo kale uga dhalanaaya ciddida ku dhacaysa dhagaxa darteed.
3. Wuxuu kaloo ku dhaartay fardaha ku duula cadowga waaberiga.
4. Kuwaasoo kicinaaya siigo xawliga ay ku socdaan dartii.
5. Ee cadowga badhtamaha u gala iyagoo raggu saaran yahay fardahaa.
6. Aadmigu waa mid diida kheyrka Rabbigii uu ka rabo.
7. kheyr diid nimadiisana marag buu ka yahay, ma inkiri karo waayo wey iska caddahay.
8. Jaceyl dartii uu u qabo maalka ayuu ka bakheylaa bixintiisa.
9. Miyuusan ogeyn qofkan ku kadsoon noloshan adduunka hadduu Alle soo saaro waxa ku jira qubuuraha oo kuwii dhintay ah oo ka soo bixiyo dhulka si loo xisaabiyo oo loo abaal mariyo in arrinku aheyn sidii uu moodayey?!
10. Oo la soo bixiyo oo muujiyo waxa ku jira laabaha ee ah niyooyin iyo caqiidooyin iyo wax ka duwanba.
11. Rabbigood baa maalinkaa u xog ogaal ah, kama qarsoona wax ka mid ah arrinka addoomahiisa wuuna ka jaasayn (abaal marin).

S4: Akhri Suuradda Al-Qaaricah oo fasir.

J: Suuradda Al-Qaaricah iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Garaacdada (qalbiyada waa Qiyaamada). 🎧 2. Maxay tahay qaarica?. 🎧 3. Maxaa ku ogeysiiyey waxay tahay qaarica? 🎧 4. Waa Maalintay dadku noqon sida balan baalis kala firidhay. 🎧 5. Oo buuruhu noqon sida cudbi la filqay. 🎧 6. Qofka miisaankiisu (camallada wanaagsan) uu cuslaado. 🎧 7. Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh oo raalli lagu yahay (Janno). 🎧 8. Qofkase uu miisaankiisu (camallada wanaagsan) fududaado (yaraado). 🎧 9. Hoygiisu waa Haawiya. 🎧 10. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay haawiya? 🎧 11. (Waa) Naar kulul oo holcaysa. [Suuradda Al-Qaaricah: 1-11].
Tafsiirka:

1. Saacdda garaacaysa quluubta dadka darraanta/waynida dhibaatadeeda darteed.
2. Waa maxay Saacadda Qiyaame ee garaaceysa quluubta dadka weynaanta shiddadeeda (dhibteeda) darteed.?
3. Oo maxaa ku ogeysiiyey Rasuul Alloow maxay tahay Saacaddan Qiyaame ee garaaceysa quluubta dadka weynaanta shiddadeeda?! Waa Maalinta Qiyaamaha.
4. Maalintay garaacdo quluubtu dadka waxay noqon sida balan baalis kala firidhay halkan iyo halkaas.
5. Buuruhuna ay noqon sida cudbi la dhilay/filqay oo fududaan socodkooda iyo xarakadooda.
6. Qofkii uu ka miisaan cuslaado camalkiisa wanaagsani kiisa xun.
7. Kaasi isagu wuxuu ku noolaan nolol uu ka raalli yahay oo ku helayo Jannada.
8. Qofkiise uu ka cuslaado camal kiisa xuni kiisa wanaagsan.
9. Hoygiisu iyo rugtiisa Maalinta Qiyaamaha waa Jahannama.
10. Maxaa ku ogeysiiyey Rasuul Allow waxay tahay?!
11. Waa naar kulayl badan.

S5: Akhri Suuradda At-Takaathur oo fasir.

J: Suuradda At-Takaathur iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Waxaa idin shuqliya/mashquuliyey (dadow) wax badso (iyo isu faanid). 🎧 2. Ilaa aad siyaarataan qubuuraha (macnaha dhimataan oo la idinku aaso). 🎧 3. Mayee, waad ogaan doontaan. 🎧 4. Misna, mayee, Waad ogaan doontaan. 🎧 5. Mayee, haddaad ogaan lahaydeen ogaansho dhab ah. 🎧 6. Waxaad hubaal arki Naarta ololka badan ee Jaxiima. 🎧 7. Markaas waxaad u arki doontaan si yaqiin ah (aragti run ah oy idiin muuqato). 🎧 Waxaa Maalintaa la idin weydiin Nicmooyinkii (Alle idinku galladeystay8). (Suuradda At-Takaathur: 1-8).
Tafsiirka:

1. Waxaa idin shuqliyey (howlay, ku howshan tihiin) -dadow - isugu faanid iyo ku tartan maal badsi iyo awlaad halkii cibaadada Alle.
2. ilaa aad dhimataan oo aad gashaan qabuurihiina.
3. Ma aheyn inaad ku mashquushaan isu faan iyo kala badsi maal iyo awlaad oo ay idinka shuqliyaan cibaadada Alle, waadna ogaan doontaan cidhibta arrinkaasi.
4. Oo waad ogaan doontaan cidhib dambeedka arrinkan.
5. Xaqiiq, haddaad ogaan laheyden si yaqiin ah in Alle qubuuraha idin ka soo saari, iyo inuu idinka abaal marin acmaashiinna iskuma shuqliseen isugu faanka maalka iyo awlaadda.
6. Wallee waad arkeysaan Naarta Maalinta Qiyaamaha.
7. Oo waad arkeysaan arkid muuqata oo aan shaki ku jirin.
8.Waxaana Maalintaa la idin weydiin Nicmooyinkii (Alle idinku galladeystay). Markaas wuxuu Alle idin weydiin Maalintaa waxa uu idinku galladeystay oo leh caafimaad iyo deeq iyo wixii ka duwan.

S6: Akhri Suuradda Al-Casar oo fasir.

J- Suuradda Al-Casar iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Waxaan ku dhaartay waqtiga. 🎧 2. Aadmigu wuxuu ku sugan yahay khasaare dhab ah. 🎧 Kuwa (Xaqa) rumeeyey mooyee oo samaha fala, oo isu dar-daarma Xaqa (iyo caddaalad falka), isuna dar-daarma samirka (iyo sugnaanta). [Suuradda Al-Casar: 1-3].
Tafsiirka:

1. wuxuu Alle ku dhaartay waqtiga.
Innal insaana lafii khusr2":
2. Aadmiga oo dhan waxay ku sugan yihin hoog iyo halaag.
3. Ilaa midka xaqa rumeeyey oo sama fala oo ugu yeedha dadka xaqa oo ku samra, kuwaa weeyaan kuwa ka badbaadi khasaarada.

S7: Akhri Suuradda Al-Humazah oo fasir.

J: Suuradda Al-Humazah iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Hoog waxaa leh dure kasta (xumaan ku tilmaame dadka), oo wax xanta. 🎧 2. Kaasoo maal ururiya oo tiriya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay: sakada, iwm); 🎧 3. Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin. 🎧 4. Mayee, waxaa lagu tuuri burburisada. 🎧 5. Maxaa ku ogeysiiyey waxay burburisadu tahay? 🎧 6. Waa Naarta Alle ee holcaysa. 🎧 7. Ee kor ugu baxda quluubta dushooda (iyadoo gubeysa), 🎧 8. Waxaa lagaga xidhi dusha (gaalada). 🎧 9. Tiirar la taagay dhexdood. [Suuradda Al-Humasa: 1-9].
Tafsiirka:

1. Ba' iyo hoog iyo cadaab daran wuxuu u sugnaaday qofka dadka xanta oo dura.
2. Kaasoo hammigiisu yahay maal urursi iyo tirinti, aan hammi kale laheyn.
3. Wuxuu moodaa in maalkiisu uu kulmiyey ka badbaadin geerida oo ku waari nolosha adduunka.
4. Arrinku ma aha sida uu moodayo jaahilkan, waxaa lagu tuuri Naarta Jahannama ee garaacda oo jajabisa wixii lagu tuuro baaskeeda daran awgi.
5. Maxaa ku ogeysiiyey Rasuul Allow maxay tahay Naartan burburin wax kastoo lagu tuuro?!
6. Waa Naarta Alle ee holcaysa.
7. Ee ku fidda jidhadhka dadka oo gaadha quluubtooda.
8. Waa mid kuwa lagu cadaabi looga xidhi dusha.
9. Tiirar fidsan oo dhaa-dheer si aanay uga bixin (kamaba bixi karaane).

S8: Akhri Suuradda Al-Fiil oo fasir.

J. Suuradda Al-Fiil iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Mawaadan ogaan sida Rabbigaa u galay qoladii maroodiga wadatey? 🎧 2. Sow kama uu dhigin dhagartoodii wax dhumay (ku dhammaaday jab iyo jah wareer), 🎧 3.Oo u soo dirin kuna sallidin shimbiro guutoooyin ah, 🎧 4. Kuwaasoo ku soo ganaya (tuureysa) dhagaxyo dhoobo naareed ah, 🎧 5. Oo ka yeelay sidii bal la daaqay? [Suuradda Al-Fiil: 1-5].
Tafsiirka:

1. Rasuul Allow - miyaanad ogeyn sida Rabbigaa u galay Abraha iyo asxaabtiisii kuwii watey maroodiga markay dooneen inay dumiyaan Kacbada?!
2. Wuxuu ka yeelay Alle qorshahoodii xumaa ee ahaa iney dumiyaan Kacbada mid ku dhammaaday guul darro, ma ayan helin waxay doonayeen ee ahaa inay dadka ka jeediyaan Kacbada, waxbana kama helin faa'iido waxay u socdeen.
3. Wuxuu ku diray shimbiro ugu yimid kooxo kooxo.
4. Shimbirahaasi oo ku tuuraya dhagax ka samaysan dhoobo dhagaxawday oo dab oo kale ah aad u kulul.
5. Markaasuu wuxuu Alle ka yeelay sida bal la daaqay (cows xoolo cuneen oo ku dul socdeen).

S9: Akhri Suuradda Qureysh oo fasir.

J: Suuradda Quraysh iyo fasirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Caadeysigii Quraysheed. 🎧 2. Ay ka caado yeesheen safarka jiilaalka iyo xagaaga (si nabad ah ganacsiga). 🎧 3. Ee ha caabudeen (Alle Keliya) Rabbiga Baytkan (Kacbada Makkah ku taal). 🎧 4. Kaa soo ka quudiyey gaajo, kana aamin yeelay cabsi. [Suuradda Quraysh: 1-4].
Tafsiirka:

1. Waxaa loola jeedaa caadeysigoodii safarkii ganacsiga ay u aadi jireen waqtiga jiilaalka iyo xagaayada.
2. Safarkoodii jiilaalka ay u aadi jireen Yaman iyo safarkoodii xagaaga dhanka Shaam iyagoon waxba ka cabsaneyn oo aamin iyo nabad ah.
3. Ee ha caabudeen Allaah Rabbiga Beytka Xaramka ee Kacbada ee u fududeeyey safarkan, oo yeyna cidna la wadaajin cibaadada.
4. Ee ah Kan ka quudiyey gaajo oo ka nabad geliyey cabsi. Isagoo galiyey quluubta Carabta weyneynta Xaramka, iyo weyneyn dadka ag deggan Xaramka.

S10: Akhri Suuradda Al-Maacuun oo fasir.

J- Suuradda Al-Maacuun iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Ka warran kan beeniyey is abaal marinta (Aakhiro). 🎧 2. Kaasi waa ka ula dhaqma agoonta si qallafsan. 🎧 3. Oo aan ku dhiirri gelin (dadka) quudinta masaakiinta. 🎧 4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah), 🎧 5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda). 🎧 6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko. 🎧 7. Una diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, sako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye). (Suuradda Al-Maacuun: 1-7).
Tafsiirka:

1. Ma garatay kan beeniya is abaal marinta Maalinta Qiyaamaha?!
2. Kaasi waa kan u riixa agoonta si daran oo aan xaqiisa siin.
3. Aan ku boorrin naftiisa, iyo qeyrkiba quudinta miskiinka.
4. Ba' iyo hoog iyo cadaab waxaa leh kuwa tukada ee munaafiqiinta ah.
5. Ee ah kuwa salaaddooda ka dhoohan, aan dan u gelin ilaa waqtigeeda baxo.
6. Kuwa salaaddooda istuska tahay iyo acmaashoodaba (waxay sameyn ee cibaado ah) oo aan u gaar iyo gooni yeelin camalkooda Alle Weyne kor ahaaye.
7. Oo diida inay ku kaalmeeyaan dadka waxaan dhib ku jirin in loogu kaalmeeyo.

S11: Akhri Suuradda Al-Kowthar oo fasir.

J- Suuradda Al-Kowthar iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Waxaannu ku siinnay (Nabi yahaw) Al-Kawthar (webi Jannada ku yaal iyo khayr tiro badan). 🎧 2. Ee u tuko Rabbigaa Dartiis, oo u gowrac xoolo (adigoo Isaga Keliya Magaciisa ku xusi, uguna dhowaan. 🎧 3. Hubaal nacabkaagu waa kan cidhib go’i. [Suuradda Al-Kowsar: 1-3].
Tafsiirka:

1. Waxaan ku siinnay Rasuul Allow kheyr tiro badan, uu ka mid yahay webiga Kowsar ee Jannada dhex mara.
2. Ee uga mahdi Alle nicmaddan inaad u tukato darti keliya oo wax u gowracdo keligi, si khilaafsan waxay mushrikiinta falaan oo ah inay ugu dhowaadaan gowracooda sanamadooda.
3. Hubaal nacabkaaga waa kan cidhib go’i. Nacabkaaga waa kan uu ka go'i khayr oo dhan ee la hilmaami haddii la xusona lagu xusi xumaan.

S12: Akhri Suuradda Al-Kaafiruun oo fasir.

J- Suuradda Al-Kaafiruun iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Dheh: Gaalooy. 🎧 2. Anigu ma caabudayo waxaad caabudeysaan, 🎧 3. Idinkuna ma caabuddaan Kaan Anigu caabudo (Allaah Keliya). 🎧 4. Aniguna ma caabudayo waxaad idinku caabudeysaan (oo ilaahyo been ah). 🎧 5. Idinkuna ma caabuddaan Kaan anigu caabudo (Alle Weyne kor ahaaye). 🎧 6. Waxaad leedihiin diintiinna iyo camalkiinna, aniguna waxaa leeyahay diinteyda iyo camalkeyga, oo bari ayaan idin ka ahay. [Suuradda Al-Kaafiruun : 1-6].
Tafsiirka:

1. Dheh- Rasuul Alloow-kuwiinan Alle ka gaaloobayoow.
2. Ma caabudayo mana caabudi doono waqtiga soo socda waxaad caabuddaan oo sanamyo ah.
3. Mana ahidin kuwo caabuda midkaan anigu caabudayo oo ah Alle Keligii.
4. Ma caabudayo anigu waxaad caabuddaan oo sanamyo ah.
5. Mana ahidin kuwo caabudaya midka aan anigu caabudo oo ah Alle Keligii.
6. Waxaad leedihiin diintiinna aad been abuurateen iyo hab dhaqankiinna gurracan, aniguna waxaan leeyahay diinteyda uu Alle igu soo dejiyey.

S13: Akhri Suuradda An-Nasar oo fasir.

J- Suuradda An-Nasar iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Markuu yimaado Gargaarka Alle iyo guusha (Furashada Makkah). 🎧 2. Oo aad aragto dadka oo u soo galaya diinta Alle (Islaamka) rac-rac (kooxo), 🎧 3. Markaas ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa, weydiisona Denbi Dhaaf. Hubaal Alle waa Toobad aqbal Badane. [Suuradda An-Nasri: 1- 3].
Tafsiirka:

1. Hadduu yimaado u gargaarka Alle ee diintaada - Rasuul Alloow oo dhacdo Furashada Makkah.
2. "Wa ra-aytan naasa yadkhuluuna fii diinil laahi afwajan 2": Oo aad aragto dadka oo soo galaya Islaamka wafdi wafdi (ururo kooxo ah oo is daba socda).
3. Ogow inay taasi tahay calaamad muujin soo dhowaanshaha dhammaadka howsha laguu soo diray iyo ajashaada, ee ku tasbiixso xamdiga Rabbigaa, adigoo ka mahad naqi nicmadda guusha Alle ku siiyey iyo Furashada Makkah, kana weydiiso denbi dhaaf, waayo waa Toobad aqbalaha, aqbala toobada addoomahiisa oo u denbi dhaafa.

S14: Akhri Suuradda Al-Masad oo fasir.

J- Suuradda Al-Masad iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Ha hoogeen gacmaha Abuu lahab wuuba hoogee 🎧 2. Maalkiisa iyo waxa uu kasbaday ee wiilashiisuna ka mid yihiin mid koodna wax uga tarimaayo aakhiro iyo cadaabkeeda. 🎧 3. Wuxuu geli doonaa Naar olol badan. 🎧 4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta iyo xinta iyo dirdirada badan), 🎧 5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar ah). [Suuradda Al-Masad: 1-5].
Tafsiirka:

1. Waxaa hoogay oo khasaaray labada gacmood ee adeerka Nabiga sallallaahu calayhi wasallam, Abuu Lahab bin Cabdul Muddalib khasaarada camalkiisa darti, waayo wuxuu dhibi jirey Nabiga s.c.w hoog oo ba'a dadaalkiisi ahaa hor joogsiga diinta.
2. Maxay u tareen maalkiisa iyo ilmahiisa? Kama ay celin cadaab, umana keenin naxariis.
3. Wuxuu geli Maalinta Qiyaamaha Naar olol badan, oo ku dhibtoon kuleylkeeda.
4. Waxaa sidoo kale geli Naarta xaaskiisa Um Jamiil ee dhibi jirtay Nabiga s.c.w. iyadoo dhigi jirtay qodxo jidkiisa (Nabiga csw).
5. Qoorteeda waxaa ahaan xadhig adag oo la soohay oo loogu hoggaamin Naarta.

S15: Akhri Suuradda Al-Ikhlaas oo fasir.

J- Suuradda Al-Ikhlaas iyo tafsiirkeeda:
🎧 Waxaan Ku billaabi Magaca Alle ee Naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Dheh: Allaah waa Mid Keliya (Axad ah aan wax shariig ah lahayn). 🎧 2. Allaah waa Sayidka Deeqtoon (ma baahdaha loo wada baahan yahay). 🎧 3. Ma dhalin (ma leh ilmo), lamana dhalin (ma leh waalid - aabbe iyo hooyo - iyo xaas midna). 🎧 1. Ma jiro axad u dhigma (Alle oo la mid ah ama la barbar dhigo). [Suuradda Al-Ikhlaas: 1-4].
Tafsiirka:

1. Dheh - Rasuul Allow - waa Allaah uusan jirin ilaah xaq ah oo aan Isaga aheyn, waa mid keliya.
2. Isagu waa Kan ay u sheegtaan baahidooda uunka oo dhan.
3. Ma leh ilmo Isagaa xumaan ka hufane mana laha waalid midna.
4. Mana jiro cid la mid ah ama u dhiganta oo uunkiisa ka mid ah.

S16: Akhri Suuradda Al-Falaq oo fasir.

J: Suuradda Al-Falaq iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba naxariista.
🎧 1. Dheh: Waxaan ka magan galay Rabbiga oogga (dillaacsha, waa Alle'e), 🎧 2. Waxaan ka magan galay sharka wuxuu abuuray; 🎧 3. Iyo sharka habeenka mugdiga badan markuu mugdigiisa daboolo (samada iyo dhulka dhexdooda). 🎧 4. Iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha (saaxirooyinka iyo sixiroolayaasha). 🎧 5. Iyo sharka xaasidka markuu wax xasdo. [Suuradda Al-Falaq: 1-5].
Tafsiirka:

1. -Nabiyow- dheh waxaan u noqon xagiisa oo isku tiirin Rabbiga subaxa oo magan geli.
2. Ka magan geli sharka wixii dhib leh oo ka mid ah uumankiisa.
3. Waxaan qabsan oo ka magan geli Alle shararka soo baxa habeenkii ee nafley dhul ku socod ah iyo tuugo.
4. Waxaan kaloo ka magan geli sharka saaxirooyinka wax ku afuufa guntimaha.
5. Iyo sharka xaasidka neceb dadka hadduu ku xasdo waxa uu Alle siiyey oo Nicmooyin ah, isagoo jecel iney waayaan oo ka baabba'do oo dhib soo gaaro.

S17: Akhri Suuradda An-Naas oo fasir.

J- Suuradda An-Naas iyo tafsiirkeeda:
🎧 Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba Naxariista.
🎧 1. Dheh: Waxaan magan galay Rabbiga dadka. 🎧 2. Boqorka dadka. 🎧 3. Ilaaha dadka. 🎧 4. Waxaan ka magan galey sharka waswaasiyaha (sheydaanka) soo noqnoqodka badan. 🎧 5. Kaasoo waswaasiya laabaha dadka. 6. (Shaydaankaa) oo jin iyo dadba leh.
eh. [Suuradda An-Naas: 1-6].
Tafsiirka:

1. Dheh - Nabiyow- waxaan isku tiirin Rabbiga dadka, oo magan geli.
2. Kaasoo ah boqorka dadka ee leh kana yeela siduu doono, ma jiro mid iska leh oo aan Isaga aheyn.
3. Alle ee ah midka Keliya ay xaqa ku caabudaan, ma jiro la caabude xaq ah oo aan Alle aheyn.
4. Sharka sheydaanka ku tuura waswaaska dadka.
5. Kaasoo ku tuura waswaas galiyana laabaha dadka.
6. Waswaasiyahaa oo dad iyo jinba leh.
*******

Qaybta xadiiska Nabiga14

Xadiiska Koowaad S1: dhammeystir xadiiskan: "Acmaasha waxaa loo eegaa oo aasaas u ah niyada..." sheegna wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

J: Waxaa laga soo wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibnu Al-Khaddaab Alle ha ka raalli Noqdee inuu yidhi: Waxaan maqlay Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam oo leh: Camal kasta waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa wuxuu gashado, marka qofkii u hijrooda llaahay dartii iyo Rasuulkiisa wuxuu helayaa ajar llaahay. Qofkii u hijrooda inuu adduunyo helo ama haweeney uu rabo guurkeeda, isna waxaa lagu abaal marinayaa niyadiisa oo llaahay ka sugi maayo abaalgud kale” Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Faa’idooyinka laga qaadan xadiiskan:

1. Inaanu camal ansaxeyn niyeysi la’aan (wax kasta oo la qabanayo waxaa lagama maar maan ah inuu marka hore niyada ka yimid), ha ahaato salaad, soon, xaj ama camallada kaleba.
2- Camalka Alle-subxaanahuu watacaalaa- aqbalayo inuu yahay kan Isaga dartii loo falay hagar la’aan, shareecadana waafaqsan.

Xadiiska labaad: S2: Dhammeystir xadiiskan " Qofkii ku soo dara amarkayagan...." oo sheeg wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

Jawaab- Waxaa laga soo weriyay hooyadii Mu’miniinta Um Cabdullaah Caa’isha -Alle ha ka raalli noqdee inay tidhi: wuxuu yidhi Rasuulkii Alle -sallallaahu calayhi wasallam: "Qofkii amarkayagan ku soo dara wax aan ka mid aheyn isagaa lagu celinayaa.” Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Iska reebidda bidcada (wax aan sax aheyn oo diinta lagu soo daro).
2- Camallo kasta oo diinta lagu soo daro waa la celin oo la oggolaan maayo.

Xadiiska seddexaad: S3: Dhammeystir xadiiska "Annagoo la fadhinna Rasuulka Alle-sallallaahu calayhi wasallam.....", oo sheeg wax ka mid ah  faa’idooyinkiisa ?

Jawaab: Waxaa laga soo weriyey Cumar ibnu Al-Khaddaab -Alle ha ka raalli noqdee- inuu yidhi: Maalin annaga oo Nebiga-sallallaahu calayhi wasallam- la fadhinna ayuu nagu soo baxay nin aad u dhar cad aadna u timo madow oo aaney ka muuqan astaan safar (socdaal) nin aqoon u lihina nagu jirin, ilaa uu Nabiga ag-fadhiistay, markaasuu jilbaha jilbaha u saaray, baabacooyinkiisana kor saaray bowdada Nabiga-sallallaahu calayhi wasallam-markaasuu ku yidhi: Muxammadoow wax iiga sheeg lslaamka. Markaasuu Rasuulku yidhi: lslaamku waa inaad qirto inuu ilaah jirin xaq lagu caabudo Alle ma’ahee, Nabi Muxammadna Rasuulkii Alle yahay, inaad oogtid salaadda, bixisid sakada, soontid bisha Ramadaan iyo u xajinta Baytka Alle haddii aad awooddid. Markaasuu yidhi: Run baad sheegtay, markaasaan la yaabnay ninka wax warsanaya ee haddana leh run baad sheegtay. Haddana wuxuu ku yidhi: Ii sheeg Iimaanka. Markaasuu yidhi: Iimaanku waa inaad rumeysid Alle iyo malaa’ig- tiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Qiyaamaha iyo Qaddarka Alle shar iyo kheyrba. Wuxuu yidhi: Run baad sheegtay. Wuxuu yidhi: Haddana ii sheeg Ixsaanka. Wuxuu yidhi: Ixsaanku waa inaad Alle u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isaga ayaa ku arkaya. Wuxuu yidhi: iiga warran saacaddu markay dhacayso. Wuxuu Nabigu yidhi: Ma aha midka la weydiin mid uga aqoon badan kan weydiinaya (Kaagama war rooni). Wuxuu yidhi: iiga warran calaamadaha lagu garto markay soo dhowaato. Wuxuu ku jawaabay: In addoontu dhasho sayidkeeda iyo in dadka kabaha la’a ee qaawan ee saboolka iyo reer baadiyaha ahaa ku tartamaan sara/dabaqyada dhismahooda, Markaasuu iska tegey. Markuu Nabigu cabbaar aamusnaa ayuu yidhi: Cumarow, ma garanaysay ninkii wax warsanayey? Markaasaan idhi; Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa og. Wuxuu Nabigu-sallallaahu calayhi wasallam-yidhi: Wuxuu ahaa Jibriil, oo idiinku yimid inuu idin baro diintiinna). Waxaa soo weriyey Muslim.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiska:

1-Xusidda tiirarka Islaamka ee shanta ah; oo ah:
- Qiritaanka in ilaah xaq lagu caabudaa jirin Alle maahee, Muxammadna yahay Rasuulkii Alle.
- Oogidda salaadda.
- Bixinta Sakada.
- Soomidda Bisha Ramadaan.
- U xajinta Beytka Alle ee xurmadda gaarka ah leh (Kacbada).
2- Xusidda tiirarka Iimaanka, waana lix:
- Rumeynta Alle.
- Malaa’igtiisa.
- Kutubtiisa.
- Rusushiisa.
- Maalinta Aakhiro (Qiyaamaha).
Iyo Qaddarka Alle kheyrkiisa iyo sharkiisa.
3. Xusidda tiirka ixsaanka, waana tiir keliya, waana inaad Alla u caabuddid sidii adigoo arkaya, maxaa yeelay, haddii aadan arkeyn isaga ayaa ku arkaya.
4. Waqtiga Qiyaamuhu dhacayo, ma jiro axad ogsoon oo aan aheyn Allaah kor ahaaye.

Xadiiska afraad: S4: Dhammeystir xadiiska: Waxaa mu’miniinta ugu iimaan dhammeystiran..." oo sheeg wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

Jawaab: Abuu Hurayrah-Allaha ka raalli noqdee -waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuulka Alle-sallallaahu calayhi wasalam-  wuxuu yidhi: "Mu'miniinta waxaa ugu Iimaan dhammeystiran: Kooda ugu dabeecadda fiican". Waxaa soo weriyey At-Tirmidhi oo yidhi: waa xadiis sened wanaagsan saxiix ah.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Isku boorrinta debciga wanaagsan.
2. In dabeecad wanaagga oo dhammi astaan u tahay iimaan dhammeystiran.
3. Iimaanku wuu kordhaa waanu naaqusmaa (yaraadaa).

Xadiiska shanaad: S5: dhammeystir xadiiskan: "Qofkii ku dhaarta Alle wax aan ahayn.." Oo sheeg wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

Jawaab: Ibnu Cumar-Allaha ka raalli noqdee- waxaa laga soo weriyey in uu Nabigu-sallallaahu calayhi wasallam- yidhi: "Qofkii ku dhaarta wax aan Alle ahayn waa qof ku dhacay gaalinmo ama shirki". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

- Ma bannaana ku dhaarashada waxaan Alle aheyn kor ahaaye.
- Ku dhaarashada cid aan Alle aheyn waa shirki yar.

Xadiiska lixaad: S6: Dhammeystir xadiiskan: (Ma rumeyn midkiin (Alle) jeer aan ahaado midka uu ugu jecel yahay..) sheegna wax ka mid ah faa'iidooyinka laga qaadanayo?

Jawaab: Anas- Allaha ka raalli noqdee -wuxuu yidhi: Rasuulkii Alle sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Midkiin ma rumeyn Alle jeer uu i jeclaado in ka badan waalidki, ilmahiisa, iyo dadkoo dhammi". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

- Waa waajib maxabbada Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- in ka badan dadka oo dhan.
- Arrinkaasi wuxuu muujinayaa dhammeystirka wanaagga rumeynta Alle (Iimaanka).

Xadiiska toddobaad: S7: Dhammeystir xadiiskan: Qofka iimaankiisu ma kaamil noqdo ilaa uu la jeclaado walaalkii.. Sheegna wax ka mid ah faa’idooyinkiisa.

Jawaab:  Waxaa laga soo weriyay Anas ibnu Maalik -Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi: Rasuulka Alle -sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Ma rumeyn qofkiin (iimaan dhab ah) ilaa uu la jeclaado walaalkii waxa uu naftiisa la jecel yahay.”  Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

- Qofka mu'minka ah waxaa saaran inuu la jeclaado mu'miniinta kheyr sida uu ula jecel yahay naftiisa oo kale.
- Waana sidaas sida uu Iimaanka ku kaamil noqdo.

Xadiiska siddeedaad: S8: Dhammeystir xadiiskan: "Waxaan ku dhaartay Kan ay nafteydu Gacantiisa ku jirto......." sheegna wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

Jawaab: Abuu Saciid -Allaha ka raalli noqdee wuxuu ka soo weriyey Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam inuu yidhi: "Waxaan ku dhaartay Kan ay nafteydu Gacantiisa ku jirtee Waxay u dhigantaa Qur'aanka seddex meelood meel". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Fadliga Suuradda Al-Ikhlaas.
2. Iyo inay u dhiganto Qur’aanka seddex meelood meel.

Xadiiska sagaalaad: S9: Dhammeystir xadiiskan: " Laa xawla walaa quwwata illaa billaahi...." sheegna wax ka mida faa’idooyinkiisa.-

Jawaab: Abuu Muusaa -Allaha ka raalli noqdee- wuxuu yidhi, Rasuulka Alle-Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Laa xawla walaa quwata illaa billaah waa kayd ka mid ah kaydadka Jannada". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Fadliga ay leedahay weedhani iyo inay tahay kayd ka mid ah keydadka Jannada.
2. Iska barii yeelidda addoonka xeeladda iyo xooggiisa, iyo ku tiirsanaamtiisa Alle oo keliya.

Xadiiska tobnaad: S10: Dhammeystir xadiiskan: "Ogaada, jirka waxaa ku jira waslad..." sheegna wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

Jawaab: Waxaa laga soo weriyay An-Nucmaan ibn Bashiir-Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi: Waxaan maqley Rasuulka Alle Sallallaahu calayhi wasallam. oo leh: "Ogaada, jirka waxaa ku jirta waslad hadday hagaagto jirkoo dhan baa hagaaga, hadday xumaatana jirkoo dhan baa xumaada. Ogaada taasi waa qalbigee.” Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Suubbanaanta qalbiga iyo wanaagsanaantiisa waxaa ku sugan suubbanaanta iyo wanaagga dusha (daahirka) iyo gudaha (uurka).
2- In lagu dadaalo daryeelka qalbiga waayo waxaa ku xiran wanaagga qofka.

Xadiiska kow iyo tobnaad: S11: Dhammeystir xadiiskan: Qofka hadalkiisa ugu dambeeya intaanu dhiman oo ka bixin adduunka uu ahaado laa ilaaha illallaah...." sheegna wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

Jawaab: Mucaad bin Jabal Allaha ka raalli noqdee wuxuu yidhi: Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Qofkuu ahaado hadalkiisa ugu dambeeya adduunka: laa ilaaha illal laah, wuxuu geli Jannada". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Fadliga laa ilaaha Illallaah, iyo inuu addoonku ku geli Jannada.
2- Iyo Fadliga qofka hadalkiisa ugu dambeeya adduunka uu ahaado laa ilaaha Illallaah.

Xadiiska labo iyo tobnaad: S12: Dhammeystir xadiiskan: " Mu'minku ma aha wax xun sheeg, lacnid badan .." sheegna wax ka mid faa’idooyinkiisa?

Jawaab: Cabdullaahi bin Mascuud Allaha ka raalli noqdee. wuxuu yidhi: Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:" "Mu'minku ma aha mid durid badan, nacdal badan (habaar badan, xishood daran,af xumo badan." Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.
Faa’idooyin laga qaadan xadiiska:

- iska reebidda hadal kastoo been ah iyo hadal kastoo xun.
-Taasi waa tilmaanta Mu'minka xagga carrabkiisa.

Xadiiska seddex iyo tobnaad: S13: dhammeystir xadiiskan: " Qofka lslaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah ..." sheegna wax ka mid ah faa’idooyinkiisa?

Jawaab: Waxaa laga soo weriyey Abuu Hureyrah-Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi: Rasuulka Alle s.c.w. wuxuu yidhi: "Qofka lslaam wanaaggiisa waxaa ka mid ah inaanu faraha la gelin arrimo aanu khuseyn oo uusan shaqo ku lahayn". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo qeyrki.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Waa inuusan qofka afka iyo faraha la gelin arrimo aan khuseyn ee dad kale khuseeya ha ahaato diintooda ama adduunkooda.
2. Qofka oo aan afka iyo faraha la gelin wax aan khuseyn waxay muujin dhammeystirnaanta islaamnimadiisa.

Xadiiska afar iyo tobnaad: S14: Dhammeystir xadiiska: "Qofkii akhriya xaraf ka mid ah Kitaabka Alle..." sheegna wax ka mid ah faa’idooyinkiisa.

Jawaab: Cabdullaahi bin Mascuud -Allaha ka raalli noqdee- waxaa laga soo weriyey in Nabigu sallallaahu calayhi wasallam yidhi: "Qofkii akhriya xaraf ka mid ah Kitaabka Alle wuxuu ku mutaa xasano, xasanaduna waa toban jibbaarkeed, ma lihi alif laam miim waa xaraf, laakiin alif waa xaraf, laamna waa xaraf, miimkuna waa xaraf". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.
Faa’idooyinka laga qaadanayo xadiiskan:

1. Fadliga akhrinta Qur'aanka.
2. Iyo in xaraf kasta oo aad ka akhrido Qur’aanka ka heleysid xasanaad.
*******

Qaybta Aadabta Islaamka27

Adaabta la dooni inaad kula dhaqanto Alle kor ahaaye: S1: Waa sidee inaad edeb kula dhaqanto Alle kor ahaaye?

Jawaab: 1. Waa inaad weyneyso Alle xurmaysana Isagaa xumaan ka hufane. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Mayna u qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay, isagoo dhulka dhammaantii uu gacantiisa ku jiraayo Maalinta Qiyaamaha, samooyinkuna ku duuban yihiin Midigtiisa, Isagaa nusqaan iyo waxa ay ugu shariig yeelayaanba ka hufane." [Az-Zumar: 67].
2. In Alle Keliya la caabudo oo aan waxba lala wadaajin cibaadada. Alle xumaan ka hufane wuxuu yidhi: "Lama amrin waxaan aheyn inay Alle keliya caabudaan iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo xaqa ku toosan". [Al-Bayyinah: 5].
3. In la Addeeco (loo hoggaansanaado). Alle kor ahaaye waxuu yidhi: "Kuwa xaqa rumeeyoow, addeeca (u hoggaansama) Alle" [Suuradda Muxammad: 33].
4. Inaan lagu caasiyin. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Waa inaan lagu caasin. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Qofkii ku caasiya Alle iyo Rasuulkiisa oo ka tallaaba xuduuddiisa, wuxuu gelin Naar isagoo ku dhex waaraya weligii; wuxuuna leeyahay cadaab dulleysa". [Suuradda An-Nisaa: 14]
5. Ku mahdintiisa iyo uga xamdi naqiisa wax walba kor ahaaye Alle, Fadliga uu ku siiyey awgii iyo Nicmooyinkiisa aan la koobi karin. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: "Ka mahad naqa Nicmadda Alle haddaad tihiin kuwo Isaga Keliya caabuda". [Suuradda An-Naxal: 114].
6- ku samridda Qaddarka Alle. Alle hufnaaye wuxuu yidhi: "Oo samir yeesha. Alle wuxuu la jiraa kuwa samra". [Suuradda Al-Anfaal: 46].

Adaabta la doonayo inaad kula dhaqanto Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam. S2: Waa sidee edebta/aadaabta la doonayo inaad kula dhaqanto Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam.?

Jawaab: Waa inaad raacdo oo ku dayato. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan. [Suuradda Al-Axzaab: 21].
2. Waa inaad addeecdo (u hoggaansanto).
3. Waa inaadan ku caasin. Allah kor ahaaye wuxuu yidhi: (Qofkii addeeca Rasuulka, wuxuu Addeecay Allaah, qofkii (Xaqa ka) jeestase, Annagu kuuma aanu soo dirin ilaaliye inaad ka ahaato (dadka) dushooda (annaga noo daa kuwa ku diida). [Suuradda An-Nisaa: 80].
4. Waa inaad rumeyso warkiisa iyo wuxuu sheegay. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Ma ku hadlo hawadiisa (wuxuu isagu doono) Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday) [Suuradda An-Najam 3-4].
5. Waa inaadan ku soo darin sunnadiisa wax aan ka mid aheyn oo cusub. Nabigu sallallaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi: "Qofkii amarkayagan (diinta Ilaahay) ku soo dara wax aan ka mid aheyn isagaa lagu celineyaa oo laga oggolaan maayo.” Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
6. Waa inaad u jeclaato si ka badan naftaada iyo dadka oo dhan. Nabigu sallallaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi: "Midkiin ma rumeyn Alle jeer uu i jeclaado in ka badan waalidki, ilmahiisa, iyo dadkoo dhan". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
7. Waa inaad weyneyso oo u gargaarto una gargaartid Sunnadiisa. Alle nusqaan ka hufane wuxuu yidhi: (Si aad (dadoow) u rumeysaan Alle iyo Rasuulkiisa oo ugu gargaartaan oo aad u qaddarisaan, iyo inaad xurmaysaan). [Suuradda Al-Fatax: 9].

Edebta la dooni in lagula dhaqmo labada waalid: S3: Waa sidee edebta lagula dhaqmayo waalidiinta?

J: 1. In lagu addeeco waalidka waxaan aheyn macsi.
2- U adeegga labada waalid.
3. U kaalmeynta waalidka.
4. U qabashada danaha waalidka iyo waxay u baahan yihiin.
5. U duceynta waalidka.
6. Inaad kula hadasho hadal edeb leh oo ma bannaana inaad tidhaahdo: "uf" oo ah waxa ugu yar ee lagu hadlo.
7- Inaad u muusooto oo u dhoolla caddeyso labada waalid oo aadan wejiga kaduudin.
8- Waa inaanan codkeyga ka kor marin codka waalidka oo ku qeylin oo si fiican u dhageysto, oo iyagoo hadlaya ka kala goyn hadalka, waana inaan ugu yeedhin magacyadooda balse aan idhaahdo "Aabbo" " Hooyo".
9. Waa inaan oggolaansho iyo idan weydiisto intaanan u gelin aabbahay iyo hooyaday iyagoo ku jira qolka.
10- Dhunkashada gacanta iyo madaxa waalidka.
Alle Kor ahaaye wuxuu yidhi :
(Wuxuu go'aanshey Rabbigaa ineydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo inaad u sama fashaan labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darra ah haba ahaatee “uf”, hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh. U raarici (waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyoow Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar. [Suuradda Al-Israa: 23-24].
Waxaana ku soo arooray xadiis nin baa u yimid Nabiga -sallallaahu calayhi wasallam- isagoo weydiisanaya in loo oggolaado ka qeyb galka jihaadka, markaasuu Nabigu -sallallaahu calayhi wasallam yidhi: ( "Ma nool yihiin labadaadii waalid? Wuxuu ninkii yidhi: Haa. Nabigu -sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: iyaga dadaal ku bixi oo u adeeg oo qabo danahooda oo diyaar ku ahow agtooda si aad ugu adeegto. Waxaa soo weriyey  At-Tirmidi.

Adaabta xiriirinta qaraabada: S4: Sidee u xiriiriyaa qaraabadayda?

J:1. Ziyaarada (qaraabo salaanka ehelada) oo leh walaal iyo walaaley, adeer iyo eeddo, abti iyo habar yar iyo qaraabada kaleba.
2. Ugu wanaag falkooda hadal iyo ficilba iyo u kaalmeyntooda.
3- Waxaa ka mid ah inaad la xiriirto oo aad ka wareysato xaalkooda.
Alle Kor ahaaye wuxuu yidhi:
Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan, inaad fasahaadisaan (xumaan ku sameysaan) dhulka dushiisa, oo goysaan qaraabadiinna?
Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacdalay, markaasuu ka dhego iyo indho tiray (Xaqa). [Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23.)
Iyo tixraac xadiiska:
(Ma galo jannada qof qaraabo goys ah). Waxaa soo weriyey Muslim.

Aadaabta ay iskula dhaqmaan walaalaha Alle (muslimiinta dhexdooda): S5: Sidee ula dhaqmayaa walaalahay iyo saaxiibbaday?

J:1. Waan jeclaan oo la saaxiibi akhyaarta (dadka kuwa wanaagsan).
2. Waan ka dheeraan oo ka tegi saaxiibtinnimada dadka xun ee ehlu sharka ah. Tixraac xadiiska: (Ha la saaxiibin waxaan aheyn mu'min oo yaanu cunin cuntadaada cid aan aheyn taqi Alle ka cabsada). Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
3. Waan salaami walaalahay oo gacan qaadi. Tixraac xadiiska: (Ma jiraan labo Muslim ah oo intay kulmaan is gacan qaada oo isa salaama illaa waa loo denbi dhaafaa ka hor  intaysan kala tegin). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.
4. Waan booqan hadday bukoodaan oo ugu duceyn caafimaad.
5. Oo u duceyn qofkii hindhisa.
6. Waan ka oggolaan hadday iigu yeedhaan casumaad. Tixraac xadiiska: (Xaqa uu Muslimku ku leeyahay qofka kale ee Muslimka ah waa shan: inuu ka qaado salaanta, inuu booqdo bukaanka, inuu raaco janaasadiisa, inuu oggolaado casumaaddiisa, inuu u duceeyo qofka hindhisa). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
7. Waan u naseexayn (wanaag sheegi) si daacadnimo ah. Tixraac xadiiska: (Qofkii u tilmaama walaalkii arrin uu og yahay inuu wanaag u laheyn, wuu khiyaamay). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
8. Waan u gargaari hadduu wax dulmiyo oo ka qaban dulmiga uu geysan. Rasuulkii Alle -sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: (U hiilli walaalkaa hadduu gar daran yahay iyo haddii laga gardarran yahayba). Nin baa wuxuu yidhi: Rasuul Allow, waan u hiillin haddii la dulmiyo, ka warran hadduu gar daran yahay sidee baan ugu hiillin? Wuxuu yidhi: Waxaad ka qaban oo ka celin dulmiga waa sidaas u hiillintu markaa). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
9. Waxaan la jeclaan walaalkayga Muslimka ah Waxaan la jeclahay nafteyda. Tixraac xadiiska Anas inuu Nabigu -sallallaahu calayhi wasallam- yidhi: (Midkiin ma aha mu'min jeer uu la jeclaado walaalkii waxa uu la jecel yahay naftiisa). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
10. Waan kaalmeyn hadduu iiga baahdo kaalmo. Tixraac xadiiska: (Alle wuu kaalmeyn addoonkiisa inta uu addoonku u kaalmeynayo walaalkii). Waxaa soo weriyey Muslim.
11- Uma geysanayo wax dhibaato ah hadal ama gacan. 11. Uma geysanayo wax dhibaato ah qowl ama ficil. Tixraac xadiiska: (Muslimku waa kan ay ka nabad galaan Muslimiintu carrabkiisa iyo gacantiisa). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
12- Waan xafidi sirtiisa. Tixraac xadiiska: (Hadduu qof kuu warramo oo geesaha dhugto waa amaano hadalkiisa). Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
13. Ma caayayo, ma xamanayo, ma xaqirayo, ma xasdayo, ma jaasuusayo, mana khiyaamayo.
Tixraac xadiiska:
(Muslimku waa walaalka muslimka,  ma dulmiyo, mana hagrado, ma quudhsado, waxaa qofka ugu filan shar inuu quudhsado walaalkiisa Muslimka ah). Waxaa soo weriyey Al Bukhaari iyo Muslim.

Adaabta deris wanaagga. S6: Waa maxay adaabta la dhaqanka jaarka (deriska)?

J: 1. Waan wanaajin deriska hadal iyo wax qabadba, u kaalmeyn hadduu iiga baahdo kaalmo.
2. Waan ugu tahniyadeyn farxadda ciidda iyo guurka ama qeyrkood munaasabadaha.
3. Waan booqan hadduu jirrado oo u tacsiyeyn hadday musiibo ku dhacdo.
4. Waxaan wax ka siin waxaan sameeyo oo cunto ah intaan awoodo.
5. Uma geysanayo wax dhibaato ah oo hadal ama ficil ah.
6- Kuma dhibaateynayo cod dheer ama inaan ceebahiisa raadiyo, waana u samri dhibkiisa oo u dul qaadan.
Alle Kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada cid kale, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha, masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah, saaxiibka ku dhinac deggan, musaafirka (go’doonsan, qaxootiga, ajaanibta), iyo kuwa ay gacmihiinna midig hantaan (Addoomadiina). Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan). [Suuradda An-Nisaa 36].
Rasuulkii Alle -sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Abuu Daroow, markaad karineyso maraq badi biyihiisa oo ogow deriskaaga". Waxaa soo weriyey Muslim.
Iyo tixraac xadiiska laga soo weriyey Nabiga sallallaahu calayhi wasallam-: Waxaa laga soo weriyey Nabiga s.c.w. inuu yidhi: (Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro waa inuusan dhibin deriskiisa). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

Aadaabta marti gelinta S7: Waa maxay aadaabta marti gelinta iyo martida?

J: 1. Waan ka oggolaan qofkii iigu yeedha casumaad iyo marti gelin.
2. Haddaad dooneysid inaad cid siyaarato weydiiso idan oo ka qaado ballan waqtiga aad booqaneysid ah.
J:
1. Waan ka yeeli qofkii iigu yeera casumaad.
2. Haddaan rabo inaan qof siyaarto waxaan ka qaadan idan iyo ballan.





3. Weydiiso oggolaansho intaadan gelin ka hor.
4-Ku daahimaayo booqashada.
5-Waan ka laabi indhahayga dadka guriga ku nool markaan booqanayo.
6. Waan soo dhowayn martida oo ku qaabili qaabilaad wanaagsan iyo weji furnaan iyo erayada ugu wanaagsan ee soo dhoweyn ah.
7. Waxaan Fadhiisin martida halka ugu wanaagsan fadhiga.
8. Waxaaan Ku maamuusi cunto iyo cabbitaan wanaagsan.
Alle Kor ahaaye wuxuu yidhi:
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Kuwa Xaqa rumeeyow, ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda, sidaasaa idiin khayr badan, inaad xasuusataan oo ku waano qaadataan). [Suuradda An-Nuur :27].
Iyo xadiiska:
(Alle wuxuu u yeelay idan qaadashada aragga dartii (in qofku isku diyaariyo soo galiddaada oo is asturo). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Iyo qowlka Nabiga -sallallaahu calayhi wasallam: (Qofkii rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro ha maamuuso martidiisa). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

Aadaabta jirrada/bukaanka. S8: Waa maxay aadaabta jirrada iyo soo booqashada bukaanka?

J: 1. Markaan dareemo xanuun, waxaan saarayaa gacantayda midig meesha layga hayo waxaan odhan: "Bismillaah" seddex jeer, waxaana odhan "Acuudu bicizzatillaahi wa qudratihii min sharri ma ajidu wa ‘uxaadir"oo macnaheedu yahay: “Magaca Alle. waxaan uga magan galayaa Alle, iyo Awooddiisa waxa i haya ee aan dareemayo sharkiisa iyo waxa aan ka digtoonahayba”. waxaad odhan toddobo jeer.
2- Waxaan ku raalli ahaan waxa uu Alle qaddaray oo samri.  Xadiiska Ummul-Calaa waxay tidhi: Waxaa i soo booqday Rasuulka Alle -sallallaahu calayhi wasallam- anigoo buka, markaasuu wuxuu yidhi: (Bishaareyso Ummul- Calaayeey, waayo jirrada qofka Muslimka wuxuu Alle kaga saaraa denbiyadiisa sida uu dabku kaga saaro qashinka dahabka iyo fiddada). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
3. Waxaan u deg-degi booqashada walaalkeyga buka, oo u duceyn, mana ag fadhineyo muddo dheer.
4. Waxaan ku tufi oo ku akhriyi ruqyad (Qur'aan dawo ahaan) isagoon iga dalbin.
5. Waxaan kula dardaarmi samirka iyo ducada, iyo salaadda iyo dahaarada intii awooddiisa ah.
6- U duceynta qofka buka: 6.  U duceynta qofka buka: As-alullaahal Cadiim Rabbal Carshil-Cadiim an yashfiyaka (Toddobo jeer) Waxaan weydiisanayaa Alle Weyne oo ah Rabbiga Carshiga Weyn in uu ku bogsiiyo. (Toddobo jeer)

Aadaabta cilmi dalabka (barashada cilmiga): S9: Waa maxay aadaabta barashada cilmigu?

J: 1. Niyadda oo loo gaar iyo gooni yeelo Alle Weyne. Tixraac xadiiska Nabiga -sallallaahu calayhi wasallam-: (Qofkii cilmi u barta inuu ugu faano culimada oo kula doodo makasta, oo dadka wejiyadiisa xaggiisa u soo jeediyo wuxuu Alle gelin Jahannama). Waxaa soo weriyey ibnu Maajah.
2. Waxaan ku camal fali cilmigaan bartay. Tixraac xadiiska: (Qofku kama dhaqaaqayo meesha cagtiisu saaran tahay Maalinta Qiyaamaha ilaa la weydiiyo afar-su'aalood-: wuxuuna sheegay oo ka mid ahaa cilmigiisa muxuu ka yeelay oo ma ku camal falay). Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Ad-Daarami. Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Ad-Daarami.
3. Waan ixtiraami macallinka oo qaddarin markuu joogo iyo markuu maqan yahayba.
4. Waxaan u fariisan hortiisa si edeb leh.
5. Waxaan u dhageysan si fiican mana ka kala goynayo darsigiisa.

6. Si edeb leh baan wax u su'aali
6 - Si edeb leh baan wax u weydiin.
7. Uguma yeerayo magaciisa.
Tixraac xadiiska:
(Waxaa ka mid ah weyneynta Alle sharfidda Muslimka cirrada leh (qofka weyn) iyo qofka Qur’aanka yaqaan ee ku camal fala). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

Adaabta fadhiga S10: Waa maxay aadaabta fadhigu?

J: 1. Waxaan salaami dadka fadhiga ku sugan.
2. Waxaan fadhiisan halkuu fadhiga i geeyo oo bannaan, qofna kama kicineyo fadhigiisa mana fadhiisanayo labo qof dhexdooda inay ii oggolaadaan maahee.
3. Waxaan balaadhin goobta fadhiga si uu u fadhiisto qof kale.
4- Ma ka kala goynayo hadalka fadhiga.
5- Waxaan weydiisan idan oo salaami dadka intaan ka tegin fadhiga.
 Waxaa laga soo weriyey Ibnu Cumar -Allaha ka raalli noqdee- in Nabigu- sallallaahu calayhi wasallam- "Wuxuu reebay in qof laga kiciyo fadhigiisa, oo qof kale fadhiisto, laakiin ballaadhiya oo isu banneeya fadhiga." Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari
Tixraac xadiiska:
Tixraac xadiiska: (Markuu midkiin soo galo fadhi waa inuu dadka salaamo, markuu doono inuu kaco oo tago waa inuu salaamo sidoo kale, midda hore kama xaq badna midda dambe). Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
6. Markuu dhammaado fadhigu oo la kala tagayo waxaan ku duceysan ducada kafaarada (dembi dhaafka) fadhiga oo ah: Subxaanakallaahumma wa bixamdika ash-hadu an laa ilaaha illaa anta astaqfiruka wa atuubu ilayk.
Allow waad ka hufan tahay xumaan, Ammaan iyo Mahadna Adaa leh, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Adiga mooyee, denbi dhaaf ayaan ku weydiisanayaa, waana kuu toobad keenayaa".

Aadaabta hurdada: S11: Waa maxay aadaabta hurdadu?

J- 1- Horay baan u seexan. 1. Waxaan seexan goor hore. Tixraac xadiiska: Waxaa laga soo weriyey Abuu Barzah a.k.r.in Rasuulka Alle s c.w. uu necbaa seexashada cishaha ka hor iyo skeekada cishsha kaddib". Abuu Barzah waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- uu necbaa seexashada salaadda Cishaha ka hor iyo sheekada Cishaha kadib. Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
2. Waxaan seexan anigoo weysa qaba oo daahir ah.
3. Ma seexanayo anigoo caloosha u hurda (beerka u jiifa).
4. Waxaan u seexan dhinaceyga midig, waxaana dhigi gacantayda midig dhabankeyga midig hoostiisa.
5. Waxaan jafi /gacanta marin firaashkeyga.
Waxaa ku soo arooray xadiis:
Waxaa laga soo weriyey Al-Baraa bin Caazib inuu yidhi: Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Waxaa laga soo weriyey Al-Baraa bin Caazib a.k r. Inuu yidhi: Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: "Markaad dooni inaad seexato weysyso sida u weeso qaadashada salaadda, kaddib u jiifso dhankaaga midig. Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Abuu Hurayra -Allaha ka raalli noqdee- wuxuu yidhi: Wuxuu arkay Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- nin u jiifa caloosha markaasuu wuxuu yidhi: (Jiifka sidan ah Alle ma jecla). Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Axmad.
Nabigu sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
(Markuu qofku u hoyanayo firaashkiisa ha ku jafo (hurgufo) firaashkiisa cidhifka go'iisa, waayo ma oga waxa u daba maray (sida cayayaan, iwm). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
6. Waxaan akhrin adkaarta hurdada, sida Aayatul Kursiga, Suuradda Al-Ikhlaas, iyo labada Mucawadateyn seddex jeer. Waxaana odhan: "Bismika Allaahumma amuutu wa axyaa" .
"Magacaaga ayaan Allow ku dhiman kuna noolaan"
7. Waxaan u soo kici salaadda Subax.
8. Waxaana odhan markaan ka soo kaco hurdada:" "Al-xamdu lillaahi alladii axyaanaa bacda maa amaatanaa, wa ilayhinnushuur". "Ammaan iyo Mahad idilkeed waxaa iska leh Alle ee na nooleeyay intuu na oofsaday kaddib, Xaggiisuuna ahaaday soo bixitaanku (Maalinta Qiyaamaha".

Aadaabta cuntada S13: Waa maxay aadaabta cuntadu?

J: 1. Waxaan u niyoon cuniddeyda iyo cabbitaan- kaygaba inaan daacada Alle ugu xoogaysto.
2- Dhaqidda labada gacmood ka hor cunista.
Tixraac xadiiska Caa'ishah- Allaha ka raalli noqdee- in Rasuulka Alle - Sallallaahu calayhi wasallam: (Markuu doono inuu wax cuno oo cabbo wuxuu meyri jirey gacmihiisa markaasuu wax cunayey oo cabbayey). Waxaa soo weriyey Axmad.
3- Waxaan odhan: "Bismillaah", oo wax ku cuni gacanteyda midig oo cuni waxa soo xiga xaggeyga, waxna kama cunayo weelka bartankiisa ama qof kale dhinaciisa.
Tixraac xadiiska:
(Maandhow, dheh Bismillaah, oo ku cun midigtaada, oo cun waxa ku soo xiga). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
4- Haddaan illaawo bisinka waxaan odhan: Bismillaah awaluhu wa'akhiruhu".
Tixraac xadiiska Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee-. waxay tidhi: Rasuulka Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Markuu cunayo midkiin cunto, waa inuu yidhaahdo Bismillaah, hadduu illaawo billowga, ha yidhaahdo Bismillaah fii awalihi wa'akhirihi". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Axmad.
5. Waxaan ku raalli ahaan wixii la heli karo cunto, wax ceeb ahna kama sheegayo cunto, haddaan u bogo waan cuni, haddaan u boginna waa iska dayn.
- Tixraac xadiiska Abuu Hurayra-Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi:  Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- kama sheegin ceeb cunto waligii, hadduu jecleysto wuu cunayey, haddii kale wuu iska dayn jiray. Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
6. Waxaan cuni dhowr luqmadood/qaadasho, mana cunayo in badan.
Waxaa ku soo arooray xadiis:
(Ma buuxiyo qof aadmi ah weel ka shar badan calooshiisa, waxaa ku filan aadmiga dhowr luqmadood oo toosiya dhabarkiisa, hadday naftiisa ka xoog badiso, seddex meelood meel ha u daayo cuntadiisa, seddex meelood meel cabbiddiisa, iyo seddex meelood meel neefsashadiisa) Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.
7. Ma afuufayo cuntada ama cabbitaanka waana sugi ilaa uu qaboobo.
Tixraac xadiiska:
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuu naga reebey afuufidda cuntada iyo cabbitaanka). Waxaa soo weriyey Axmad iyo ibnu Maajah.
8. Waxaan la wadaagi cuntada dadka sida ehelkeyga ama marti.
 Tixraac xadiiska in nin ku yidhi Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam-: Wax baan cunnaa mana dheregno, wuxuu yidhi: (Waa intaasoo aad cuntada cuntaan kala jir (keli keli), ee ku cuna wadajir oo ku xusa Magaca Alle kor ahaaye si la idiinku barakeeyo). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.
9. Ma billaabayo cunidda ka hor dadka ay ka mid yihiin dadka kuwa iga da' weyn.
10. Waxaan odhan Bismillaah markaan doono inaan wax cabbo, waxaana wax cabbi anigoo fadhiya, waxaan cabbidda u kala qeybin seddex mar oo mar keliya wada cabbi maayo, mana ku neefsanayo weelka aan ka cabbayo.
Tixraac xadiiska:
(Markuu doono midkiin inuu wax cabbo waa inuusan ku neefsan weelka uu wax ka cabbayo). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Iyo xadiiska Anas Allaha ka raalli noqdee, (Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuu u diiday dadka inay taagni wax ku cabbaan). Waxaa soo weriyey Muslim.
Iyo xadiiska:
(Rasuulka- Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu  u neefsan jiray (nasan) jirey cabbitaanka seddex jeer). Waxaa soo weriyey Muslim.
11. Waxaan ku xamdin oo mahadin Alle markaan bogo/dhammeysto cunidda cuntada ama cabbitaanka.
Waxaa ku soo arooray xadiis:
(Alle wuu kaga raalli noqdaa qofka markuu cuno cunto oo ku xamdiya ama cabbo cabbitaan oo ku xamdiya -oo yidhaahda Al-Xamdulillaah). Waxaa soo weriyey Muslim.

Adaabta labbiska S13: Waa maxay aadaabta labbisku?

J: 1. Waxaan ka billaabi xirashada dharka dhanka midigta, waxaana uga xamdi iyo mahad naqi arrinkaa Alle.
 Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah- Allaha ka raalli noqdee- inuu yidhi: Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah a.k.r. wuxuu yidhi: Rasuulka
Alle s.c.w. wuxuu yidhi: (Markaad gashaneysaan dharka iyo markaad weysaysanaysaanba ka billaaba dhinacyadiinna midig). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad.
2- Ma dheereynayo toobka (khamiiska) oo ma dhaafineyo labada anqow.
Waxaa ku soo arooray xadiis:
(Wixii ka hoos mara aanqowga ee - dharka ay raggu xidhaan ah- naartuu ku sugan yahay- macnaha waa lagu naar galaa dharka raggu xidhaan oo ilaa dhulka sii daayo). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari. Labada aanqow waa labada lafood ee soo buuran labada dhinac ee cagta.
Waa inayan xidhan wiilashu dharka gabdhaha, gabdhuhuna xidhan dharka wiilasha.
Tixraac xadiiska:
(Rasuulka -Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuu nacladay ninka xidha labbiska dumarka, iyo haweeneyda xirata labbiska ninka). "Rasuulka Alle s.c w wuu nacladay ninka labbista dharka haweenka, iyo haweenta labbisata  dharka ragga" Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad.
4. Waa inaan la xidhan wax u eg oo shabbaha labbiska gaalada ama ehlu fusuqa.
Tixraac xadiiska:
(Qofkii isu ekeysiiya cid kale iyaguu ka mid yahay). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
5. Waa inaad tidhaahdo Bismillaah markaad iska siibeyso dharka.
Waxaa ku soo arooray xadiis:
(Waxaa kala astura cowradaha dadka iyo jinka markuu midkiin iska bixinayo dharka inuu yidhaahdo 'Bismillaah'.  Waxaa soo weriyey Ad-Dabaraani iyo ibnu abuu Shaybah.
6. Inaad kabaha hor galiso midigta, markaad iska siibeysana kabaha aad hormariso bidixda.
Tixraac xadiiska hooyadii mu'miniinta Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee- waxay tidhi: (Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu jeclaa oo sameyn jirey inuu hormariyo dhanka midigta markuu gashanayo kabaha, markuu shanleysanayo, markuu weysaysanayo iyo arrimihiisa oo dhan)
. Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.

Aadaabta fuulidda gaadiidka ama wax kasta oo dhabarkooda la fuulo: S14: Waa maxay aadaabta fuulidda gaadiidku?

J: 1. Waxaan odhan: "Bismillaah, alxamdu lillaah", (Magaca Alle ayaan ku fuulayaa, Ammaan iyo Mahadna Alle ayaa leh", "Subxaanalladii sakhkhara lanaa haadaa, wa maa kunnaa lahu muqriniin",
(Waxaa xumaan ka hufan Alle ee noo sahley kan, mana ahaaneen kuwo kara leyligiisa, Wa innaa ilaa rabbinaa la munqalibuun", (Annaguna xagga Rabbigeen ayaan u gaddoomeynaa (noqoneynaa)
. (Suuradda Az-Zukhruf: 13, 14).
2. Markaan soo ag maro qof Muslim ah; waxaan ku odhan As-Salaamu caleykum.

Aadaabta jidka S15: Waa maxay aadaabta jidku?

J: 1. Waxaan u socon si miyir leh aan isla weyni ku jirin. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Ha ku soconin dhulka kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid (daloolisid) dhulka, kumana gaadheysid buuraha dherer). [Suuradda Al-Israa: 37].
2. Waxaan ku odhan assalaamu calayum ciddii aan la kulmoba.
Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- waxaa la weydiiyey: Islaamka tilmaamahee baa u wanaagsan? Wuxuu yidhi: (Inaad dadka marti soorto oo cunto siiso, oo aad salaanto qofkaad garaneyso iyo qofkaadan garaneynba). Inaad cunto siiso dadka, oo aad salaantid qofkaad garaneyso iyo qofka aadan garaneynba. Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
3. Waxaan ka laaban indhaha oo ka weecin waxaan ii bannaaneyn inaan eego, qofna uma geysanayo dhibaato.
4. Waxaan amri wanaagga oo reebi xumaha. Tixraac xadiiska Nabiga-Sallallaahu calayhi wasallam- uu yidhi: (Siiya waddada xaqeeda). Waxay yidhaahdeen: Waa maxay xaqa waddadu? Waxuu yidhi: (Laabidda aragga, inaadan wax dhibaateyn, inaad qaaddo salaanta, inaad amarto wanaagga, oo reebto xumaha). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
5. Waxaan ka qaadi wixii waxyeello leh waddada.
Waxaa ku soo arooray xadiis:
"Inuu qofku ka qaado wixii waxyeello leh waddada waa Sadaqo". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

Aadaabta gelitaanka guriga iyo ka bixiddiisa: S16: Waa maxay aadaabta gelitaanka guriga iyo ka bixiddiisa?

J: 1. Waxaan bixi anigoo hormarin cagteyda bidix waxaana odhan: "Bismillaah tawakaltu calal Laah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah Allaahumma innii acuudu bika min an adilla aw udalla aw azilla aw uzalla aw adlima aw udlama aw ajhala aw yujhala calayya". Magaca Alle yaan ku bixi, waxaan tala saartay Alle, Xeelad iyo Xoog oo dhan Alle ayey u sugnaadeen. Allow waxaan kaa magan galayaa, inaan lumo ama la i lumiyo, ama aan marin habaabo ama lay marin habaabiyo, ama aan wax dulmiyo ama la i dulmiyo ama aan gafo ama la igu gafo."
2. Waxaan hor gelin guriga lugtayda midig, waxaana odhan: "Bismillaahi walajnaa wa bismillaahi kharajnaa wa calaa Rabbinaa tawakalnaa"
(Magaca Alle ayaan ku galnay, magaca Allena waan ku baxnay Rabbigayana waan tala saarannay".
3. Waxaan ku billaabi cadayasho, kaddib waxaan salaami reerka.
Waxaa ku soo arooray xadiiska:
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu guriga soo galo wuxuu ku billaabi jirey cadayasho)
. Waxaa soo weriyey ibnu Maajah.

Aadaabta dan gudashada (kaadida ama saxarada). S17: Waa maxay aadaabta dan gudashadu (isticmaalka suuliga/musqulaha)?

J: 1. Waxaan ku gali oo aan horreysiin lugteyda bidix.
2. Waxaan odhan ka hor gelitaanka: "Bismillaah Allaahumma innii acuudu bika minal khubthi wal-khabaaith".
Magaca Alle ayaan ku galayaa, Allow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dheddigba".
3. Lama galayo musqusha wax uu ku xusan yahay Magaca Alle.
Anas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yidhi:
(Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu galayo musqusha wuxuu dhigi jirey debedda farraantigiisa oo lama geli jirin suuliga). Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.
4. Waan iska astutri dadka markaan dan gudanaayo (kaadi ama saxaro).
Tixraac xadiiska:
"Wuxuu u jeclaa wax uu isku asturo Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- markuu dan gudanayo daah ama deyr ka sameysan caleenta geed timir". Waxaa soo weriyey Muslim.
5. Kuma hadlayo musqusha gudaheeda markaan saxroon ama kaadshi.
6. Ma qaabilayo qibladda mana u jeedineyo dabada markaan ku dan gudanayo (kaadi ama saxaro) meel bannaan ah
 Tixraac odhaahdii Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam: (Ha ula jeesanina qibladda saxaro, ama kaadi, laakiinse u jeesta meel aanay qibladu idinka jirin bari ama galbeed). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
7. Waxaan isticmaali -istijada-gacanteyda bidix si aan Isaga daahiriyo nijaasta, mana isticmaalayo midigta.
Tixraac xadiiska:
(Wuu naga reebay Nabiga inaan ku istijoonno midigta). Waxaa soo weriyey Muslim.
8- Kuma kaadshayo ama saxaroonayo dariiqa dadka ama hooskooda (hadhka).
- Tixraac xadiiska Abuu Hurayrah -Allaha ka raalli noqdee- in Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- yidhi: "Iska jira labada lagu muto lacnadda". Waxay yidhaahdeen: Waa maxay labada lagu muto lacnadda Rasuul Alloow? Wuxuu yidhi: "Waa qofka ku saxarooda waddada dadku maro, ama halka ay harsadaan". Waxaa soo weriyey Muslim.
9. Waxaan dhaqi labadeyda gacmood kaadi ama saxaro kaddib. Tixraac Xadiiska Jariir Allaha ka raalli noqdee: Waxaan la socday Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam- markaasuu yimid meel cidla' ah oo ku dan gutay, markaasuu yidhi: "Jariirow ii keen waxaan ku dahaaro qaato". Markaasaan u keenay biyo oo ku istinjooday biyihii, oo dhulka ku xoqay gacmihiisa. Waxaa soo weriyey  An-Nisaa'i.
10. Waxaan soo hor bixin lugteyda bidix waxaana odhan: " Ghufraanaka". (Allow denbi dhaafkaaga ayaan ku waydiisanayaa).

Aadaabta Masjidka: S18: Waa maxay aadaabta Masjidku?

J: 1. Waxaan gali Masjidka anigoo hormarin lugtayda midig waxaana odhan: "Bismillaah, wassalaatu wassalaamu calaa Rasuulillaah, Allaahumma iftax lii abwaaba raxmatika".
"Magaca Alle ayaan ku galayaa:
Allow ii fur albaabbada Naxariistaada”
2. Ma fadhiisanayo jeer aan tukado labo rakcadood.
Tixraac xadiiska:
"Markuu midkiin soo galo Masjidka waa inuusan fadhiisan jeer uu tukado labo rakcadood". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
3. Ma hor marayo qof tukanaya, wax dhumayna ma ka naadineyo/baafineyo baadigoobkood Masjid, mana ku sameynayo wax kala iibsi masjid gudahiisa, waxaana ku dadaali nadaafadda Masjidka. Nabigu sallallaahu calayhi wasallam. wuxuu yidhi: "Hadduu ogaan lahaa qofka hormari qof tukanaya waxaa ka soo gaari denbi inuu joogsado afartan- sugo baa uga roonaan laheyd inuu hormaro". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Iyo odhaahdii Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam-: "Qofkii maqla nin wax dhumay ka dhex baafineya Masjid ha yidhaahdo Alle kuuma soo celiyo, waayo masaajidda looma dhisin arrinkaa". Waxaa soo weriyey Muslim.
Iyo tixraac xadiiska:
"Haddaad aragtaan qof wax ku gadi/iibin ama gadan Masjid ku dhaha ha ka faa'idin oo Alle kuuma barakeeyo ganacsigaaga". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Ad-Daarami.
4. Waxaan ku dadaali nadaafadda Masjidka.
Tixraac xadiiska hooyadii mu'miniinta Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee- waxay tidhi: "Rasuulkii Alle wuxuu amray in laga dhiso masaajiddo meelaha dadku degan yihiin, oo la nadiifiyo oo la udgiyo". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
5. Markaan ka soo baxayo Masjidka waxaan hormarin cagteyda bidix waxaana odhan: Allaahumma innii as'aluka min fadlika : "Allow waxaan ku waydiisanayaa fadligaaga".

Aadaabta salaanta: S19: Waa maxay aadaabta salaantu?

J: 1. Markaan la kulmo qof Muslim ah waxaan ku billaabi salaan, waxaana odhan : As-Salaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh, kuma salaamayo wax kale, gacanta oo keliyana kuma tilmaamayo salaan.
2. Waan u dhoolla caddeyn qofkaan salaamayo. Tixraac xadiiska: "Ha yareysan wax wanaag ah, haba ahaatee inaad ku qaabisho walaalkaa-muslimka-wejin fur furan oo muusoonaya". Waxaa soo weriyey Muslim.
3. Waxaan ku salaami oo ku gacan qaadi gacanteyda midig.
4. Markuu qof i salaamo waxaan ugu jawaabi mid ka fiican salaantaa ama mid la mid ah.
Tixraac odhaahda Alle kor ahaaye:
(Marka la idinku salaamo salaan, ku salaan naqa mid ka wanaagsan ama
ku naqa/celiya salaan (la mid ah)
. Alle waa wax kasta Xisaabiye (Kaafiye). [Suuradda An-Nisaa: 86].
5. Kuma billaabayo gaal salaan, hadduu i salaamana waxaan ugu jawaabi "wacalaykum".
Tixraac xadiiska:
"Ha ku billaabina Yuhuudda iyo Nasaarada salaan". Waxaa soo weriyey Muslim.
6. Wuxuu salaami kan yari kan weyn, kan gaadiidka fuushanina kan lugaynaya, kan socdana kan fadhiya, inta yarna inta badan. Rasuulkii Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Wuxuu salaami kan gaadiidka fuushani kan soconaya, kan soconayana kan fadhiya, kuwa tiro yarina kuwa tirada badan ayey salaami". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
7. Waa inaadan ku gacan qaadin salaan haweeney aan kuu bannaaneyn oo aan ka mid aheyn maxaarimtaada (kuwa qaraabada dhow kuu ah ee aan guur koogu bannaaneyn),
Tixraac xadiiska hooyadii mu'miniinta Caa'ishah -Allaha ka raalli noqdee- waxay tidhi: "Maya wallaahi, ma taaban gacanta Rasuulka Alle -Sallallaahu calahi wasallam- gacan haweeney aan u bannaaneyn waligii". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

Adaabta idan (oggolaansho) qaadashada: S20: Waa maxay aadaabta idan qaadashadu?

J: 1. Waxaan weydiisan idan ka hor gelitaanka meeshaasi.
2. Waxaan idan weydiisan seddex jeer mana ka badinayo, intaa kaddib waan iska tegi.
Tixraac xadiiska:
"Markuu weydiisto midkiin idan/oggolaasho seddex jeer oo aan loo idmin inuu soo galo, ha laabto". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
3. Waxaan u garaaci albaabka aayar, mana istaagayo abbaarta (ku toosan) albaabka, waxaanse istaagi albaabka midigtiisa ama bidixdiisa. waxaana odhan: As-Salaamu caleykum. Tixraac xadiiska: "Rasuulka Alle -Sallallaahu calahi wasallam- hadduu yimaado albaab cid leeyihiin ma istaagi jirin abbaarta (ku toosan) albaabka, wuxuuse istaagi jirey geestiisa midigta ama bidixda isagoo leh: As-Salaamu caleykum, As-Salaamu caleykum". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
4. Uma soo galayo aabbahay iyo hooyaday ama qof qolka ka hor idan qaadasho, gaar ahaan salaadda subax ka hor iyo waqtiga qeyluulada (seexashada qadada kadib) ee duhurka ama salaadda Cishaha kaddib.
Tixraac weedha Alle kor ahaaye:
(Kuwa (Xaqa) rumeeyoow Waa inay idin weydiistaan fasax (oggolaansho) kuwaa ay gacmihiinna midig hantaan iyo kuwa aan weli qaan gaarin ee idinka midka ah saddex waqti; ka hor salaadda subax, iyo markaad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa seddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna denbi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale iyagoon idan qaadan. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadaha. Alle waa wax kasta oge, Xakiim ah). [Suuradda An-Nuur: 58].
5. Waan geli karaa meelaha aanay cidi degganeyn, sida isbitaal ama dukaan anigoon idan weydiisan.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Ma aha korkiinna denbi inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn alaab aad leedihiinna dhex-taallo. Alle wuu Ogsoon yahay waxaad si cad u fashaan iyo waxaad qarisaanba). [Suuradda An-Nuur: 29].

Adaabta Daryeelka xayawaanka: S21: Waa maxay aadaabta daryeelka xoolaha?

J: 1. Waan quudin xayawaanka oo waraabin.
Tixraac xadiiska:
 Waxay yidhaahdeen: Rasuul Allow, ma waxaa noogu jira daryeelka xayawaanka ajar? Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Daryeelka nafley kasta waxaa ku sugan ajar". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Wuxuu soo ag maray Rasuulku awr dhabarkiisa iyo calooshiisu isku dhegeen macaluul darteed, markaasuu yidhi: "Ilaahay ka cabsada oo daryeela xoolahan". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud
2. U Naxariisashada iyo u roonaanshada xoolaha, iyo inaan la saarin wuxuusan qaadi karin.
Tixraac xadiiska:
Wuxuu yidhi -Sallallaahu calayhi wasallam: "Yaa leh awrkan? Yaa leh awrkan? Markaasaa waxaa yimid wiil yar oo reer Ansaar ah oo yidhi: Anaa leh Rasuul Allow. Markaasuu Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu ku yidhi: Miyaadan Alle uga cabsaneyn neefkan uu Alle ku mulkisiiyey oo aad hantiday. Waayo wuu iiga kaa soo dacwooday inaad gaajo ku dishay oo dhibtay". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad. Macnaha waa dhibtay oo daalisay.
3. Ma cadaabayo xayawaanka noocuu doonaba ha ahaado cadaabka iyo dhibkaa.
- Tixraac xadiiska Jaabir -Allaha ka raalli noqdee- in Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- soo ag maray dameer laga summadeeyey wejiga, markaasuu wuxuu Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- yidhi: "Miyeyna idin soo gaadhin inaan nacdalay qofkii ka summadeeya neef wejigiisa ama ka garaaca wejigiisa?)" markaasuu ka reebay dadka arrinkaa sameyntiisa. Waxaa soo weriyey Muslim iyo Abuu Daawuud oo weedhahan iska leh.

Aadaabta Cayaaraha: S22: Waa maxay aadaabta ciyaartu?

J: 1. Waxaan u niyeysan jimicsiga inaan xoog ugu yeesho cibaadada Alle iyo raalli  gelintiisa.
2. Ma ciyaarayno waqtiga salaadda.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta)  Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtigeeda). [Suuradda Al-Maacuun: 4-5].
3. Ma aha inay wiilal la ciyaaraan gabdho.
4. Waxaan ilaalin oo aan joogtayn dharka ciyaarta ee asturi cawradeyda.
5. Waan ka fogaan ciyaaraha reebban ee xaaraanta ah, sida ciyaaraha la iska garaaco wejiga, ama la feydo cawrada.
Tixraac xadiiska:
"Hadduu la dagaallamo midkiin walaalkii ha ka fogaado wejiga". Waxaa soo weriyey Muslim.

Aadaabta Kaftanka S23: Waa maxay aadaabta Kaftanku?

J: 1. Inaad run ku kaftanto oo aadan been sheegin.
- Tixraac xadiiska: "Hoog baa u sugnaaday qofka hadla oo been sheega si uu uga qosliyo dadka, hoog buu leeyahay, hoog buu leeyahay". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, Axmad iyo At-Tirmidi.
2. Waa inuu kaftanku ka maran yahay ku digasho iyo jeesjees iyo dhibaateyn iyo cabsi gelin.
- Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Uma bannaana qof Muslim ah inuu cabsi geliyo Muslim kale". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo Axmad.
3. Ma wanaagsana kaftanka badani.
- Nabigu -Sallallaahu calahi wasallam- wuxuu yidhi: "Ha badsan qosolka, waayo qosolka badani wuxuu dilaa qalbiga". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Ibnu Maajah.

Aadaabta Hindhisada: S24: Waa maxay aadaabta Hindhisadu?

J: 1. Inaad saarto gacanta ama maro ama masar sanka iyo afkaaga markaad hindhiseyso.
2. Inaad u xamdi iyo mahad naqdo Alle Hindhisada kaddib oo aad tidhaahdo: "Al xamdulillaah".
3. Waana inuu ku yidhaahdo midka maqla hidhisada walaalki ama saaxiibkii: "Yarxamukallaah" (Ilaahay ha kuu Naxariisto).
- Marka uu ku dhaho yarxamukallaah ha yidhaahdo:(Yahdiikumullaahu wa yuslixu baalakum) (Ilaahay ha idin hanuuniyo, hana hagaajiyo arrimihiinna).

Aadaabta Hammaansiga: S25: Waa maxay aadaabta hamaansigu?

J: 1. Waa inuu qofku isku dayo oo ku dadaalo celinta hamaansiga.
Tixraac xadiiska "Hamaansigu waa xagga shaydaanka, ee markuu hamaansanayo midkiin ha ka hortago oo celiyo intuu karo". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
2. Waa inaad codka kor ugu qaadin hammaansiga adigoo leh, "Aah, Aah".
Tixraac xadiiska:
"Waana inuusan odhan: Aah Aah, waayo midkiin marka uu kala qaado afkiisa, sheydaanka baa ku qosli". Waxaa soo weriyey Axmad.
3. Waa inuu gacanta afka saaro.
- Tixraac xadiiska: "Hadduu midkiin hamaansado waa inuu gacantiisa ku qabto afkiisa, haddii kale shaydaan baa gali". Waxaa soo weriyey Muslim.

Adaabta akhrinta Qur'aanka Kariimka: S27: Waa maxay aadaabta akhrinta Qur'aanku?

J: 1. Inaad akhrido Qur'aanka adigoo daahir ah weseysi kaddib.
2. Inaad u fadhiisato si edeb iyo xushmad leh.
3. Waxaan magan gali Alle oo ka magan gali shaydaanka hoorraanta akhrinta Qur'aanka.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Ee markaad akhriyeyso Qur’aanka, ka magan gal Alle shaydaanka la fogeeyey). [Suuradda An-Naxal: 98].
4. Waxaan u fiirsan oo u dhug yeelan akhrinta Qur'aanka.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Miyeyna u dhug yeelanayn Qur’aanka mise waxaa ah quluubtooda qufullo). [Suuradda Muxammad: 24].
*******

Aadaabta Ducada: S26: Waa maxay aadaabta ducada?

J: 1. Waxaan ku billaabi ducada xamdiga Alle, inaan ammaano oo ku mahadiyo.
2. Ku salliga Nabiga Sallallaahu calayhi wasallam.
 Tixraac xadiiska laga soo weriyey Nabiga Sallallaahu calayhi wasallam:
"Markaad tukato, oo fadhiisato, ku xamdi Alle oo ammaan waxa uu mudan yahay, oo igu salli markaas duceyso oo Alle bari". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.
3. Kor u qaadista labada gacmood markaad duceysaneyso oo aad Alle baryi.
- Rasuulkii Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Rabbigiin Barakada badan kor ahaaye waa Xishood badane Deeqsi ah ka xishooda addoonkiisa markuu gacmaha kor u taago isagoo baryaya inuu soo celiyo iyagoo madhan". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Abuu Daawuud.
4. Tawbada iyo qirashada denbiga
- Sida ku soo arooray ducada Nabi Muuse calayhi salaam: (Muuse wuxuu yidhi: Rabbiyoow, Waxaan dulmiyey naftayda ee ii denbi dhaaf, wuuna u denbi dhaafay. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan). Suuradda Al-Qasas 16).
5. Ku cel-celinta ducada iyo in la badsado.
6. Inaan la deg-degsan aqbalaadda ducada oo loo samir yeesho.
7. Ha ku duceysanina denbi falitaankii ama qaraabo goyn.
Tixraac xadiiska:
"Waa laga aqbalaa addoonka ducada hadduusan ku duceysan wax denbi ah ama qaraabo goynteed, iyo hadduusan deg-degsan. Waxaa la yidhi: Waa maxay deg-degsigu? Wuxuu yidhi: Wuxuu odhan: Waan baryey Alle oo baryey, laygamase oggolaan, markaasuu quusan oo iska deyn ducada iyo Alle bariga". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
8. Hoos u dhigidda codka marka la duceysanayo ee Alle la baryi.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(U barya Rabbigiin si khushuuc leh iyo qarsoodiba). [Suuradda Al-Acraaf: 55].
9. Waa inuu qalbigaaga joogo oo aadan maahsaneyn markaad duceysaneyso oo aad Alle baryi.
Tixraac xadiiska:
 " Barya Alle idinkoo yaqiinsan aqbalidda ducada, ogaadana inuusan Alle aqbalin ducada qalbi dhoohan oo maahsan". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.
10. Inaad u gaar iyo gooni yeeshid cibaadada Alle Kor ahaaye oo wax weydiisato Keligii waqtiga lurnaanta iyo ladnaantaba /shiddada iyo barwaaqada.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Masaajidda -iyo dhulkoo dhan- waxaa leh Allaah keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale). [Suuradda Al-Jin : 18].
11. Inaad ugu dhowaato Alle oo ku barido Magacyadiisa Wanaagga iyo Quruxda badan iyo Tilmaamihiisa.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya). [Suuradda Al-Acraaf: 180].
12. Inaad u jeesato qibladda. Tixraac xadiiska: "Intaa wuxuu baryey Rabbigii isagoo gacmahiisa kor u taagaya u jeeda qibladda ilaa uu ka dhacay go'iisii garbahiisa". Waxaa soo weriyey Muslim.
13. Inaad tahay xalaal quute dhar xalaal ah xidha aan la soo xadin ama lacag xaaraan kugu soo galay ku soo iibsan. Tixraac xadiiska: "Markaasuu sheegay nin meel dheer u socdaalay oo timihii basaaseen, boodh badan, oo gacmaha kor u taagaya, isagoo Alle baryaya oo leh: "Rabbigayoow, Rabbigayoow, isla markaa wuxuu quutaa waa xaaraan, wuxuu cabbaana waa xaaraan, wuxuu xidhaana waa xaaraan, xaaraana lagu soo Anqariyey, sidee baa looga aqbalayaa ducada". Waxaa soo weriyey Muslim.

Qaybta Akhlaaqda.30

S1: Waa maxay fadliga debci wanaaggu?

J: Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Mu'miniinta waxaa ugu iimaan kaamilsan (dhammeystiran) kuwooda ugu debciga wanaagsan". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo Axmad.

S2: Maxaan ugu dhaqannaa oo u joogteynaa akhlaaqda Islaamka?

J: 1. Waayo waa sabab lagu muto maxabbada Alle kor ahaaye.
Tixraac xadiiska:
"Alle wuxuu ugu jecel yahay addoomahiisa kuwooda ugu debci wanaagsan". Waxaa soo weriyey Al-Xaakim iyo Ad-Dabaraani.
2. Waana sabab lagu muto maxabbada dadka.
3. Waa waxa ugu culeys badan miisaanka acmaasha Aakhirada.
Tixraac xadiiska:
"Waxa ugu culeys badan camallada miisaanka la saari Maalinta Qiyaamaha waa debci (dhaqan) wanaagga". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.
4. Waxaa lagu labo laabaa ajarka iyo abaalgudka debci wanaagga.
Tixraac xadiiska:
"Qofka mu’minka ah wuxuu ku gaaraa debci wanaagga darajooyinka qof u taagan habeenkii salaad, maalintiina soon". Waxaa soo weriyey Axmad.
5- Waa calaamad muujineysa dhammeystirnaanta Iimaanka.
Tixraac xadiiska:
"Mu'miniinta waxaa ugu iimaan dhammeystiran kuwooda ugu debciga wanaagsan". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

S3: Xaggee baan ka qaadaneynaa Akhlaaqda?

J: Qur’aanka, Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Qur’aankani wuxuu ku hanuuniyaa dadka shay walba waxa ugu toosnaanta badan. [Suuradda Al-Israa: 9].
- Xagga Sunnada Nabiga s.c.w:

 Rasuulka Alle s.c.w wuxuu yidhi: "Waxaa la ii soo diray inaan dhammeystiro Akhlaaqda wanaagsan". Waxaa soo weriyey Axmad.

S4: Waa maxay debciga ixsaanku (axsaan falka) iyo qaybihiisu?

J: Ixsaanku:  Waa dareensanaanta inuu Alle kaa war hayo meel kasta iyo xaal kasta oo aad ku sugan tahay, iyo kheyr iyo u wanaag samaynta uunkiisa.
Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Alle wuxuu waajibiyey in loo sama falo wax walba ". Waxaa soo weriyey Muslim.
Waxaa ka mid ah qaybaha ixsaanka:

Inaad wanaajiso cibaadada Alle kor ahaaye, adigoo u gaar iyo gooni yeeli cibaadada.
wanaajinta labada waalid qowl iyo ficilba.
Wanaajinta kuwa aad isku dhow dihiin dhalasho ahaan iyo qaraabada guud.
Wanaajinta iyo u asxaan falka deriska.
Wanaajinta agoomaha iyo masaakiinta.
Inaad wanaajiso qofkii isagu ku xumeeya.
Wanaajinta hadalka iyo doodda.
Inaad wanaajiso hadalka oo iska ilaaliso af xumi.
Wanaajinta iyo daryeelka xoolaha.

S5: Waa maxay waxa ka soo hor jeeda asxaan falka ee lidka ku ah?

J- Lidka ka soo hor jeeda wanaag falka waa xume falka.
- Waxaana ka mid ah: Ka tegitaanka u gaar iyo gooni yeelidda cibaadada  Alle kor ahaaye.
- Ku caasinta  waalidka.
- Goynta qaraabada.
- Deris xumida.
- Iyo ka tegitaanka u wanaag falka fuqarada iyo masaakiinta iyo ku dhibaateynta wax kastoo xun oo hadal ama ficil ah.

S6: Waa maxay noocyada ammaanadu iyo qaybaheedu?

J: 1. Ammaanada ah ilaalinta xuquuqda Alle kor ahaaye.
Amaanada ah gudashada cibaadooyinka sida Salaadda, Sakada, Soonka, Xajka, iyo inta kale ee ah waxa uu Alle nagu farad yeelay.
2. Amaanada ah ilaalinta xuquuqda uunka.
- Ee leh dhowrista Sharafta dadka iyo karaamadooda.
- Dhowrista maalkooda.
- Dhiiggooda.
- Sirahooda, iyo dhammaan waxay dadku kugu amaaneystaan.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi isagoo sheegaya tilmaamaha liibaanayaasha:
(Waa kuwa amaanooyinkooda iyo ballankooda dhowra). [Suuradda Al-Mu'minuun:8].

S7: Waa maxay lidka (ka soo hor jeeda) amaanada?

J: Khiyaanada, waana dayicadda xuquuqda uu kugu leeyahay Alle kor ahaaye iyo xuquuqda dadka.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
"Kuwa Xaqa rumeeyoow, ha khiyaamina Alle iyo Rasuulka, oo ha yeelina inaad khiyaantaan ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon". [Suuradda Al-Anfaal: 27].
- Nabigu -Sallallaahu calahyhi wasallam- wuxuu yidhi: "Calaamadda munaafiqu waa seddex" - waxaana ka mid ah: "Markii la aamino wax buu khiyaanaa". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S8: Waa maxay decbiga run sheegiddu?

J: Waa inaad sheegto waxa jira run ahaan ama waxa uu dhab ahaan yahay.
Waxaana ka mid ah qaybihiisa:

- Inaad run kula hadasho oo u sheegto dadka.
- Inaad ka run sheegto oo oofiso ballanta.
- Inaad ka run sheegto hadal iyo ficil kastaba.
- Nabigu -Sallallaahu calahyhi wasallam- wuxuu yidhi: "Runtu waxay kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta, samaantuna waxaya kugu hogaamisaa jidka jannada, Markuu qofku caadeystana inuu ku hadlo run, waxaa Alle agtiisa looga qoraa inuu yahay runlow". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S9: Waa maxay waxa ka soo hor jeeda runta ee lidka ku ah ?

J: Beenta, waa sheegidda waxaan jirin oo xaqiiqo aheyn, waxaana ka mid ah inaad been u sheegto dadka, ka bixida ballamaha, iyo marqaati beenaadka.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Beentu waxay kugu hoggaamisaa xumaanta, xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa waddada faajirnimada. Faajirnimaduna waxay kugu hoggaamisaa waddada Naarta. Marka uu qofku been sheegidda caadeystana waxaa Alle agtiisa looga qoraa inuu yahay beenlow". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Munaafaqu seddex calaamuu leeyahay" - waxaa ka mid ah calaamadahaa - markuu hadlayo wuxuu ku hadlaa been, markuu ballan qaadana wuu ka baxaa". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S10: Waa maxay noocyada samirku?

J- Ku samridda u hoggaansanaanta iyo cibaadada Alle kor ahaaye.
- Ka samridda macsiyada iyo ka fogaanshaheeda.
- Ku samirka waxyaalaha uu Alle kuu qaddaray ee xanuunka badan, iyo inaad u xamdi iyo mahad naqdo Alle xaal iyo arrin walba oo kula soo gudboonaada.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Alle wuu jecel yahay  kuwa samra). [Suuradda Aala-Cimraan: 146].
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "waxaa la yaab leh arrinka qofka mu'minka ah, arrinkiisa oo dhan waa khayr, khayrkaasna uma ahaan cid aan mu'min ahayn, hadduu farxad helo wuu ku shukriyaa, waana u khayr, hadduu dhibaato la kulmana wuu ku samraa, waana u khayr. Waxaa soo weriyey Muslim.

S11: Waa maxay waxa ka soo hor jeeda samirka, ee lidka ku ah?

J: - Waa inaadan ku samrin oo aad ku sugnaan daacadda iyo cibaadada Alle, oo aadan ka samrin oo ka fogaan macsida, qaddarka Allena aanad ku raalli noqon, hadal ahaan ama ficil ahaan.
Waxaana ka mid qaybihiisa:

- Inaad jecleysato dhimashada.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Qofkiinna yuusan jecleysan dhimasho dhibaato soo gaadhay awgeed, haddii uu qofku huri waayo oo dhibaatadu meel xun ka gaadho ha yidhaahdo: "Allow i noolee inta ay noloshu ii kheyr badan tahay, inaad i oofsato baana jeclaan lahaa hadday geeridu ii kheyr badan tahay". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Iska garaacidda dhabbanada.
- Iska jeexjeexidda dharka.
- Iska rifidda timaha.
- Isku habaaridda ba'a iyo hoog.
- Nabigu -Sallallaahu calahi wasallam- wuxuu yidhi: "Naga mid ma aha qofkii iska garaaca dhabannada oo iska jeexjeexa dharka oo u baroorta sidii jaahiliyada sida gaalada". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
- Nabigu -Sallallaahu calahyhi wasallam- wuxuu yidhi: "Abaal marinta weyni waxay la timaaddaa imtixaanka weyn, Alle kor ahaaye hadduu qolo jeclaado wuu imitixaamaa. Markaas kii qaata oo ka gudba imtixaanka Alle baa raalli ka noqda, kii ku samri waaya imtixaanka oo ka cadhooda, cadho Alle baa ku dhacda". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.

S12: Waa maxay debciga iskaashigu iyo isu kaalmeyntu?

J: Waa isugu kaalmeynta dadka dhexdooda Xaqa iyo kheyrka.
Qaybaha iskaashiga iyo is kaalmeynta:

- Iskaashiga iyo isugu kaalmeynta soo celinta xuquuqda.
- Iskaashiga iyo isugu kaalmeynta ka hortagga wax ka qabashada dulmi geystaha.
- Isugu kaalmeynta wax ka qabashada baahida dadka iyo masaakiinta.
- Isugu kaalmeynta arrin walba oo kheyr ah.
- Waa inaan la isugu kaalmeyn denbi fal iyo dhibaato iyo gar-darro.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Isugu kaalmeeya sama falka iyo ka dhowrsiga (xumaha), oo ha isugu kaalmeynina denbiga iyo duullaanka (gardarrada ah). Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Alle ciqaabkiisu wuu Daran yahay). [Suuradda Al-Maa'idah: 2].
- Nabigu -Sallallaahu calahyhi wasallam- wuxuu yidhi: "Mu'minku wuxuu u yahay mu'minka kale sida xiriirka ka dhexeeya dhismaha guriga, qaybba ay xoojineyso oo ay heyso qaybta kale". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Muslimku waa u walaal Muslimka kale, yaanu dulmin, yaanu u dhiibin cadow oo u gacan gelin, qofkii dan walaalkii muslim ah gudaya, Alle ayaa daryeela tiisa, qofkii ka saara qof Muslim ah dhibaato, Alle ayaa ka saara dhibaato ka mid ah dhibaatooyinka Maalinta Qiyaamaha, Qofkii u ceeb qariyaa qof Muslim ah, Alle ayaa u ceeb qariya Maalinta Qiyaamaha". Muslimku waa u walaal Muslimka kale, yaanu dulmin, yaanu u dhiibin cadow oo u gacan gelin, qofkii dan walaalkii muslim ah gudaya, Alle ayaa daryeela tiisa, qofkii ka saara qof Muslim ah dhibaato, Alle ayaa ka saara dhibaato ka mid ah dhibaatooyinka Maalinta Qiyaamaha, Qofkii u ceeb qariyaa qof Muslim ah, Alle ayaa u ceeb qariya Maalinta Qiyaamaha". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S13: Waa maxay noocyada dabeecadda xishoodka?

J: 1. Inaad ka xishooto Alle: Ka xishoodkiisuna waa inaadan caasiyin Alle Isagaa xumaan ka hufane.
2. Inaad ka xishooto dadka: Waxaana ka mid ah ka tegitaanka hadalka xun iyo af lagaaddada iyo muujinta cawrada.
- Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Iimaanku waa dhowr iyo toddobaatan ama dhowr iyo lixdan qaybood, waxaa u sarreeya: Qowlka: Laa ilaaha illal Laah, waxaana ugu hooseeya ka qaadista waxa dadka dhibaya jidka, xishoodkuna waa qayb ka mid ah Iimaanka". Waxaa soo weriyey Muslim.

S14: Waa maxay qaybaha dabeecadda Naxariista?

J: U Naxariisashada dadka da'da weyn iyo daryeelkood.
- U naxariisashada da' yarta iyo ilmaha yar-yar. Tixraac xadiiska: "Naga mid ma aha qofkaan qaddarin midkayaga weyn oo u naxariisan kaayaga yar". Waxaa soo weriyey Axmad.
- U Naxariisashada faqiirka iyo miskiinka iyo muxtaadka (midka u baahan kaalmo).
- U Naxariisashada xayawaanka sida inaad quudiso oo dhibin.
Tixraac qowlka Nabiga Sallallaahu calayhi wasallam:
(Muslimiinta isjaceylkooda iyo isu naxariisashadooda iyo isu danqashadooda waa sida jidhka qofka oo kale, marka xubini ay ka bukuuto ay xubnaha oo dhan la wadaagayaan soo jeedka iyo dareenka xanuunka xummadda". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
- Rasuulkii Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Kuwa naxariista waxaa iyagana u Naxariisan Raxmaanka, u naxariista dadka arlada jooga, waxaa idiin Naxariisan Kan samada jiree". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

S15: Waa maxay noocyada dabeecadda maxabbada (jeclaanta)?

J: Jeclaanta Alle kor ahaaye.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Kuwase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Alle). [Suuradda Al-Baqarah:165].
Jeclaanta Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam-.
Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Waxaan ku dhaartay Kan ay nafteydu ku jirto Gacantiisa (Allaah), midkiin ma ahaanayo mu'min jeer uu i jeclaado in ka badan waalidkii iyo ilmahiisa". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Jeclaanta mu'miniinta, iyo inaad la jeclaato khayr sidaad ula jeceshahay naftaada.
Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Midkiin ma ahaanayo mu'min dhab ah jeer uu la jeclaado walaalkii waxa uu la jecel yahay naftiisa". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.

S16: Waa maxay bashaashnimadu (waji furnaanta jaceylka dadka ku saleysan)?

J: Waa weji furnaanta, ay kuu dheer tahay farxad, dhoolla caddeyn, iyo muujin farxad markaad la kulanto dadka.
Waana lidka weji cabbuusnimada dadka hortiisa arrinkaasoo dareen xun siinaya dadka.
- Fadliga arrinkaasina waxaa ku soo arooray axaadiis, waxaa laga soo weriyey Abuu Dar -Allaha ka raalli noqdee inuu yidhi: Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu igu yidhi: "Ha yareysan inaad fasho wax uun khayr ah, walow aad kula kulanto walaalkaa Muslimka ah weji furan". Waxaa soo weriyey Muslim.
- Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Inaad ku muusooto oo dhoolla caddeyso wejiga walaalkaa Muslimka ah horti sadaqay kuu tahay". Waxaa weriyey At-Tirmidi.

S17: Waa maxay xasadku?

J: Waa jecleysiga inay qof dhaafto oo ka suusho nicmadda uu ku galladeystay Alle ama ku xasaddo qof kheyr uu Alle siiyey.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Iyo sharka xaasidka markuu wax xasdo). [Suuradda Al-Falaq: 5].
- Anas bin Maalik -Allaha ka raalli noqdee- waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam yidhi: "Ha is nicina, oo ha is xasdina, oo dhabarka ha isu duwina, oo ahaada -addoomadii Alloow- walaalo". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S18: Waa maxay jees jeesku?

J: Waa inaad ku jees jeesto (yaraysatid) walaalkaa Muslimka ah oo quursato, arrinkaana ma bannaana.
Alle wuxuu yidhi isagoo arrinkaa innaga reebaya:
(Kuwa (Xaqa) rumeeyow! qolona yey yasin qolo kale, waxaa laga yaabaa inay ka kheyr badan yihiin, oo yey dumarna yasin dumar kale, waxaa laga yaabaa inay ka kheyr badan yihiin; hana is ceebeynina, waxna ha iska sheegina, oo ha isugu yeedhina naaneysyo xun. Xumaa inaad magacyo iyo tilmaamo xun isugu yeedhaan kaddib rumeynta aad Alle rumeyseen. Qofkaan toobad keennina (oo Xaqa u soo laaban), kuwaasu waa kuwa ah daalimiinta). [Suuradda Al- Xujuraat:11].

S19: Waa maxay dhul is dhiggu?

J: Waa inuusan isu arkin qofku inuu wax dheer yahay dadka kale, oo waa inuu quursan dadka oo Xaqa diidin.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Addoomaha  Raxmaanka waa kuwa ku mara dhulka miyir (xasillooni si sharaf leh aan iskibrin lahayn). [Suuradda Al-Furqaan:63]. Macnaha waa iyagoo aan is kibrineyn.
- Rasuulka Alle Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Qofkii u nuglaada Alle oo aan iska weyneyn cibaadadiisa Alle wuu kor yeelaa". Waxaa soo weriyey Muslim.
Wuxuu kaloo Sallallaahu calayhi wasallam yidhi:
"Alle kor ahaaye wuxuu ii waxyoodey inaad is dhul-dhigtaan oo qofna qof kale u faanin, midna mid kale ku gardarroon ". Waxaa soo weriyey Muslim.

S20: Waa maxay noocyada kibirka xaaraanta ah?

J: 1. Iska weyneynta Xaqa, waana diiddada Xaqa iyo inaad oggolaan xaqa.
2. Iska weyneynta dadka, waana inaad quursato oo yareysato.
Rasuulka Alle Sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi:
"Ma galayo Janno qofkii uu qalbigiisa ku jiro wax saxar le'eg oo kibir ah". Nin baa wuxuu yidhi: Qofku wuu jecel yahay inuu dharkiisu wanaagsan yahay, kabahiisuna wanaagsan yihiin? Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Alle wuu qurxoon yahay, wuuna jecel yahay quruxda, kibirku waa diidmada Xaqa iyo yasidda dadka". Waxaa soo weriyey Muslim.
- Iska weyneynta Xaqu: Waa inaad diiddo.
- Yareysiga dadku: Waa inaad quudhsato.
- Xirashada dharka iyo kabaha wanaagsan ma ka mid aha kibirka.

S21: Sheeg qaar ka mid ah qishka iyo khiyaanada xaaraanta ah?

J: Qishka xagga wax kala iibsiga waa qarinta ceebta badeecadda (alaabta).
-Qishka wax barashada: waxaana tusaale u ah qishka ardayda imtixaanada.
- qishka (isu hoos galinta) xagga qowlka (hadalka) waa sida furitaanka markhaati beenaadka iyo beenta.
Oofin la'aanta waxa aad sheegeyso iyo waxa aad dadka ku heshiisaan.
- Xagga iska reebidda qishka waxaa soo arooray in Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- uu soo ag maray cunto weel ku jirta suuq dhexdii, markaasuu galiyey gacantiisa, waxaa soo gaaray farahiisa qoyaan, markaasuu wuxuu yidhi: "Waa maxay waxakani kan iibinayoow raashinkan? Wuxuu yidhi: Waxaa ku da'ay roob Rasuul Alloow. Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: Maxaad u soo marin weyday kor si ay u arkaan dadku? Qofkii qish (khiyaamo) fala iga mid ma aha". Waxaa soo weriyey Muslim.
Subrah waxaa la yidhaahdaa cunto meel tuulan.

S22: Waa maxay xantu?

J: Waa inaad ku sheegto walaalkaa Muslimka ah wax uu karhayo isagoo maqan oo aan idinla joogin.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Qaarkiin yaanay xaman qaarka kale; miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad naceysaane (naca xanta). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle. Alle waa Toobad Aqbal Badane, Naxariis Badan). [Suuradda Al-Xujuraat: 12].

S23: Waa maxay namiimada (war u kala geynta dadka)?

J: Waa inaad war u kala geyso dadka si aad isugu dirto.
- Rasuulka Alle -sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Ma galayo jannada qofka dadka isku dira ee warka u kala qaada si ay u colloobaan". Waxaa soo weriyey Muslim.

S24: Waa maxay wahsiga?

J: Waa inaad ka cago jiiddo sama falka iyo waxa laga dooni qofku inuu sameeyo ee wanaag iyo xoogsi ah.
Waxaana ka mid ah arrinkaasi:
Ka wahsiga sameynta waxa waajibka ah.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Munaafiqiintu waxay (u heystaan inay) dagayaan Alle, Isagaase dagaya, markay u kacaan salaaddana, waxay kacaan iyagoo wahsi ku jiro, waxay istusaan oo keliya dadka, mana xusaan Alle wax yar ma’ahee). [Suuradda An-Nisaa: 142].
Waxaa la gudboon qofka mu'minka ah ka tegitaanka wahsiga, dhaqdhaqaaq la'aanta iyo meel iska fadhiga, waxana la gudboon inuu shaqeysto oo ku dadaalo noloshan adduunka waxa Alle kor ahaaye raalli gelin.

S25: Waa maxay noocyada cadhadu?

J: 1. Cadhada wanaagsan: Waana in Ilaahay darti loo cadhoodo markay gaaladu iyo munaafiqiintu iyo kuwo kaleba ay ku xadgubaan waxa uu Alle reebay, kor ahaaye.
2. Cadhada xun: Waana cadhada ka yeesha qofka inuu falo ama yidhaahdo waxaan habbooneyn.
- Daawada cadhada xun:
- Weysaysiga.
- Inuu qofku fadhiisto hadduu taagan yahay, ama dhinac u jiifsado hadduu fadhiyo.
- Inuu qaato dardaaranka Nabiga -Sallallahu calayhi wasallam- ee arrinkaas ee ah: "Ha cadhoon".
- Inuu ka xakameeyo naftiisa inay ku dhaqaaqdo waxaan wanaagsaneyn markuu cadhoodo.
- Inuu ka cuudubilleysto oo ka magan galo Alle shaydaanka la fogeeyey.
- Aamuska.

S26: Waa maxay is jaasuusiddu?

J: Waa inaad bannaanka keento oo aad raadiso cowradaha dadka iyo ceebahooda ay qariyaan.
Waxaa ka mid ah noocyadiisa xaaraanta ah:

- Inaad dhugato cowradaha (waxa u qarsoon) dadka ku sugan guryaha.
- Inuu qofku dhageysto sheekada dad iyagoo aan ogeyn.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Ha is jaasuusina....). [Suuradda Al- Xujuraat: 12].

S27: Waa maxay israafku? Waana maxay bakheylnimadu? Oo waa maxay deeqsinnimo?

J: Israafku waa maalka oo lagu bixiyo waxaan xaq aheyn, waxaana lidkiisa ah bakheylnimada oo ah maalka oo aan lagu bixin wixii mudnaa ee in lagu bixiyo ahaa.
Sida wanaagsanina waa inuu qofku labadaa u dhexeeyo, iyo inuu muslimku ahaado deeqsi.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Mu'uminiintu) waa kuwa markay wax bixiyaan aan xad gudbin ama aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdooda ku toosnaada). [Suuradda Al-Furqaan: 67].

S28: Waa maxay fulaynimadu? Waana maxay geesinnimo?

J: Fulaynimadu : Waa inuu qofku ka cabsado waxaan la dooneyn in laga cabsado.
Sida inuu ka cabsado inuu Xaqa caddeeyo ama reebo xumaan
Geesinnimadu:
Waa inuu qofku Xaqa ku dhiirrado, sida aadista goobaha jihaadka si uu u difaaco Islaamka iyo muslimiinta.
- Nabigu sallallaahu calayhi wasallam wuxuu ku duceysan jiray: "Allow waxaan kaa magan galayaa Fulaynimada...".
- Rasuulkii Alle Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: "Mu'minka xoogga leh baa ka khayr badan oo Alle ka jecel yahay Mu'minka daciifka ah, dhammaantoodna khayr baa u sugnaaday ". Waxaa soo weriyey Muslim.

S29: Maxaa ka mid ah hadallaka carrabka laga yidhaahdo ee xaaraanta ah?

J- Waa sida lacnidda (habaarka, wax xun ku tilmaamidda) iyo af lagaaddada.
- Iyo sida inuu yidhaahdo hebel waa xayawaan iyo erayada la midka ah.
- Ama xusidda cawradaha (wax uu ku ceebeynayo qof oo u qarsoon) ee ah kelmedaha xun ee cayda ah.
Nabigu Sallallaahu calayhi wasallam- wuu reebay waxaa oo dhan, wuxuuna yidhi: "Ma aha Mu'minku mid wax dura, ama lacnada, ama af xun oo ma xishoode ah". Waxaa soo weriyey At-Tirmidhi iyo ibnu Xibbaan.

S30: Waa maxay waxyaabaha qofka Muslimka ah ku caawiya inuu debci wanaagsanaado?

J: 1. Ducada inuu Alle kugu galladeysto debci wanaagsan oo kugu caawiyo.
2. Dhowridda Alle kor ahaaye, iyo inuu ku og yahay, ku maqlayo oo ku arko.
3. Inaad xusuusnaato ajarka ku jira debci wanaagga iyo inuu yahay sabab lagu galo Jannada.
4- Inaad xusuusnaato cidhibta debci xumada iyo inuu yahay sabab lagu galo Naarta.
5- In debciga wanaagsan lagu helo maxabbada Alle kor ahaaye iyo maxabbada uunkiisa, iyo in debci xumada keento naceybka Alle iyo naceybka uunkiisa.
6- Akhrinta siirada Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam-iyo ku dayashadiisa.
7- La saaxiibka akhyaarta (dadka wanaagsan ee Alle ka baqa) iyo ka fogaanshaha la socodka dadka xun.
*******
- Waxaa u fiican xuska Alle waxay ku wada kulmaan qalbiga iyo carrabku.

Qaybta ducooyinka iyo adkaarta (Alle xuska)43

S1: Waa maxay fadliga Alle xuska?

J: Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: "Qofka Rabbigiis xusa iyo qofka aan xusin Rabbigiis, waxay u kala dhigmaan qof nool iyo qof dhintay". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
Arrinkaa waa muhim, waayo qiimaha nolosha qofka waa hadba inta uu dhan yahay Alle xuskiisa.

S2: Waa maxay qaar ka mid ah faa'iidooyinka Alle xuska?

J: 1. Waxaa ku raalli noqda Raxmaanka (Alle).
2. Wuxuu eryaa shaydaanka.
3. Wuxuu ka ilaaliyaa Muslimka wixii shar ah.
4. Waxaa lagu helaa ajar iyo abaal marin Alle.

S3: Maxaa u fiican wax lagu xuso Alle?

J: Qowlka: "Laa ilaaha illal Laah". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.

S4: Maxaad odhan markaad ka soo kacdo hurdada?

J: "Al-xamdu lillaahi alladii axyaanaa bacda maa amaatanaa, wa ilayhinnushuur" "Ammaan oo dhan iyo Mahad waxaa iska leh Allaah ee na nooleeyay intuu na oofsaday kaddib, Xaggiisayna ahaatay isa soo bixintu (Maalinta Qiyaamaha)". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S5: Maxaad odhan markaad labbisan dharkaaga?

J: "Alxamdu lillaahilladii kasaanii haada-thawba wa rasaqaniihi min qayri xawlin minnii walaa quwwah" "Ammaan iyo Mahad waxaa leh Alle oo i siiyey dharkan, iguna arsaaqay iyadoon jirin xeelad iyo awood ka ahaatay dhankayga". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, At-Tirmidi iyo qeyrkood.

S6: Maxaad odhan markaad iska siibeyso dharka?

J: "Bismillaah" "Magaca Alle (ayaan ku siibayaa). Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.

S7: Waa maxay ducada xidhashada dhar cusub?

J: "Allaahumma lakal xamdu Anta kasowtaniihi, as-aluka min kheyrihi, wa kheyri maa sunica lahu, wa acuudu bika min sharrihi, wa sharri maa sunica lahu" "Allow Ammaan  Iyo mahad oo dhan Adigay kuu sugnaadeen, Adigaa i siiyey (dharkan), waxaan ku weydiisanayaa kheyrkiisa iyo kheyrka loo sameeyay, waxaana kaa magan galayaa sharkiisa iyo sharka loo sameeyay". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

S8: Maxaa loogu duceeyaa qofkii xidha dhar cusub?

J: Haddaad aragto qof dhar cusub xidhan u ducee, oo waxaad dhahdaa: "Tublii wa yukhlifullaahu tacaalaa"
"Waad dhammaanaysaa, Allena beddel kii ayuu keeni". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

S9: Waa maxay ducada lagu galo suuliga (musqusha), waana meesha lagu dan gutee kaadi am asaxaro?

J: Allaahumma innii acuudu bika minal khubthi wal-khabaa'ith". 
"Allow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhiddigba". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S10: Waa maxay ducada lagaga soo baxo suuliga/ musqusha?

J: "Qufraanaka" "Allow denbi dhaafkaaga ayaan ku weydiisanayaa". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

S11: Maxaad odhan weysada ka hor?

J: "Bismillaah" "Magaca Alle ayaan ku billaabayaa". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo qeyrki.

S12: Waa maxay Alle xuska lala yimaado kaddib marka la bogo (dhammeeyo) weysada?

J- Ash-hadu an laa ilaaha illal Laahu waxdahu laa shariika lahu, wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu" "Waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, ma jiro cid wax la wadaagta, waxaan qirayaa oo kale in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa". Waxaa soo weriyey Muslim.

S13: Waa maxay Alle xuska lala yimaado marka laga baxayo guriga?

J: "Bismillaah, tawakaltu calallaah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah".
"Magaca Alle ayaan ku billaabay waxaana cuskaday Alle, ma jiraan xeelad iyo xoog midda Alle laga helo mooyee". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

S14: Waa maxay Alle xuska lala yimaado marka la galayo guriga?

J: Bismillaahi walajnaa wa bismillaahi kharajnaa wa calaa Rabbinaa tawakalnaa". "Magaca Alle ayaan ku galnay, magaca Allena waan ku baxnay, Rabbigayagana waan tala saaranay, kaddib wuxuu salaami reerkiisa". J: Bismillaahi walajnaa wa bismillaahi kharajnaa wa calaa rabbinaa tawakalnaa.
"Magaca Alle ayaan ku galnay, magaca Allena waan ku soo baxnay, Rabiganagana waan tala saarannay, kaddib wuxuu salaami reerkiisa."  Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

S15: Waa maxay ducada lagu galo Masjidka?

J: "Allaahumma iftax lii abwaaba Raxmatika".
"Allow ii fur albaabbada Naxariistaada”. Waxaa soo weriyey Muslim.

S16: Waa maxay ducada looga baxo Masjidka?

J: Allaahumma innii as'aluka min fadlika" "Allow waxaan ku weydiisanayaa fadligaaga". Waxaa soo weriyey Muslim.

S17: Maxaad odhan markaad maqasho Aadaanka?

J: Waxaan odhanayaa wuxuu dhahayo mu'addinku, markase uu soo gaaro mu'addinku (xayya calassalaah xayya calal-falaax oo ka dhigan u kaalaya salaadda, u kaalaya liibaanta) waxaan dhahayaa (laa xawla walaa quwwata illaa billaah, oo ka dhigan: ma jiraan xeelad iyo xoog midda Alle laga helo mooyee). Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S18: Maxaad odhan aadaanka kaddib?

J: "Waxaad ku sallin Nabiga s.c.w.". Waxaad ku sallin Nabiga s.c .w. oo odhan: Ash-hadu an laa ilaaha illal Laahu waxdahu laa shariika lahu, wa ash-hadu anna Muxammadan cabduhu wa Rasuuluhu.  "Waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Alle mooyee, ma jiro cid wax la wadaagta, waxaan qirayaa oo kale in Muxammad yahay addoonkiisa iyo Rasuulkiisa.  (Wuxuu dhahayaa hadalkaas, ashahaadada mu-adinka kaddib).
- Waxaadna odhan: "Allaahumma Rabbi hadihid dacwati attaamah wassalaatil-qaa'imah aati Muxammadan al-wasiilah, wal fadiilah wab cath-hu maqaaman maxmuudan alladii wacadtahu"
Allow Rabbiga dacwadan dhammaystiran lahow, iyo salaadda oogan, sii Muxammad (sallallaahu calayhi wasallam) wasiilada (oo ah darajo jannada ka mid ah) iyo darajo dadka dheer, soo saarna Maalinta Qiyaamada isagoo taagan meel la mahadiyay, kaasoo aad u ballan qaadday". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.
- Waxaad duceysan aadaanka iyo iqaamada dhexdooda, waayo ducada waqtigaa lama soo celiyo oo waa la aqbalaa".

S19: Maxaad odhan subax iyo galabba oo adkaar ah?

J: Waxaan akhrin Aayatul Kursi: "Allaah, ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo aan Isaga aheyn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo dhulka. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara isagoo loo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah intay dunida ku sugan yihiin iyo waxa ka dambeeya ee sugaya Aakhiro. Ma koobi karaan (kuwuu abuuray) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu wuu ka ballaadhan yahay oo koobaa samooyinka iyo dhulka, mana cusleeyaan ilaalintoodu, waana Sarreeyaha Weyn". [Suuradda Al-Baqarah: 255].
2. Oo waxaan akhrin: Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba iska leh. (Dheh: Allaah waa Mid Keliya (Axad ah aan wax shariig ah lahayn). 2- Alle waa Sayidka Deeqtoon (ma baahdaha loo wada baahan yahay). 3- Ma dhalin (ma leh ilmo), lamana dhalin (ma leh waalid - aabbe iyo hooyo - iyo xaas midna). 4- Ma jiro qof u dhigma (Alle oo la mid ah ama la barbar dhigo). [Suuradda Al-Ikhlaas: 1-4] Seddex jeer.
Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo ta gaar ahaaneedba iska leh. 1- (Dheh: Waxaan ka magan galay Rabbiga oogga (dillaacsha), 2- Sharka wuxuu abuuray; 3- Iyo sharka habeenka mugdiga badan markuu mugdigiisu daboolo (samada iyo arlada dhexdooda). 4- Iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha ( saaxirooyinka). 5- Iyo sharka xaasidka markuu wax xasdo. [Suuradda Al-Falaq: 1-5] Seddex jeer.
Magaca Alle ayaan ku billaabayaa, Allaha naxariista guud iyo midda gaar ahaaneedba iska leh. 1- (Dheh: Waxaan ka magan galayaa Rabbiga dadka. 2- Boqorka dadka. 3- Ilaaha dadka. 4- waxaan ka magan gali Sharka waswaasiyaha (sheydaanka) soo noqnoqodka badan. 5- Kaasoo waswaasiya laabaha dadka. 6- (Shaydaankaa) oo jin iyo dadba leh. [Suuradda An-Naas: 1-6] Seddex jeer.
3. "Allahumma anta Rabbii laa ilaaha illaa Anta khalaqtanii wa anaa cabduka wa anaa calaa cahdika wa wacdika mastadactu, acuudu bika min sharri maa sanactu wa abuu'u laka binicmatika calayya wa abuu'u bidambii faqfirlii fa innahu laa yaqfira ddunuuba illaa Anta" "Allow Adigu waxaad tahay Rabbigay, ma jiro ilaah xaq ah Adiga mooyee, Adigaa i abuuray, aniguna waxaan ahay addoonkaaga, waxaana ku suganahay ballankaagii iyo yaboohaagii intaan awoodo, waxaan kaa magan galayaa sharka aan sameeyay, waan kuu qirayaa nicmadda aad ii nicmaysay, waana qirayaa denbigayga, ee ii denbi dhaaf, ma dhaafo denbiyada Adiga mooyee». Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.

S20: Maxaad odhan markaad seexaneyso?

J: "Bismika Allaahumma amuutu wa axyaa" "Magacaaga ayaan Allow ku dhimanayaa kuna noolaanayaa". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S21: Maxaad odhan ka hor intaadan cunin cuntada?

J: "Bismillaah". Haddaad illowdo marka hore markaad xusuusato dheh: "Bismillaahi fii awwalihi wa aakhirih"
Magaca Alle ayaan ku billaabayaa billowgiisa iyo dhammaadkiisaba" Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

S22: Maxaad odhan markaad bogto/dhammeyso cunidda cuntada?

J: "Alxamdu lillaahi alladii adcamanii haadaa warasaqaniihi min qayri xawlin minnii walaa quwwah" Waxaa ammaan iyo mahad leh Alle oo igu quudiyay quudkan, iguna irsaaqay, iyadoon jirin xeelad iyo Xoog xaggayga ka ahaaday". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, ibnu Maajah, iyo qeyrkood.

S23: Waa maxay ducada qofka martida ah la dooni inuu ugu duceeyo cidda marti qaadday?

J: "Alloow u barakee waxaad ku arsaaqday, oo u denbi dhaaf una naxariiso". Waxaa soo weriyey Muslim.

S24: Muxuu qofku odhan hadduu hindhiso?

J: "Alxamdulillaahi". "Ammaan iyo mahad oo dhan Alle ayaa leh". walaalkiisna ama saaxiibkiis ha ku yidhaahdo:"Yarxa- mukallaah".
"Allaha kuu naxariisto". Marka uu ku dhaho yarxamukallaah, ha yidhaahdo: "Yahdiikumullaahu wayuslixu baalakum" Alle ha idin hanuuniyo, hana hagaajiyo arrimahiinna". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.

S25: Maxaad odhan markaad ka kacdo gole/ fadhi "ducada kafaara gudka ee denbi dhaafka fadhiga"?

J: "Subxaanaka Allaahumma wa bixamdika ash-hadu an laa ilaaha illaa anta astaqfiruka wa atuubu ileyk". "Allow xumaan waad ka hufan tahay mahadna Adaa leh, waxaan qirayaa inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Adiga mooyee, denbi dhaaf ayaan ku weydiisanayaa, waana kuu toobad keenayaa'. Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, At-Tirmidi iyo qeyrkood.

S26: Waa maxay ducada fuulidda gaadiidka?

J: Bismillaah, alxamdu lillaah {subxaanalladii sakhkhara lanaa haadaa, wa maa kunnaa lahu muqriniin, wa innaa ilaa Rabbinaa la munqalibuun". [Suuradda Az-Zukhruf: 13- 14]. Alxamdu lillaahi, alxamdu lillaahi, al- xamdu lillaahi, Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, Subxaanaka Allaahumma innii dalamtu nafsii faqfir lii, fa-innahu laa yaqfira dunuuba illaa Anta". "Magaca Alle ayaan ku fuulayaa, mahad Allaa leh, waxaa xumaan ka nasahan Alle oo noo sahlay kan, mana nihin kuwo kara leyligiisa innaguna xagga Rabbigayo yaannu u noqoneynaa. mahad Allaa leh, mahad Allaa leh, mahad Allaa leh, Allaa weyn, Allaa wayn, Allaa weyn, Allow Adigaa xumaan ka fog, anigu waxaan dulmiyey naftayda, ee ii denbi dhaaf, ma dhaafo denbiyada Adiga mooyee". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo At-Tirmidi.

S27: Waa maxay ducada safarku?

J: "Allaahu akbar, Allaahu akbar, Allaahu akbar, «subxaanalladii sakhkhara lanaa haadaa wamaa kunnaa lahuu muqriniin wa innaa ilaa rabbinaa la munqalibuun} {Allaahumma innaa nas'aluka fii safarinaa haadaa al-birra wa taqwaa, wa minal camali maa tardaa, allaahumma hawwin calaynaa safaranaa haadaa, wadwi cannaa bucdahu, Allaahumma anta saaxibu fi safri, wal khaliifatu fil ahli, Allaahumma innii acuudu bika min wacthaa-safari, wa ka'aabatal mandari, wa suu'il munqalabi fil maali wal-ahal). Allaa weyn, Allaa weyn, Allaa weyn, waxaa nasahan Alle oo noo sahlay kan, mana nihin kuwo kara leyligiisa innaguna xagga Rabbigayo ayaan u gaddoomaynaa. Allow waxaan ku weydiisanaynaa socdaal kayagan, wanaag iyo taqwo (cabsi Alle) iyo camal aad raalli ka tahay, allow noo dhib-yaree safarkayagan, fogaanshihiisana, noo soo duub, Allow Adigaa ah saaxiibka safarka, iyo Kan maqnaantayo og arrimaha ehelkayo (dadkaan ka socdaalnay), Allow waxaan kaa magan galayaa rafaadka safarka, iyo muuqaal xumo mugdiga habeenka, iyo nasiib xumo hadday ahaan laheyd maalka iyo dadkeygaba».
Markuu soo laabtana wuxuu dhihi wardigan oo ku ziyaadin:
"Aayibuuna, taa'ibuuna, caabiduuna, li Rabbinaa xaamiduun"
"Waan soo laabannay innagoo toobad keen ah, caabudayna Alle, Rabbigayagana mahadinayna". Waxaa soo weriyey Muslim.

S28: Waa maxay ducada qofka musaafirku ugu duceeyo qofka negi ee halkiisa jooga?

J: "Astawdici-kumullaah alladii laa tadiicu wadaa'icuhu" "Waxaan idinku amaanaysanayaa Alle ee Amaanadiisu aanay lumin". Waxaa soo weriyey Axmad iyo ibnu Maajah.

S29: Waa maxay ducada qofka negaadiga ah ugu duceeyo musaafirka?Astawdicullaaha diinaka, wa amaanataka, wa khawaatiima camalika. Waxaan ilaahay kaaga dalbayaa ammaangalin diintaada iyo amaanadaada iyo khaatumada camalkaaga.

J: "Astawdicullaaha diinaka, wa amaanataka, wa khawaatiima camalika" "Waxaan Alle kaaga baryayaa nabad gelyo diintaada iyo amaanadaada iyo khaatumada camalkaaga". Waxaa soo weriyey Axmad iyo At-Tirmidi.

S30: Waa maxay ducada lala yimaado marka la galayo suuqa?

J: Laa ilaaha illallaahu waxdahu, laa shariika lahu lahulmulku wa lahulxamdu yuxyii wa yumiitu, wa huwa xayyun laa yamuut, biyadahil khayr, wahuwa calaa kulli shay-in qadiir" "Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo Alle  mooyee Keligii, ma laha cid wax la wadaagta, wuxuu leeyahay boqornimo wuxuuna leeyaahay mahadda, Isagaa wax nooleeya, isagaanaa wax dhinsiiya, wuuna nool yahay nolol daa'im ah, mana dhinto, Gacantiisa ayuu kheyrku ku sugan yahay, wax kastana wuu Karaa". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.

S31: Waa maxay ducada lala yimaado marka la cadhoodo? "Acuudu billaahi minashaydaanirrajiim." "Waxaan ilaahay uga magan galayaa shaydaanka laga dheereeyey naxariista ilaahay."

J: "Acuudu billaahi minashaydaanir rajiim".
"Waxaan Alle ka magan galayaa shaydaanka la fogeeyey". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S32: Maxaad ku odhan qofkii ku kuu axsaan fala?

J: "Jasaakallaahu khayran". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.

S33: Waa maxay ducada marka gaadiidka aad fuushan tahay uu turraanturroodo?

J- Waxaad odhan:  "Bismillaah". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.

S34: Maxaad odhan haddaad la kulanto wax kaa farxiya?

J: "Alxamdu lillaahi alladii binicmatihii tatimmus saalixaat" "Ammaan iyo Mahad oo dhan waxaa leh Allaah oo Nicmadiisu wax walba oo wanaagsan ku dhammeystiran tahay". Waxaa soo weriyey Al-Xaakim iyo qeyrki.

S35: Maxaad odhan markaad la kulanto waxaad nacdo oo dhibsato?

J: Waxaad odhan: "Al-xamdu lillaah calaa kulli xaal" "Waa mahad Ilaahay xaalad walba oo aan ku sugan nahay". Saxiix Al-Jaamic.

S36: Waa sidee salaanta saxda ah iyo salaan naqu?

J: Wuxuu Muslimku odhan : "As-Salaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh". " Wuxuu walaalki ugu jawaabi: "Wa caleykumus salaam waraxmatullaahi wabarakaatuh". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi, Abuu Daawuud iyo kuwo kale.

S37: Waa maxay ducada la akhriyo marka uu roob da'ayo?

J: "Allaahumma sayyiban naafican" "Allow ka dhig roob shubma, oo wax tara". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari.

S38: Waa maxay ducada lala yimaado markuu roob da'o?

J- "Mudirnaa bifadlillaahi wa raxmatihi" "Waxaa roob noogu da'ay gallada Alle iyo naxariistiisa sababteed". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.

S39: Waa maxay ducada lala yimaado markay dabeyl kacdo?

J: Waxaad odhan:  "Allahumma innii as-aluka khayrahaa, wa acuudu bika min sharrihaa" "Allow waxaan ku weydiisanayaa kheyrkeeda (dabeysha), waxaana kaa magan-galayaa sharkeeda". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud iyo ibnu Maajah.

S40: Waa maxay ducada lala yimaado marka aad maqasho onkod?

J: Waxaad odhan: "Subxaanalladii yusabbixu racdu bixamdihi wal malaa'ikatu min khiifatihi" "Xumaan Alle ayaa ka hufan oo onkodku ku tasbiixsado mahaddiisa, malaa'igtuna ku tasbiixsato cabsidiisa darteed". Muwadda' Maalik.

S41: Waa maxay ducada lala yimaado marka aad aragto qof ibtileysan?

J: Waxaad odhan: "Alxamdu lillaahil ladii caafaanii mimmaa ibtalaaka bihi, wa faddalanii calaa kathiirin mimman khalaqa tafdiilaa" "Waxaa mahad leh Allaah oo iga caafiyey waxa uu kugu ibtileeyay, igana doortay kuwo badan oo uunkiisa ka mid ah". Waxaa soo weriyey At-Tirmidi.

S42: Waa maxay ducada qofka ka cabsada inuu wax ileeyo?

Waxaa ku soo arooray xadiis: "Haddii uu ka arko midkiin walaalkiis, ama naftiisa ama maalkiisa wax uu ka helay oo uu u bogay, ha ugu duceeyo barako iyo barwaaqo, ishu waa xaq (dhab)". Waxaa soo weriyey Axmad, ibnu Maajah, iyo qeyrkood.

S43: Sidee baad ugu sallin Nabiga -Sallallaahu calayhi wasallam-?

J: "Allaahumma salli calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammad, kamaa sallayta calaa Ibraahiima wa calaa aali Ibraahiima, innaka xamiidun majiid.  Allaahumma baarik calaa Muxammadin wa calaa aali Muxammad, kamaa baarakta calaa Ibraahiima wa calaa aali Ibraahiima, innaka xamiidun majiid" Allow ku salli Muxammad, iyo reer Muxammad, sidaad ugu salliday Ibraahiim, iyo reer Ibraahiim, Adigu waxaad tahay (Allow) Mahad Badane, Sharaf Badan. Allow barakee Muxammad, iyo reer Muxammad, sidaad u barakeysay Ibraahiim, iyo reer Ibraahiim, Adigu waxaad tahay (Allow) Mahad Badane, Sharaf Badane". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
********

Qaybta axkaamta kala duwan26

S1: Waa maxay axkaamta shanta ah ee diinta?

J: 1. Waajibka.
2- Sunnaha aan waajibka aheyn.
3- Xaaraanta.
4- Makruuha (wax reeban oo laga fiican yahay la imaatinkiisa aanse xaaraan aheyn).
5- Waxa bannaan ee xalaasha ah.

S2: Sharax ka bixi axkaamtan shanta ah.

J: 1. Waajibka: Waa xil na saaran inaan gudanno, sida salaadaha shanta ah, iyo soonka Ramadaanka, iyo u baarri ahaanta waalidka iyo xiriirinta qaraabada iyo wanaajinta deriska.
- Waajibka waa loo abaal gudaa qofkii fala oo fuliya, waana loo ciqaabaa qofkii ka taga oo dayaca.
2. Falalka fiican in la falo oo lala yimaado aanse waajibka aheyn, sida sunanka joogtada loo tukado ee salaadaha faralka ka hor iyo kaddib la tukado, salaatu leylka, siinta dadka cunto, iyo salaanta, waxaana la yidhaahdaa sunno iyo wax fiican in la falo.
- Sunnada aan waajibka ahayn waa loo abaal gudaa qofkii la yimaada, loomana ciqaabo qofkii ka taga.
Fiiro gaar ah:

Waxaa la gudboon qofka Muslimka ah markuu maqlo arrinkani waa sunno ama wax fiican in la falo, inuuu u degdego falkiisa, iyo ku dayashada Nabiga s.c.w.
3. Xaaraanta: Waa waxa waajibka ah in laga tego, sida cabbista khamriga, ku caasinta waalidka iyo goynta qaraabada iyo inaad xumeyso deriska.
- Xaaraanta waa loo abaal gudaa qofkii ka taga oo la ciqaabaa qofkii fala.
4. Makruuha waa waxa aan habbooneyn in la falo, ka tegitaankiisuna waajib aheyn, sida inaad wax ku qaadato oo bixiso gacanta bidix, celinta marada salaadda gudaheeda.
- Makruuha waa loo abaal gudaa qofkii ka taga mana loo ciqaabo qofkii fala.
5- Mubaax ama shayga bannaan: qofkaana dooran inuu ka tago ama falo sida cunista tufaaxa ama cabbidda shaaha, waxaana la yidhaahdaa waxa bannaan ee xalaasha ah.
- Waxa bannaan: ma leh abaalgud qofkii iska daaya, loomana ciqaabo qofkii fala.

S4: Waa maxay xukunka beeca (wax kala iibsiga) iyo mucaamalooyonka?

J: Sida asalka ah wax kala iibsigu dhammaantii waa wax bannaan oo xalaal ah, marka laga reebo waxyaabo uu Alle xaaraan tinimeeyey, intaa uu innaga reebayna waa in xaaraan ah.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Alle wuu xalaaleeyey beeca (wax kala iibsiga) waanu xaaraantinimeeyey ribada). [Suuradda Al-Baqarah: 275].

S5: Waa maxey qaar ka mid ah noocyada mucaamalooyinka iyo beeca xaaraanta ah?

J: 1. Qishka iyo khiyaamada, waxaana ka mid ah qarinta ceeb aad ku og tahay waxaad iibineyso.
- Abuu Hurayrah-Allaha ka raalli noqdee- waxaa laga soo weriyey in Rasuulka Alle -Sallallaahu calahi wasallam- soo maray raashin iib ah (cunto galley ah), markii uu gacanta dhex geliyey waxaa ka soo raacay qoyaan. Markaasuu Nabigu -Sallallaahu calahi wasallam- ku yidhi ninkii galleyda iibineyey: Ninka galleyda lahow waa maxay waxaani? Ganacsadihii wuxuu yidhi: Galleydan waxaa ku da'ay roob Rasuul Allow. Nabigu -Sallallaahu calayhi wasallam- wuxuu yidhi: " Maxaad u soo marin weydey kor si dadku u arko? Qofkii na khiyaana naga mid ma aha". Waxaa soo weriyey Muslim.
2. Ribada: Waxaana ka mid ah inuu qof ka deynsado qof kale kun oo ugu gudo labo kun.
- Intaa siyaadada (dheeriga) ah baana ribada xaaraanta ah. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Alle wuu xalaaleeyey beeca (wax kala iibsiga) oo xaaraameeyey ribada (lacagta dulsaarka markaad lacag amaah ah qof siiso). [Suuradda Al-Baqarah: 275].

 
3. Beec aan caddeyn oo khiyaamo iyo aqoon darro ku jirto: Sida inaan kaa iibiyo caano weli ku jira candhada xoolaha, ama kalluun aan weli la soo qaban.
- Waxaa ku soo arooray xadiis: "Rasuulka Alle Sallallaahu calahi wasallam- wuu reebay beeca khiyaamadu ku jirto". Waxaa soo weriyey Muslim.

S6: Maxaa ka mid ah nicmooyinka uu Alle kugu galladeystay?

J: 1. Nicmadda Islaamka, iyo inaad ka mid aheyn dadkaa gaalada ah.
2. Nicmadda Sunnada, iyo inaad ka mid aheyn kuwaa ehlu bidcada ah.
3. Nicmadda ladnaanta iyo caafimaadka,  oo leh maqalka, aragga, socodka iyo nicmooyinka kale oo badan.
4. Nicmadda cunnada iyo cabbitaanka iyo dharka.
- Nicmadda Alle kor ahaaye innagu galladaystay wey badan yihiin oo lama koobi karo tiro ahaan.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. dhab ahaan Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan). [Suuradda An-Naxal: 18].

S7: Maxaa nagu waajib ah xagga Nicmooyinka Alle? Sidee baana uga mahad naqnaa?

J. Waajibku: Waa inaan ku mahadnaqno oo ku ammaano Alle carrabka iyo qalbiga iyo inuu Isagu Keligii leeyahay deeqda, iyo in loo isticmaalo Nicmooyinkaa waxa raalli geliya Alle, oo waa inaan loo adeegsan ku caasintiisa.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Ee i xusa aan idin Xusee, oo ii mahad naqa hana iga abaal dhicina). [Suuradda Al-Baqarah: 152].

S8: Waa maxay ciidaha Muslimiintu?

J: Ciidda soon furka iyo ciidda Adxada ee tobanka bisha dul-Xijjah). Sida ku soo arooray xadiiska Anas-Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yidhi: Wuxuu Rasuulka Alle -Sallallaahu calayhi wasallam- yimid Madiinah iyagoo (reer Madiina) leeyihiin labo maalmood oy ciyaaraan oo ay ciid ka dhigtaan. Nabigu -Sallallaahu calahi wasallam- wuxuu yidhi: Waa maxay labadan maalin? Waxay yidhaahdeen: Waa ciiddayada aan ciyaarno ilaa waagii aan aheyn gaalada. Markaasuu Rasuulku sallal laahu calayhi wasallam yidhi:"Alle wuxuu idiinku beddelay labo ka kheyr badan: Maalinta Adxada, iyo Maalinta Soonfurka". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud.
Waxaan labadaa ciidood aheyn ee ka soo hadha waa bidco.

S9: waa kuwee bilaha ugu fadliga badan bilaha sannadka?

J: Bisha Ramadaan.

S10: Maalintee baa ugu fadli badan maalmaha?

J: Maalinta Jumcaha.

S11: Waa maalintee maalinta ugu fadliga badan maalmaha sannadka?

J: Maalinta gowraca (Adxada 10ka Xajka), waxaa sidoo kale la yidhi Maalinta Carrafa (9ka Xajka).

S12: Habeenkee baa ugu fadli badan habeennada sannadka?

J: Habeenka Laylatul Qaddarka.

S13: Maxaa waajib ah haddaad aragto haweeney ajanabi kaa ah?

J: Waa inaan aragga ka laabo oo fiiro la raacin, Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Waxaad ku dhahdaa mu’miniinta ha ka laabeen aragyadooda (xaaraanta, Iyagoo eegaya oo keliya waxa bannaan oo ka jeedinaya indhahood waxa aan u bannaaneyn in la eego). [Suuradda An-Nuur: 30].

S15: Waa kuwee cadowyada dadku?

J: 1. Nafta amarta xumaha: isagoo qofku raacaya waxay naftiisu u iilato iyo hawadiisa ee ku caasinta Alle kor ahaaye ah. Alle Hufnaaye wuxuu yidhi: (Naftu waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan). [Suuradda Yuusuf: 53].
2. Shaydaanka: Waa cadowga ilmo Aadam ujeeddadiisa ugu weyni waa inuu lumiyo qofka oo ku waswaas geliyo sharka oo Naar geliyo. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad). [Suuradda Al-Baqarah: 168].
3- Saaxiibbada xun: Waa kuwa ku boorriya dadka sharka, oo ka hor istaaga kheyrka.   Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Saaxiibbadu Maalintaas waxay isu ahaan cadow qaarkoodba qaarka kale, kuwa wanaagsan ee Alle ka baqa ee iska jira xumaha mooyee). [Suuradda Az-Zukhruf: 67].

S17: Waa maxay tawbadu?

Toobadu: Waa ka soo laabashada ku caasinta Alle kor ahaaye oo loo laabto adeecitaankiisa. Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Anigu waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii toobad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada). [Suuradda Daa Haa:82].

S18: Waa maxay shuruudda toobada saxda ah?

J: 1. Inaad ka harto denbiga oo ka joogto.
2. Inaad ka shallaydo wixii tagey.
3. Inaad goosato inaadan u noqon denbigaa.
4. inaad u celiso xuquuqda iyo waxyaalaha aad ku dulmisay dadkii lahaa.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda, xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada oo aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah). [Suuradda Aal- Cimraan: 135].

S21: Waa maxay macnaha ku sallinta Nabiga -sallallaahu calayhi wasallam?

J: Macnaha waa inaad Alle ka baryeyso inuu ku ammaano Nabigiisa -Sallallaahu calahi wasallam- kulanka sare ee malaa’igta dhexdooda.

S22: Waa maxay macnaha Subxaanallaah?

J: Tasbiixda waa ka nasahidda (ka fogeynta) Alle kor ahaaye ceeb iyo xumaan oo dhan.

S23: Waa maxay macnaha Al Xamdulillaah?

J: Waa Alle ammaan iyo ku tilmaamiddi dhammaan tilmaamaha kamaalka (dhammeystiran).

S24: Waa maxay macnaha Allaahu Akbar?

J: Waa inuu Alle ka weyn yahay wax walba oo ka sarreeyo, ka Sharaf iyo darajo weyn yahay wax waliba.

S25: Waa maxay macnaha Laa xawla walaa quwwata illaa billaah?

J: Macnaheedu waxaa weeye: addoonka kama wareegi karo xaal isagoo u waraagi xaal kale, mana awoodo taa inuu Alle ugu kaalmeeyo mooyee.

S26: Waa maxay macnaha Astighfirullaah?

J: Waa dalab uu addoonku ka dalbi Rabbigi inu ka tiro dunuubtiisa oo u asturo ceebahiisa.

S3- Waa maxay faa'idada barashada iyo fahmidda diinta, iyo fadliga barashada diinta iyo in fahmo loo yeesho?

J: Waxaa ku hagaaga hadalka aad ku hadleyso, falalka aad faleyso iyo waxa aad aaminsan tahay, taasoo aad ku heleyso liibaan adduun iyo aakhiraba.
- Tixraac xadiiska Mucaawiyah bin abii Sufyaan Allaha ka raalli noqdee wuxuu yidhi: Rasuulkii Alle sallallaahu calayhi wasallam wuxuu yidhi: "Qofkii uu Alle la doono kheyr wuxuu fahansiiyaa diinta". Waxaa soo weriyey Al-Bukhaari iyo Muslim.
Wuxuu fahansiiyaa:
Macnaha waa ka yeelaa qof yaqaan oo u cilmi leh axkaamta sharciga.

S14: Waa maxay tilmaamaha laga rabo xijaabka haweenta Muslimidda ah?

J: Waa inuu asturo jidhka oo dhan.
- Waa inuusan qurux iyo bilic laheyn.-
- Waa inuusan khafiif aheyn muujin jidhka.
- Waa inuu waasic yahay aan cidhiidhi aheyn.
- Waa inaan uunsi iyo barafuun la marin.
- Waa inuusan shabbahin (u ekaan) dharka ragga.
- Waa inuusan shabbahin (u ekaan) dharka gaalada iyo caasiyaasha (dadka xun).
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: (Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasaskaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta ah inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Allena waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan". [Suuradda Al-Axzaab: 59].
Macnaha Aayadda:
Nabiyow ku dheh oo amar xaasaskaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu'miniinta inay ku soo rogaan madaxyadooda iyo wejiyadooda maryahooda iyo go'yadooda; si ay u asturaan wejiyadooda iyo laabahooda iyo madaxyadooda si aan loo faduulin ama loo dhibin. Allena waa Denbi Dhaaf Badane Isagoo idiin dhaafay wixii horay idiinka dhacay denbiyo, oo idiinku naxariistay inuu idiin caddeeyey xalaasha iyo xaaraanta.

S16: Waa maxay taqwadu?

J: Waa falidda amarrada Alle iyo ka tegitaanka waxyaalaha uu reebay ee macaasida ah.
- Alle kor ahaaye wuxuu yidhi: Alle ka cabsada, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa). [Suuradda Al-Baqarah: 194].

S19: Waa maxay sida ay cisiga iyo guusha ku gaari karaan Muslimiintu?

J: Waa ku camal falka Islaamka iyo ka tegitaanka macaasida iyo dunuubta.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Kuwa Xaqa rumeeyoow, haddaad u gargaartaan (diinta) Alle, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna). [Suuradda Muxammad: 7].
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Alle ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda). [Suuradda Ar-Racad: 11].

S20: Waa maxay muhimada ducadu?

J: Ducadu waa waxa ugu weyn cibaado ee loogu dhowaado Alle.
Alle kor ahaaye wuxuu yidhi:
(Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya waan idinka aqbaliye (baryada); kuwa iska weyneeya baryadeyda, waxay geli Naar iyagoo dullaysan). [Suuradda Ghaafir: 60].
Nabigu Sallallaahu calahi wasallam- wuxuu yidhi: "Ducadu waa cibaado". Waxaa soo weriyey Abuu Daawuud, At-Tirmidi iyo ibnu Maajah.